Maxaad ka taqaanaa cutubka 'Musta'aribin' ee Israa'iil weerarada u fuliya?

Xigashada Sawirka, REUTERS
Koox ka tirsan cutubka ‘Musta'aribin’ ee Israa’iil ayaa saddex dhallinyaro Falastiiniyiin oo laba kamid ah ay yihiin walaalo ku dishay isbitaal ‘Ibn SIna’ ee magaalada Jenin eek u taalla Daanta Galbeed ee la haysto.
Muuqaal ay duubeen kaamirooyinka CCTV ee isbitaalka ayaa muujinaya 12 askari oo ka tirsan cutubkaan oo ay saddex kamid ah xiran yihiin dharka dumarka labana xiran yihiin dharka shaqaalaha caafimaadka, oo dhex socda isbitaalka iyo oo qoryo xambaarsan.
Saddex kamid ah askarta Israa’iil ayaa gudaha u galay qol ay yaalaan toban sariirood oo ku yaalay dabaqa saddexaad ee dhismaha isbitaalka iyaga oo ku dilay saddex dhallinyaro ah – laba walaalo ah oo la kala yiraahdo Maxamed iyo Basil. Basil ayaa lagu dabiibay isbitaalka tan iyo 25 kii October, xilligaas oo ay gudaha Jenin ku haleeshay duqayn ku dhacday xabaalo ku yaalla magaalada.

Xigashada Sawirka, REUTERS
Kalsoonida Israa’iil ay ku qabto cutubkaan ayaa sii siyaadaya maadama ay sii kordhayaan hawlgallada ay ka fulinayaan gudaha Daanta Galbeed ee la haysto, xilli ay dawladda Israa’iil sii waddo weerarada ay ka geysanayso Marinka Qasa, tan iyo 7 dii October ee sanadkii aynu soo dhaafnay. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta Israa’iil.
Tan iyo dhamaadkii bishii January ee sanadkaan, Israa’iil waxay gudaha Daanta Galbeed ee la haysto ku dishay ugu yaraan 380 Falastiiniyiin ah, waxayna xabsiga dhigtay 6,390 qof, sida laga soo xigtay masuuliyiinta Falastiin.
Hadaba muxuu yahay Cutubka Musta'aribin, muxuuse ka kooban yahay?
Maxaan ka ognahay cutubka Musta'aribin, maxay ka kooban yihiin, goormee la aasaasay, muxuu yahay u jeedka laga leeyahay, muxuuse yahay qorshahooda hor-tabinta leh ee loo igmaday?
Cutubkaan ayaa waxaa uu ka dhex jiraa gudaha ciidamada booliska Israa’iil iyo sidoo kale kuwa milatariga, iyada oo magacooda laga soo min-guuriyay erayga af-Carbeed ka ah ee “Musta'aribeen”, kaas oo la macne ah kuwa la nool dadyowga Carabta ah. Kooxdaan qaaska ah ee Israa’iiliyiinta ah ayaa iska dhiga in ay yihiin Carab, iyaga oo ka dhex shaqeeya bulshooyinka Carabta ah si ay u fuliyaan hawlgallada loo igmado.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kooxdaan Musta'aribin ayaa yaqaana dhaqamada iyo asluubka bulshada Falastiiniyiinta ee Carabta ah, iyaga oo si fasiix ah ugu hadla luuqada Carabiga, kana qayb qaata munaasabadaha guud ee bulshooyinka, sidoo kalana sameeya dhamaan dhaqamada bulshada ay aaminsan yihiin.
Waxay taageeraan banaabaxayaasha, mararka qaar waxay abaabulaan banaanbaxyo dadwayne, balse dhabta ayaa ah in ay yihiin saraakiil sirdoon oo qarsoon.
Xubnaha cutubkaan ayaa waxaa lagu xushaa shuruudo ay kamid yihiin, in ay muuqaal ahaan wajiga ka shabahaan dadka Falastiiniyiinta ah, in ay si fasiix ah ugu hadli karaan luuqada Carabiga iyo in ay bulshada la socon karaan iyaga oo xiranaya dharka hidaha iyo dhaqanka ay u leeyihiin bulshada reer Falastiin.
Kooxda ayaa inteeda badan waxay ka kooban tahay askar qaatay tababar milatari oo dhamays tirin oo ah dhinaca furimaha dagaalka, iyo midka ciidamada qaaska ah, kuwo badan oo kamid ah shaqada waxa ay ku sii jiraan ilaa iyo inta ay ka gaarayaan da’da 45 jirka.
Qofka ku biiraya kooxdaan ayaa waxaa looga baahan yahay dhawr shardi oo ka mid yihiin, in uu isticmaali karo hubka nuucdyadiisa kala duwan, leeyahay jir dhisan, xirfad shaqsiyadeed oo sare, iyo in uu leeyahay awooda in uu waqti kooban xogaha ku qabto maskaxda, dhaqanna galiyo xogahaas inta uu ku sugan yahay furinta.
Ka hor inta uusan qofku ku biirin kooxdaan ayaa waxaa la siiyaa casharo tababaro sare oo ah kamid yihiin in uu qaato casharo qaas ah oo ku saabsan bulshada Falastiiniyiinta, diinta, luuqada Carabiga iyo dhaqanka, sidoo kale waxaa looga baahan yahay in uu tijaabiyo sida uu fahansan yahay waxa uu bartay iyada oo lagaynayo goobaha ay ku sugan yihiin dadka Falastiiniyiinta.













