Daawo: Heesta hadal haynta dhalisay ee Oomaar Barbar ee ku saabsan guurka Marooko iyo haweenka Soomaalida

Qoraalka Muuqaalka, Waxaa beryahan dambe soo badanayay rag Soomaaliyeed oo guur u doonanaya Marooko

Waxaa beryahan dambe soo badanayay rag Soomaali ah oo dalka Marooko u aadaya haween ay guursadaan.

Baraha bulshada Soomaalida ayay dadku aad uga hadal hayeen arrintaas. Inkastoo aysan fududeyn guurka gabdhaha Marooko oo la sheego in ragga lagu xiro shuruudo, haddana waxaa la is weydiinayay waxa ku kallifa ragga Soomaalida inay sidaas sameeyaan.

Fannaanka Oomaar Barbar, ayaa hees ka sameeyay arrintan. Wuxuuna ka warramayaa waxyaabaha ay gaar ahaan heestiisa ka hadleyso.