Nin 27 goor ku guuldarraystay inuu ku baaso imtixaanka lagu galo jaamacadda

Maalqabeen Shiinees ah ayaa ku guul darraystay 27 goor in uku baaso imtixaanka jaamacadda lagu galo.
Ninkaas oo la yiraahdo Liang shi oo ah 56 jir ayaa Jimcihii wuxuu ogaaday inuu helay 424 dhibcood o ka mid ah imtixaan lagu saxayey 750 dhibcood, wuxuuna 34 dhibcood ka hooseeyaa heerka aasaasiga ah ee laga doonayo qofka dalbanaya inuu galo jaamacad Shiinaha ku taalla.
Ku dhawaad 13 malyan oo arday ayaa saannadkan u fariistay imtixaanka jaamacadaha Shiinaha lagu galo. Liang ayaa soo jiitay indhaha saxaafadda bacdamaa uu ku dhacay imtixaanka jaamacadaha lagu galo.
Liang oo ku guuldarraysanayey imtixaannada jaamacadaha tan iyo 1983 ayaa warbaahinta maxalliga u sheegay inuu ka xun yahay natiijada uu sannadkan keenay, wuxuuna la yaabban yahay haddii uu imaan doono wakhti ay riyadiisa ugu rumowdo.
“waxaan dhihi jiray ‘ma rumeysan kari in aan guuldarraystay, laakin hadda waan niyad-jabsanahay” ayuu yiri ninkaas deggan Sichuan oo u warramayey warbaahinta Tianmu.

Xigashada Sawirka, Twitter
Gaokao oo ah imtixaan adag, ayaa ardayda dugsiga sare ka soo baxda ee shiinaha waxaa looga qaadaa maadooyinka xisaabta, luqadda Ingiriiska, iyo maadooyin isugu jira saynis iyo adab oo ay iyagu dooranayaan.
Xogta dawladda Shiinaha ayaa muujinaysa kaliya 41.6% ardayda imtixaanka u fariisatay 2021 in loo ogolaaday inay jaamacadaha iyo koleejyada galaan.
Markii uu ninkaas ku guul darraystay isku daygiisii 1aad 1983, markaasoo uu 16 jir ahaa, ayuu ka soo shaqeeyey shaqooyin kala duwan, isagoo sannad kasta isku day samayn jiray.
1992 waxaa loo arkay inuu dhaafay da’da jaamacadaha lagu galo.
Markii ay kacday warshad uu lahaa sagaashameeyadii, wuxuu bilaabay inuu galo ganacsiga geedka looxa laga sameeyo.
Ganacsigiisa ayaa si fiican u shaqeeyey, sannad gudihiisna wuxuu helay hal malyan oo Yuan, wuxuuna bilaabay ganacsiga qalabka dhismaha.
L

Xigashada Sawirka, Twitter
Laakinse 2001 markii ay dawladda Shiinaha meesha ka saartay in waxbarashada aysan da’ ku xirnayn, gaar ahaan dadka u fariisanaya imtixaanka Gaokao, ayaa wuxuu bilaabay inuu isku daygiisa dhanka waxbarashada sii wato, laakin uma suurto galin inuu imtixaanaadkii sannadleyaasha ahaa u fariisto sababo la xiriira caafimaadkiisa iyo isagoo mashquulsanaa.
Xataa wuxuu iska jaray caabitaanka khamriga si uu diiradda u saaro waxabarashada, isagoo 12 saacadood maalin kasta wax baran jiray, laakin kuma uusan guulaysan.
Hadda wuxuu qorshaynayaa in uu ka haro imtixaannadaas, isagoo u eg inuu quustay. “Waxaa laga yaabaa in aan in aan faraha ka qaado sannadka soo socda, mana sheegan doono magaca reerkayga haddii aan markaan dhaco” ayuu yiri.












