Haweeney 87 jir ah oo dhammeysay waxbarashada sare ee jaamacadda

Xigashada Sawirka, YORK UNIVERSITY
Iyadoo jirta 87 sano, ayaa Varadaletsumi Shanmuganathan oo ka soo jeedda dalka Sri Lanka waxay dhammeysay waxbarashada sare iyadoo ka qalinjebisay jaamacad ku taalla Canada.
Waa haweeney ay xusuusteedu aad u wacan tahay isla markaana hadalkeedu faseex yahay waxayna sheegtay inay ku faraxsna tahay inay noqoto qofka ugu da'da weyn ee ka qalin jebiya Jaamacadda York ee dalka Canada.
Waxay ka soo jeeddaa tuulada Velanai ee degmada Jaffna ee koofurta Sri Lanka, Varadaletsumi ayaa sidoo kale macallimad u ahayd ardayda ilaa sheybaar oo dunida daafaheeda ku kala yaalla.
Ma sahlaneyn nolosha Varadaletsumi inkastoo ay ahayd qof waxbarashada ada u jecel.
Inkatsoo imtixaanka dugsigii dhexe ay si fiicna ugu baastay, haddana waxbarashadeeda kuma sii wadan karin dalka Sri Lanka maaddaama keliya loo soo bandhigay fursado yar oo lagu saleeyay isirka, jinsiyadda iyo ardayda ka soo jeedda qomwiyadaha laga tirada badan yahay.
Waxay doon ku tagtay gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya si ay waxbarashadeeda uga sii wadato.
"Mid ka mid ah macallimiinteyda ayaa igula taliyay in waaliddiinteyda ay ii diraan waxbarasho dibadda ah. Sidaas darteed ayay Hindiya iigu direen," ayay tiri Varadaletsumi.
Waxay waxbarashada shahaadada heerka koowaad ku dhammeysay Jaamacadda Chennai ee gobolka Tamil Nadu. Markii ay ku laabatay Sri Lanka, waxay carruurta iskuullada bartay taariikhda Hindiya iyo luqadda Ingiriiska.
Waxay shahaadada diploma ka qaadatay Jaamacadda Ceylon ee dalka Sri Lanka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Waxbarashada haweeneydan oo aad u daneyneysay inay ka fekerto waxa ya mustaqbalka baran lahayd ayaa waxaa ka soo dhex galay xanuunka aabbaheed.
Waxay ku qasbanaatay inay la wareegto mas'uuliyadda qoyska. Waxay markii dambe guursatay macallin wayna isaga tagtay Sri Lanka.
Waxay Canada tagtay sanadkii 2004 iyadoo kahor ku nooleyd dalalka Itoobiya, Sierra Leone, Nigeria iyo UK.

Xigashada Sawirka, YORK UNIVERSITY
Waxaa ka daba timid da'da, balse xiisaha ay Varadaletsumi u qabtay inay wax akhriso maankeeda kama guurin. Waxay ogaatay inay jirto fursad kharashka ah oo la siinayo dadka ugu da'da weyn ee Jaamacadda York.
Markii ay jirtay 85 sano, ayay codsatay waxbarashada shahaadada labaad ee Jaamacadda York, iyadoo tiri, "Markii aan shan jir ahaa waxaan daneyn jiray taariikhda Dagaalkii Labaad ee Adduunka ee Ceylon (oo markii dambe loo bixiyay Sri Lanka).
Markii Varathaletsumi ay codsi dirsatay waxaa laga diwaan geliyay Jaamacadda York sanadkii 2019.
"Aaditaanka jaamacadda waxay ii ahayd fursad weyn, ku dhex socodka jaamacadda, wax ku barashada maktabadda, iyo inaan u socdo sida gabar da' yar… waan jecleystay wax walba," ayay tiri Varadaletsumi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wadayaasha takaasida ayaa mar waliba u maleeya inay tahay bare sare waxayna la yaabaan markii ay ogaadaan inay tahay ardayad. "Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan arday noqdo. Waxaan aaminsanahay wax aqkhrinta.
"Duqeydu waa inay wax akhriyaan si ka badan inta ay bulshadu u qoondeysay," ayay tiri.
Varadaletsumi ayaa iyadoo jirta 50 sano waxbarashada sare ee shahaadada master-ka dhammeysay Kuleejka Birkbeck, London.
Waxay go'aansatay inay Jaamacadda York ka barato dhismaha nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Varadaletsumi ayaa aaladda fogaan-aragga ee Zoom-ka uga hadasha (Waxyaabaha sababay dagaalka sokeeye, nabad ilalainta, fursadaha nabadda Sri Lanka) iyadoo su'aalahana ka jawaabta.
"Dagaalku wuu dhammaan karaa, balse nabadda marnaba lama soo celin karo ilaa la xalliyo dhibaatooyinka dadka Tamil ee Sri Lanka, qeybsiga awoodda iyo qeybsiga dastuurka ayaa nabad dhalin kara," ayay tiri.
Waxay sidoo kale go'aansatay inay buug ka qorto natiijooyinka baaritaankeeda xaaladda Sri Lanka kaddib dagaalkii sokeeye iyo rajada nabadda laga qabo.










