Muxuu yahay masjidkan qaddiimiga ah ee Muslimiinta Shiinaha ay ka dhiidhinayaan in la dumiyo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dibadbaxayaal badan iyo booliiska Shiinaha ayuu isku dhac ku dhex maray magaalada ay Muslimiintu ku badan yihiin ee ku taalla gobolka Yunnan, iyagoo ka gadoodsan Masjid la burburinayo.
Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dad badan oo isugu soo baxay Masjidka qarnigii 13aad la dhisay ee Nagyong oo ku yaalla magaalada Nago.
Isku dhacyadan ayaa u dhaxeeyay booliiska iyo dadka deegaanka, kuwaasoo ay ku hareereysnaayeen boqollaal ciidan hubeysan.
Yunnan waa gobol ay deggan yihiin bulsho kala dhaqan ah wuxuuna ku yaalla koofurta Shiinaha, waxaana ku nool tiro Muslimiin ah.
Shiinaha malaha diin u gaar ah dowladduna waxay sheegtaa inay oggoshahay xorriyadda diinta, balse dadka indha indheeya arrimaha dalkaas ayaa sheegaya in ugaarsiga diimeed ee ciidanka uu kordhayay sanadihii la soo dhaafay isla markaana xukuumadda Beijing ay isku dayeyso inay awood ku muquuniso dadkaas.
Masjidka Nagyong ee Nago ku yaalla waxaa halkaasi looga arkaa mid qaddiimi ah. Minaaradaha masjidka ayaana mar dhowr la sameeyay kaddib ballaarin masjidka lagu sameeyay.
Si kastaba, sanadkii 202 xukun maxkamadeed ayaa dib u ballaarinta masjidkaas ku tilmaamay sharci darro iyadoo la amray in la burburiyo minaaradda.
Tallaabooyinkan lagu fulinayo amarkan ayaa u muuqda kuwo sababay dibadbaxyadan.

Xigashada Sawirka, SUPPLIED
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muuqaallo laga soo qaaday bannaan baxyadii Sabtidii, oo BBC-du ay xaqiijisay, ayaa muujinaya booliiska oo xannibaya gelitaanka masjidka iyo koox rag ah oo dhagaxana ku tuuraya booliiska iskuna dayaya inay xoog gudaha u galaan.
Muuqaallo kale ayaa muujinaya booliiska oo dib uga guranaya masjidka, kaddib markii ay dadkii bannaan baxayay u suurto gashay inay xoog ku galaan masjidka.
Booliiska ayaa soo saaray war ay dadka uga codsanayaan inay isku soo dhiibaan booliiska wixii loo gaaro 6-da June, iyadoo dhowr qof ilaa iyo haatan la soo xiray.
Sida ku cad warka booliiska, 'kuwa is soo dhiiba ciqaabta waa loo yareyn doonaa.'
Dibadbaxyadan ayaa dhif ka ah Shiinaha, balse qaar badan ayaa dhacay tan iyo dillaacitaankii coronavirus, markaas oo bandowyo adag la soo rogay kuwaasoo caro geliyay dadka.
Dadkan ka dibadbaxaya burburinta masjidka ayaa waxay ka tirsan yihiin qowmiyadda 'Hui'. Ilaa 700,000 oo Muslimiinta Hui ayaa ku nool gobolka Yunnan, halka ay 10 milyan oo Muslimiin ah guud ahaan ku nool yihiin Shiinaha.
Shiinaha waxaa lagu eedeeyaa ku xad gudubka xuquuqda bani’aadamka oo ka dhan ah Muslimiinta Wiigar, balse Beijing ayaa beenisa eedeymahan.













