Hadalkii carada dhaliyay ee uu hadda ka hor Soomaalida u jeediyay madaxweynaha maanta loo dhaariyay Kenya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto, oo maanta xilka loo dhaariyay, waxa uu muddo dheer ka mid ahaa siyaasiyiinta saameynta badan ee ka hadla arrimaha Soomaalida.
Ka hor inta aysan dhicin doorashada uu ku hantay kursiga ugu sarreeya Kenya, waxa uu ololihiisa qeyb weyn uga dhigay soo-jiidashada Soomaalida oo uu arrimo dhowr ah u ballan-qaaday, si uu codkooda u kasbado.
Saddex waxyaabood oo uu si gaar ah Soomaalida ugu ballan-qaaday haddii uu guuleysto waxay kala ahaayeen:
1. In uu u fududeyn doono helista sharciga aqoonsiga, uuna meesha ka saari doono caqabadaha ay la kulmaan marka ay sameysanayaan baasaboorka
2. In uu wax ka qaban doono dhibaatada ku saabsan dadka Soomaalida ah ee sida gaarka ah loo beegsado, oo mararka qaar la waayo
3. In uu dhisi doono waddo muhiim ah oo isku xirta deegaanno ka tirsan gobolka ay Soomaalidu degto ee Waqooyi-bari
Hadda oo loo dhaariyay xafiiska waxaa laga dhowrayaa fulinta ballamahaas.
“Hadda ka hor wuxuu u hanjabay Soomaalida”
Sanadihii dambe Ruto waxa uu ku dadaalayay in uu wanaajiyo xiriirka kala dhaxeeya Soomaalida, isagoo safarro badan ku tagay deegaannada maxalliga ah ee gobollada Soomaalida.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Balse, dad badan oo Soomaali ah waxay xusuustaan mar uu hadda ka hor jeediyay hadallo caro badan dhaliyay oo ka dhan ahaa Soomaalida qaxootinnimada ku joogta Kenya.
Bishii Abriil ee sanadkii 2015 ayuu Ruto, oo xilligaas ahaa, madaxweyne ku-xigeenka Kenya, wacad ku maray in dowladdiisa ay muddo saddex bil gudahood ah albaabbada isugu dhufan doonto xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ka mid ah xeryaha ugu waaweyn qaaradda.
Hadalkiisa waxa uu daba socday falal amni-darro oo ay kooxaha xagjirka ah ka geysteen Kenya. Balse, waxaa ka dhalatay hadal-heyn weyn, caro iyo cambaareyn.
“Arrinta Dhadhaab iyo arrinta qaxootiga, waxaan kala hadalnay hay’adda UNHCR, waxaan u sheegnay in xeradaas ku taalla Dhadhaab ay muddo saddex bil gudahood ah ku raraan oo geeyaan Soomaaliya,” ayuu yiri Ruto.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay haddii ay Qaramada Midoobay tallaabadaas qaadi weyso in ay dowladda Kenya si khasab ah ku qaadi doonto dadka Soomaalida ah. Isagoo si kulul u hadlayay ayuuna yiri: “Haddii ay ku rari waayaan saddexdaas bil gudahood, annaga ayaa qaadan doonna gawaari xamuul ah iyo basas, dadkaasna waxaan geyneynaa waddankooda.”
Ruto ayaa sidoo kale sheegay in “ganacsiyada Soomaalida la xiri doono, dadka ku lugta lehna diyaarad la saari doono oo dalkooda la geyn doono.”
‘Way adag tahay in la xalliyo caqabadaha ka jira Soomaaliya’
William Ruto ayaa dhowaan markii xilka loo doortay Soomaaliya ku tilmaamay dal ay ka jiraan caqabado ay adag tahay in wax laga qabto.
Mar uu la hadlayay barnaamijka Amanpour ee CNN ayuu xusay in caqabadahaas ay Soomaaliya wajaheyso ay ku jiraan arrimo amni oo soo jireen ah, haddana ay macaluul ku soo fool leedahay.
“Caqabadda Soomaaliya waa mid ay adag tahay in la maareeyo, la fahmo ama wax laga qabto," ayuu yiri Ruto oo sheegay in uu horay ula soo shaqeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.













