Muxuu Trump ugu baaqay in guud ahaan dadka laga raro Qasa, maxayse ku jawaabeen Masar iyo Jordan?

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo in Masar iyo Urdun ay qaataan Falastiiniyiinta Gaza.

Trump ayaa sheegay in uu codsigaas u gudbiyay boqorka Urdun Boqor Cabdalla, uuna qorsheynayay in uu madaxweynaha Masar wax ka weydiiyo.

Isaga oo Gaza ku tilmaamay "goob la dumin karo", Trump wuxuu yiri: "Waxaan ka hadlaynaa malaha milyan iyo bar qof, annaguna waanu nadiifinaynaa waxaas oo dhan". Waxa uu intaa ku daray in tallabadaasi "ay noqon karto mid ku meel gaar ah" ama "ay noqon karto mid waqti dheer ah".

Xamaas iyo maamulka Falastiin labaduba waxay cambaareeyeen soo jeedinta. Jordan iyo Masar ayaa sidoo kale diiday fikradda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Ayman Safadi ayaa xaqiijiyay diidmada dalkiisa ee soo jeedinta Trump, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dalkiisu u hoggaansamo xalka labada dal oo ah "sida kaliya ee lagu gaari karo amni, xasillooni iyo nabad gobolka".

"Xalka arrinta Falastiin waa Falastiin, Jordanna waa Jordan," ayuu Safadi ku yiri shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen Sigrid Kaag, Xiriiriyaha Gargaarka Bani'aadannimo ee Qaramada Midoobay iyo Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee Gaza.

Waxa uu intaa ku daray: "Xilliyadayada joogtada ah ee Boqortooyada waa cad yihiin mana isbedeli doonaan, taas oo ah in Falastiiniyiinta lagu dhiso dhulkooda iyo diidmada barakaca."

Bayaan ay soo saartay Axaddii, Xamaas waxay ku bogaadisay mowqifka labada waddan, waxayna ku tilmaantay diidmada Jordan iyo Masar ee barakicinta Falastiiniyiinta "mawqifka saxda ah".

Sidoo kale, dhaq-daqaaqa Jihaad Islaami waxay cambaareysay soo jeedintii Madaxweynaha Mareykanka ee ahaa in dadka degan Marinka Qaza loo wareejiyo Masar iyo Urdun si gobolka oo dhan loo habeeyo, sida uu sheegay, xilli xabad joojinta Marinka uu galay todobaadkiisa labaad.

"Dambiyo dagaal"

Xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xamaas Bassem Naim ayaa wacad ku maray Axaddii in ay "ka hortagi doonaan" fikradda Trump.

Wuxuu yiri, "Dadkeennu waxay fashiliyeen dhammaan barakaca iyo qorshayaasha kale ee dalka muddo tobanaan sano ah, waxayna sidoo kale fashilin doonaan mashaariicda noocan ah."

Naciim waxa uu intaa ku daray, "Shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza waxay la kulmeen dhimasho iyo burbur muddo 15 bilood ah mid ka mid ah dembiyadii ugu waaweynaa ee ka dhanka ah bani'aadamnimada ee qarnigan 21-aad, si ay ugu nagaadaan dhulkooda iyo dalkooda."

Waxa uu carabka ku adkeeyay in "Shacabka Falastiin aysan aqbali doonin wax soo jeedin ah ama xal, xitaa haddii ay u muuqdaan kuwo si wanaagsan u damacsan dib u dhiska," sida uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dhankeeda, Xoghaynta Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay "Diidmada isku dayga lagu barakicinayo Falastiiniyiinta ama ballaarinta deegaamaynta," iyadoo ku nuuxnuuxsatay in "siyaasadahani ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn sharciga caalamiga ah kana kooban isir sifeyn."

Waxa ay carrabka ku adkeysay in xalka kaliya ee lagu heli karo xasilooni iyo nabad ka dhalata gobolka uu yahay in lagu dhameeyo qadiyada Falastiin iyadoo loo marayo xal laba dowladood ah iyo iyadoo la dhisayo dowlad Falastiin ah oo Quddus ay tahay caasimaddeeda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Majed Al-Ansari ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Qatar ay heshiis is afgarad ah la gaartay Israa'iil, kaasoo dhigaya in dadkii ku barakacay Marinka Qaza ay dib ugu laabtaan Waqooyiga Marinka laga bilaabo subaxnimadii Isniinta.

Ciidanka Israa'iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay u oggolaan doonaan dadka deegaanka in ay dib ugu soo laabtaan lugahooda iyaga oo sii maraya dhidibka Netzarim iyo Waddada Rashid laga bilaabo 7-da aroornimo ee wakhtiga maxaliga ah.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in gaadiidka loo ogolaan doono inay u dhaqaaqaan ka dib marka ay kormeer ku tagaan waqooyiga Marinka Gaza ee Salaax al-Diin oo bilaabmaya 9:00 subaxnimo ee wakhtiga maxaliga ah, isaga oo ka digay inay ku soo dhawaadaan isgoyska Rafah, wadada Filadelphi iyo meelaha ay ku sugan yihiin ciidamadiisa.

Mar sii horeysay, dadaallada lagu doonayay in lagu dhaqangeliyo heshiiska xabbad joojinta ayaa caqabado hor leh ku yimid, iyadoo Israa'iil ay ka soo horjeedsatay in boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah ay dib ugu laabtaan qaybta waqooyi ee marinka burburay, sababo la xiriira muran ka dhashay sii deynta la haystayaashii rayidka ahaa ee Israa'iil ee Arbel Yehud.

Israa'iil ayaa shuruud ku xirtay in marka hore la sii daayo dadka qaar ka hor inta aan la furin dhidibka Netzarim ee kala qaybiya koonfurta iyo waqooyiga Qaza, iyada oo sabab uga dhigtay in Xamaas ay ku guul daraysatay in ay u hogaansanto shuruudo aan la shaacin oo ku jiray heshiiskii ahaa in marka hore la sii daayo la haystayaasha rayidka ah.

Al-Ansari ayaa sheegay in Israa'iil ay wareejin doonto liiska magacyada 400 oo qof oo la xiray tan iyo 7-dii October 2024-kii.

Bayaan ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu xaqiijiyay warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, kaasoo tilmaamaya in Xamaas ay sii deyn doonto Arbel Yehud, askari la yiraahdo Agam Berger ah iyo qof kale oo la afduubtay, waxaana tirada la haystayaasha la sii dayn doonaa todobaadkan ay dhan yihiin lix la heyste.

Dhanka kale, Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay Axaddii ku shaacisay Telegram inay siisay dhexdhexaadiyeyaasha macluumaadka looga baahan yahay liiska la haystayaasha oo la sii deyn