You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Israa'iil oo hakad galisay rasaasna ku furtay Falastiiniyiin rabay inay guryahooda ku laabtaan
Kumannaan Falastiiniyiin barakacayaal ah ayaa laga hor istaagay inay dib ugu laabtaan guryahoodii oo ku yaal waqooyiga marinka Qasa, kadib markii Israa'iil ay xirtay waddo muhiim ah, sidoo kalena ay Xamaas ku eedeeyeen inay jabiyeen qodobbadii heshiiska xabbad joojinta.
Hakinta lagu sameeyay falastiiniyiinta ayaa timid kadib markii Xamaas ay sii daayeen afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israa'iil, halka Israa'iilna ay sii deysay 200 oo maxaabiis falastiiniyiin ah.
Balse Israa'iil ayaa sheegtay in dadka reer Qasa aan loo ogolaan doonin inay u safraan waqooyiga ilaa inta laga dejinayo qorshaha lagu sii deynayo Arbel Yehud oo rayid Israa'iili ah.
Xamaas ayaa ku adkaysatay inay nooshahay oo la sii dayn doono toddobaadka soo socda.
Sida ku cad heshiiska, waxaa la filayay in Xamaas ay sii daayaan dadka rayidka ah ka hor askarta.
Fiidnimadii Sabtida, iyadoo dad badani ay ku soo urureen waddada al-Rashid ee bartamaha Gaza si ay ugu noqdaan guryahooda, ayaa la sheegay in rasaas la riday.
Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa wasaarada caafimaadka ee Xamaas ay maamusho iyo warbaahinta falastiiniyiinta ayaa sheegtay in hal qof la dilay qaarna ay dhaawacmeen.
Afar xabadood ayaa laga dhex maqlay muuqaal la sheegay in laga duubay goobta ay rasaarta ka dacday oo baraha bulshada lagu faafiyay. BBC Verify ayaa xaqiijisey goobta muuqaallada laga soo duubay, balse BBC-du ma aysan awoodin in ay si madax bannaan u xaqiijiso wararka ku saabsan khasaaraha.
Ciidamada difaaca Israa'iil ee (IDF) ayaa sheegay in ciidankooda ku sugan bartamaha Qasa ay rasaas rideen ka dib markii dad badan ay ku soo xoomeen goob ka agdhaw ciidanka waxa ayna ku tilmaameen inay u muuqdeen kuwo rabshado kicin kara waxa ayna sheegeen inay u aqoonsadeen kuwo khatar ku ah ah ciidamada.
"Si kaduwan wararka saacadihii la soo dhaafay soo baxayay, rasaasta ka dhacday aaggaas waxaa loo fuliyay ujeeddo kala fogaansho ah oo aan dhib lagu geysan, waxaan carrabka ku adkeyneynaa in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray dadka. natiijadii toogashada."
Horaantii Sabtidii, Muxammad Emad Al-Din waxa uu ka mid ahaa kumannaanka sugayay in ay ku noqdaan guryahooda ku yaal waqooyiga Qasa.
"Waan ogahay in gurigeyga la burburiyay, laakiin waxaan ka dhisan doonaa teendho, waxaan rabaa inaan ku laabto," ayuu u sheegay BBC-da isagoo taleefoon kula hadlay.
"Waxaan u baahanahay inaan dib u soo ceshado shaqadeyda, waxaan ahay timojare ku sugan Qasa, waxaana isku dayay inaan ogaado sida loo hagaajin karo burburka qolkayga oo aan dib u bilaabo ganacsigeyga. Dad badan ayaan deyn ku yeeshay. "Ma awoodo inaan u soo iibiyo waxyaabaha ugu fudud carruurtayda," ayuu raaciyay.
Waxa kaliya ee aan jecelahay waa in khilaafkan Xamaas iyo Israa'iil u dhexeeya uu dhammaado oo naloo ogolaado in aanu dib ugu noqonno guryaheennii ku yaalla woqooyiga. 15 bilood ka badan ma aannu arag kuwa aannu jecelnahay.
Waddada Netzarim waa dhul toddobo kiilo mitir ah (4.3-mile) ah oo ay maamusho Israa'iil kana go'aysa dhulka intiisa kale ee waqooyiga Qasa.
Lubna Nassar ayaa timid iyadoo wadata labadeeda gabdhood iyo wiilkeeda oo gaari dameer wata, waxa ayna rajaynaysaa inay gurigeeda ku noqoto oo ay la midowdo ninkeeda Suldaan oo aanay arag muddo 11 bilood ah.
"Waxaan sii joogi doonaa halkan, oo ah barta koontaroolka Israa'iil sida ugu dhow ee suurtogalka ah. Muddo bilo ah, gabdhahaygu waxay sugayeen daqiiqad fursad ah si ay ula kulmaan aabahood, waxaan rabaa inaan ka mid noqdo kuwa ugu horreeya ee ku noqda Qasa," ayay tiri.
Dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar ayaa horumar ka sameynaya dadaallada ay ku doonayaan in boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ay dib ugu laabtaan waqooyiga.
Laakin taangiyada Israa'iil ayaa wali xiraya wadada xeebta ah ee la rabay in ay dadku isticmaalaan si ay ugu lugeeyaan waqooyiga.
Israa'iiliyiintu waxay dhexdhexaadiyayaasha ka codsadeen inay Xamaas u soo bandhigto caddaynta nolosha Ms Yehud, waxayna u muuqataa in Xamaas ay arrintaas siisay Masar.
Afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israa'iil oo ay qafaasheen Xamaas 7-dii Oktoobar 2023 ayaa la sii daayay Sabtidii taas oo qayb ka ahayd heshiiskii xabbad joojinta oo sidoo kale lagu soo daayay 200 oo maxaabiis falastiiniyiin ah.
Dhanka kale, qaar badan oo reer Qasa ah ayaa si walaac leh u daawada horumar kasta oo u oggolaanaya inay soo guryo noqdaan.
Qaar badan, rajada soo noqoshada ayaa ka miisaan weyn xaqiiqada waxa iyaga sugaya ee deegaamka burburay.
Haddana riyada ah inay noloshooda dib u soo ceshadaan, dib u dhisaan guryahoodii iyo la midoobida qoysaskooda ayaa ah waxa ugu wayn oo ay niyadda ku hayaan.