You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qaabkee ayay Iiraan uga aargoosan doontaa Israa’iil kadib dilka janaraalkeeda sare?
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka jawaabi doonto weerarkii Isniintii lagu qaaday qunsuliyaddeeda Dimishiq – balse awood intee le’ek ayay Iiraan u leedahay inay dhibaateyso Israa’iil aargoosi noocee ah ayayna sameyn doontaa?
Ilaa 13 qof ayaa lagu dilay weerarkaas uuna ku jiro janaraal Mohammad Reza Zahedi, oo ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan ciidanka Quds, oo Ilaalada Iiraan u qaabilsan dibadda. Israa’iil ayaan ka hadlin inay ka dambeyso weerarka.
Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu "gebi ahaanba dheellitirka maskaxeed ayuu beelay", ayaa laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Hossein Amir-Abdollahian.
Xiisadda soo cusboonaatay waxaa la doonayay in caalamka lagu tuso in Iiraan aysan waxba ahayn, ayuu yiri Fawaz Gerges, oo ah bare sare oo culuumta xiriirka caalamiga ah ka dhiga London School of Economics. Waxay sidoo kale muujineysay khasaare cad oo soo gaaray ciidamada Quds, "taasoo isku xireysay hubka iyo teknolojiyadda la gaarsiinayo Xisbullaahida Lubnaan iyo Suuriya".
Garabka militari ee Xamaas, Qassam brigades, ayaa sheegtay in jeneraal Zahedi uu "door weyn" ku lahaa weerarkii ay Xamaas 7-dii October ku qaadeen koofurta Israa’iil, kaasoo sababay dagaalka haatan ka socda Gaza. Iiraan ayaa beenisay inay qudheeda door ku lahayd weerarka balse waxay Xamaas ku taageertaa lacag, hub iyo tababar.
Si kastaba noocyada aargoosi ee u furan Iiraan ee weerarkii Dimishiq ayaa laga yaabaa inay koobnaadaan, sida Mr Gerges iyo khubarro kale ay u sheegeen BBC.
"Iiraan ma awooddo inay si weyn uga hor timaaddo Israa’iil marka la eego awooddeeda militari iyo xaaladdeeda dhaqaale iyo siyaasadeed," ayuu yiri Ali Sadrzadeh oo ah qoraa iyo falanqeeye arrimaha Bariga Dhexe. "Balse waa inay la timaaddaa jawaabcelin si loo qanciyo bulshada gudaha ayna sumcaddeeda uga dhowrato xulafadeeda gobolka."
Mr Gerges ayaa sidoo kale sheegay in Iiraan aysan u muuqan inay toos uga aargoosato Israa’iil, "xitaa inkastoo ay dhabtii ciil badday Iiraan".
Taas beddelkeed Iiraan waxay u dhowdahay inay yeelato "dulqaad istaraatiijiyadeed" sababtoo ah waxay ahmiyad siin doontaa hadaf muhiim ah: sameynta bam nukliyeer.
Xisbullaah-na maxaa u furan?
Tan iyo dagaalka Israa’iil ee Gaza, gantaallo iyo weerarro drone loo adeegsaday oo ay Israa’iil la beegsanayeen maleeshiyada Iiraan taageerto ee ku sugan Suuriya, Ciraaq, Lubnaan iyo Yemen ayaa sii xoogeystay balse waxay u muuqdaan inay ficilladooda ku koobeen inay Israa’iil qarka u saaraan dagaal buuxa.
"Xitaa weerar ka dhan ah howlgalka diblomaasiyadeed ee Israa’iil ee ciidamada Iiraan wuxuu u muuqdaa mid ay adag tahay in la sawirto," ayuu yiri Mr Sadrzadeh, inkastoo uu saadaaliyay in weerarrada haatan ee maleeshiyada Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Badda Cas iyo Gacanka Cadmeen ay "aad ugu muuqdaan inay sii socdaan, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah maraakiibta si loola xiriiriyo Israa’iil ama Mareykanka".
Xisbullah waa mid ka mid ah ciidamada aysan dowlad maamulin ee ugu hubka badan dunida - qiyas madax bannaan oo la sameeyay waxay muujineysaa in kooxdan ay heystaan inta u dhaxeysa 20,000 iyo 50,000 oo dagaal-yahanno ah, qaar badan ayaana aad u tababaran oo dagaalka ku bartay ka qeybgalkii dagaalkii sokeeye ee Suuriya.
Kooxdan Lubnaan kasoo jeedda ee Iiraan taageerto ayaa heysta 130,000 oo gantaallo ah, sida laga soo xigtay Xarunta Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah.
Haddana khubarro ay BBC la hadashay ayaa u maleynaya inaysan kooxdu u muuqan inay weerar ballaaran ku qaadaan Israa’iil.