Waa kuma taliyaha sare ee Xisbullah ee laga cabsi qabo in dilkiisu xaalka uga sii daro?

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in mid ka mid ah taliyeyaashooda lagu dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan oo la rumeysan yahay in ay fulisay Israa’iil.

Wissam Tawil ayaa lagu soo waramayaa in uu ka tirsanaa kooxda Radwan Force ee ugu caansan, waxaana uu ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan Xisbullah ee lagu dilay rabshadaha hadda socda.

Militariga Israa'iil ayaan ka hadlin, balse waxay sheegeen in ay duqeeyeen bartilmaameedyada Xisbullah, taasoo jawaab u ah weerarrada xudduudaha ah.

Iska horimaadyadan ayaa waxa ay sare u qaadeen cabsida laga qabo in uu dagaal ka dhaco gobolka.

Xisbullah waa koox ay Iran taageerto oo awood ciidan iyo mid siyaasadeed ku leh Lubnaan. Sida Israel, UK iyo quwadaha kale ee reer galbeedka ayaa waxa ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Dagaalyahanadeeda ayaa ku dhawaad maalin kasta ayaa waxay rasaas is weydaarsaday ciidamada Israa’iil ee ku sugan xadka tan iyo markii 7-dii October uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiin ee Xamaas.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa u sheegay askarta ku sugan xadka Lubnaan Isniintii in ay ka go'an tahay "inuu sameeyo wax walba oo lagama maarmaanka u ah soo celinta amniga waqooyiga".

Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa sheegtay in Isniintii laba qof - oo aysan magacaabin - lagu dilay weerar cirka ah oo Israa'iil ay la beegsatay baabuur marayay deegaanka al-Dabsha ee Khirbet Selim abaare 10:15 xilliga maxalliga ah.

Duqeynta ayaa sababtay in gaariga uu wadada ka baxo oo uu dab qabsado, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay burburka gaariga oo ku gubtay wadada dhinaceeda.

Ilaha ammaanka ee Lubnaan ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka ku dhintay duqeynta uu ahaa Wissam Tawil, halka midka kalena uu sidoo kale ahaa dagaalyahannada Xisbullah.

Saddex ilo wareed wakaaladda wararka ee Reuters in Tawil uu ahaa ku xigeenka madaxa cutub ka tirsan ciidamada Radwan ee Xisbullah, kuwaas oo xubnahooda si wanaagsan u tababaran loo aqoonsan yahay ciidamada gaarka ah ee kooxda.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa dhanka kale soo xigatay ilo kale oo sheegtay in Tawil "uu door hogaamineed ku lahaa maaraynta hawlgalada Xisbullah ee koonfurta" Lubnaan.

Ka dib, Xisbullah ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay geerida Tawil oo ay ku tilmaantay "Taliye". Ma aysan xaqiijin in lagu dilay weerar, isagoo sheegay oo kaliya in uu "isaga oo shahiid ah u soo kacay waddada Yeruusaalem".

War saxaafadeedka ayaan wax faah-faahin ah ka bixin doorka Tawil ee Xisbullah, balse kooxda ayaa daabacday sawirro muujinaya isaga oo gacan qaadaya hogaamiyahooda Xasan Nasrallah, isla markaana uu garab fadhiyo Jeneraalkii dhintay ee Iran Qasim Suleymaani kaasoo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay Ciraaq 2020-kii.

Kooxda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dagaalyahanadoodu ay rasaas ku fureen ciidamada Israa’iil ee ku sugan deegaanka Shtoula ee waqooyiga Israa’iil iyo deegaanka lagu muransan yahay ee Shebaa Farms/Mount Dov ee ku yaalla buuraha Golan ee la haysto.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in aysan ka hadli doonin wararka ay warbaahinta shisheeye ka qoreen geerida Tawil.

Hase yeeshee, wax yar ka dib dhacdadii Khirbet Selim waxay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in ay "duqeysay tiro aagag ah oo ka tirsan dhulka Lubnaan" ka dib markii gantaalka lidka taangiga lagu tuuray magaalada waqooyiga Israa'iil ee Kiryat Shmona.

"Intaa waxaa dheer, diyaaradaha dagaalka [Ciidanka Cirka ee Israa'iil] waxay duqeeyeen dhowr bartilmaameed oo argagixisada Xisbullah ee Lubnaan leedahay, oo ay ku jiraan goobo militari oo ay argagixisada Xisbullah ka howlgasho," ayay raacisay.

Dhammaadkii todobaadkii hore, afhayeenka guud ee IDF ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen hanti muhiim ah oo ay leeyihiin Xisbullah ayna qaadeen weeraro "waxyeelo leh" oo ay ku qaadeen ciidamada Radwan si ay uga saaraan xadka. Hadalkan ayaa yimid kadib markii gantaalo laga soo tuuray Lubnaan ay waxyeelo gaarsiiyeen saldhiga laga hago diyaaradaha ee buurta Meron.

Rabshadaha xudduudaha ah ee socday saddexdii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa horay loogu dilay tobannaan ka mid ah dagaalyahannada Xisbullah, iyo sidoo kale dhowr askar oo Israa'iil ah iyo rayid Israa'iil iyo Lubnaaniyiin ah. Laakiin ilaa hadda, Xisbullaah waxay xakameysay tallaabooyinkeeda si ay uga hortagto dagaal baaxad leh oo ay la gasho Israa’iil.

Toddobaadkii hore, isaga oo ka falcelinaya weerar loo maleynayo in Israa’iil ay ku dishay hoggaamiye ku xigeenkii Xamaas Saleh al-Arouri iyo lix qof oo kale oo ka dhacay xarunta Xisbullah ee Beirut, Xasan Nasrallah ayaa uga digay mas’uuliyiinta Israa’iil inay bilaabaan isku dhac. "Qofkii ku fikira inuu dagaal nala galo... wuu ka shallayn doonaa," ayuu yiri.

Laakiin arrinta muhiimka ayaa ah, inaysan jirin hanjabaad uga timid hoggaamiyaha Xisbullah oo ku aaddan in ay sii kordhinayaan falalkeeda.

Dhanka Israa'iilna, waxay ka baaqsatay inay qaadaan weerar ballaaran oo ka dhan ah Hezbollah si loo yareeyo khatarta kooxda.

Safarkii ugu dambeeyay ee gobolka u uku marayay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, oo la kulmay madaxda Carabta ayaa isku dayaya inuu dejiyo xiisadda.

Waxaa sidoo kale la filayaa in uu ugu baaqo Israa’iil in ay yareyso dagaalka ay ku hayso Qasa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in tobannaan Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymihii ugu dambeeyay ee dhanka cirka ah.