You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sida ayeeyo 70 jir ah ay uga falcelisay muusig ay qayb ka ahayd gabadhaan da'da yar
Maryan Cali Maxamed oo dhalatay bilowgii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya waxay waligeed ku riyoon jirtay in si toos ah qalab muusig uga tunta masraxyada.
Waxay dhaajin jirtay musishinada marka ay ka soo muuqdaan talafishinada, iyada oo rajeyn jirta inay barato sida qalabka muusigga loo tumo. .
Sanadkii 2019 kii ay ayay bilowday baraashada aaladda violin ka. Maryan hadda waa 33 jir waxayna kamid tahay 40 muushishan oo si wada jir ah u tuma markiiba hal muusig (orchestra).
Soomaaliya malahan koox muusig oo qaran oo qaabka wadajirka ah wax u tuma, balse markii ugu horeysay ayaa la soo bandhigay koox muushishanno ah oo barnaamij taxana ah oo laga sii daayay talafishinka u tumaya muusig wada jir ah.
Kooxdaan oo isugu jirta rag iyo dumar ayaa loo xiray suudad isku wada eg kadibna wuxuu mid walba geeskiisa ka tumay aalad u gooni ah, sida turubada, durbaanka iyo kabanka.
“”Waligeey wax lamid ah maanan arag”, ayay tiri Faadumo Xuseen oo ah ayeeyo todobaatan jir ah oo qolkeeda fadhiga ku daawaneysa muusigga, iyada oo degan guri ku yaala banaanka magaalada Muqdisho.
“Waan arki jiray koox si wada jir ah u tumaya muusig markaan yaraa, balse tan wax lamid ah waligeey ma arag,” ayay u shegtay BBC.
Barnaamijka waxaa soo agaasimaya talafishanka Astaan ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho kaas oo uu ula dan lahaa inuu soo nooleeyo fanka Soomaalida.
“Waan isku keenay dhamaantooda, waxaanan siinay meel ay ugu sii diyaar garoobaan,” ayuu yiri Maxamed Cabdiwali oo ka mid ah xubnihii soo qaban qaabiyay barnaamijka.
“Hadda waxay sameyn karaan muusigii qaaraamiga ahaa ee Soomaalida” ayuu yiri.
Barnaamijkaan ayaa lagu baahiyay baraha bulshada iyo muuqbaahiyahooda maxalliga ah.
“D’yartu waxay u baahan yihiin inay bartaan taariikhdooda,” ayuu yiri. “Taariikh ahaan Soomaaliya waxay lahaan jirtay kooxo muusig oo haystay qalab kooban,” sidaas waxaa yiri Jaamac Muuse Jaamac oo ah agaasimaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa.
Isu imaatinka muusishanada iyo safkooda balaaran, iyo shaqada ay wadajirka u qabanayaan wuxuu leeyahay macno aad u muhiim ah.
“Si wada jir ah ayaa loo wada shaqeeyaa, si daah furan ayaa music qurux badan loo dhisaa” ayuu Jaamac oo la hadlayay BBC.
“Muhiimadda in la wada jiro” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Muusishinada ayaa loo soo xulaa barnaamijkaan iyaga oo laga kala keeno wadanka oo dhan, waxayna isugu jiraan kuwa muddo ku soo jiray iyo kuwa hadda ku cusub oo hibo u leh, sida Maryan oo kale.
“Inta badan kaligeey ayaa tuma violin ka ama koox kooban ayaan la tumaa sida marar badan dhacda, laakiin tiro intaa la eg waligeey lama sameyn,” ayay BBC u sheegtay.
Hooyadaan labada caruurta ah leh ayaa bilowday barashada violin ka dhawr sano ka hor. Hadda wali waxa ay ka barataa Youtube ka iyada ka daawata casharo ku saabsan sida loo tumo.
“Inaan heerkaan jooga aad ayaan ugu faraxsanahay,” ayay tiri iyada oo dhoola cadeyneysa.
Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeya ee dalka sanadkii 1991 kii Soomaaliya waxya gashay xaslilooni darro siyaasadeed iyo is qabqabsi . Taas ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay hay’adihii dhaqanka.
“Muusiga Soomaalidu meel loogu soo hirto ma lahyn sanooyin badan” ayuu leeyahay Jaamac.
Tiyaatatrka qaranka Soomaaliya oo mar ahaa halka loogu soohirto dhaqanka ayaa albaabadiisa la furay sanadkii 1967 dii.
Dadka caasimadda ayaa ku soo aruuri jiray gudaha tiyaatark aqaranka oo ku yaalla bartamaha Muqdisho si ay u daawadaan ciyaaro, muusig iyo filimo lagu soo bandhigi jiray.
Wuxuu ahaa wadnaha halabuurleyda Soomaaliyeed.
“Marka laga yimaado in wax la dhiso, waxaa muhiim in la dhiirigaliyo fanaaniinta oo ay isku yimaadaan, fikrado wadaagaan, wax la taaban karana soo saaraan,” sidaa waxaa qaba Jaamac Muuse.
Xilligii ay jireen dagaalada sokeeye ee Soomaaliya ayu uku burburay tiyaatarku, saqafka kore xitaa waxaa fujiyay madaafiicdii la is waydaarsanayay.
Balse tiyaatarka qaranka ayaa dib loo furay sanadkii 2020 kii waxaana lagu qabtaa munaasabadu kala duwan oo uu kamid yahay bandhigga buugaagta ee sanadkaan ka dhacay caasimadda Soomaaliya.