You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sida Xamaas si qarsoodi ah ugu dhistay 'ciidamo yar-yar' si ay ula dagaallanto Israa'iil
Ciidamada Israel ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayaan inay duulaan ku qaadaan Gaza, ujeedaduna tahay inay baabi’iyaan Xamaas, balse waxay iskacaabin aad u adag kaal kulmi doonaan xoogag si weyn u tababaran sidoo kalena ah shabakad taageero qarsoodi ah ka hasata meelo ka baxsan Gaza.
Xamaas, oo la wareegtay gacan ku haynta Gaza 2007, ayaa dhawaan soo bandhigtay khibradeeda ciidan, iyadoo weerar culus oo si weyn loo qorsheeyay ku qaadday koonfurta Israel, taasoo muujinaysa kor u kaca awoodooda.
Sida laga soo xigtay Ali Baraka, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas oo fadhigiisu yahay Lubnaan, kooxdu waxay awood u yeelatay inay kor u qaaddo awooddeeda iyadoo taageero dhaqaale iyo tababar ka heleyso Iran iyo kuwa raacsan sida Hezbollahda Lubnaan.
Sida ay Xamaas awoodooda u kordheysay marba marka ka sii dambeyso
Baraka ayaa sidoo kale xusay in dhibaatooyinka ama culeyska ay kala kulmeen soo dejinta hubka dartiis ay Xamaas u horumarisay awoodeeda wax soo saarka gudaha sagaalkii sano ee la soo dhaafay. Tirada gantaalada Xamaas ayaa si weyn u kordhay wakhti ka dib, laga soo bilaabo gantaaladii gaari karay masaafada 40 km (25 mayl) oo kali ah intii lagu jiray dagaalkii Gaza ee 2008-dii ilaa inay gaari karaan 230 km taa oo lagu arkay iskahorimaadkii 2021-kii dhacay.
"Lama huraantu waa hooyada hal-abuurka" ayuu yiri Ali Baraka, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas, isaga oo intaa ku daray in kooxdan ay muddo dheer lacag iyo tababaro ka qaadanayeen Iran iyo xulafada gobolka ee Iran sida Xisbullah ee Lubnaan, isla markaana ay xoojinayaan ciidamadooda ku sugan Gaza.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa wareysiyo la yeelatay 11 qof oo aqoon u leh awoodaha Xamaas, oo ay ku jiraan kuwa Xamaas ka tirsan, saraakiisha amniga gobolka, iyo khubaro milateri. Ilahan ayaa daaha ka qaaday in Xamaas ay isku beddeshay koox yar oo falastiiniyiin ah oo 36 sano ka hor ka dhiidhiyay waxa ugu yereen gumaystaha Israa’iil oo isu bedelay urur sir ah oo baahsan.
Iyaga oo leh garab milatari oo ka kooban ku dhawaad 40,000 oo dagaalyahan, Xamaas waxay hadda u shaqeysaa sidii ciidan yar-yar waxayna ku faantaa inay leedahay barnaamijyo tababar oo gaar ah, oo ay ku jiraan amniga internetka iyo cutubka ciidamada badda.
"Waa ciidan yar," ayuu yiri mid ka mid ah ilaha ku dhow Xamaas oo ku sugan Marinka Gaza, oo diiday in magaciisa la sheego.Waxa uu sheegay in kooxdu ay lahayd akadeemiyad ciidan oo lagu tababaro takhasusyo kala duwan oo ay ku jiraan amniga internetka, waxaana ay ku faantaa cutub ka tirsan ciidamada kumaandooska ee badaha oo ka mid ah cidamadeeda afartanka kun ka kooban.
Taas bedelkeeda, 1990-meeyadii Xamaas waxay lahayd wax ka yar 10,000 oo dagaalyahan, sida uu sheegay website-ka globalsecurity.org.
Horraantii 2000, Xamaas waxa ay bilowday in ay dhisto marin ballaaran oo Qaza hoosteeda ah, taas oo u ogolaatay dagaalyahanadeeda inaan la ogaan sidoo kalena ay hoy u noqdaan warshadahooda hubka, sida laga soo xigtay ilaha amniga gobolka, oo sidoo kale diiday in la magacaabo.
Ururka Xamaas ayaa sheegay in ay heleen Bambaanooyin kala duwan, Madaafiic, Gantaalo, Taangiyada iyo Gantaalada lidka Diyaaradaha.
Awoodaha Xamas ayaa si kordhayay sannadihii la soo dhaafay. Israa'iil waxay lumisay sagaal askari 2008 halka 2014-kii, ay tiradu kor u kacday oo gaartay 66 askari.
Inkasta oo Xamaas ay awoodeeda sii kordheyso, khubarada ayaa aaminsan in Israa’iil ay awood u leedahay in ay burburiso kooxda, weerar la filayo in ay ku qaaddo deegaanka ay dadku ku badan yihiin ee Gaza. Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli walaac laga muujinayaa khasaaraha ka dhalan kara ee soo gaari kara dadka rayidka ah, maadaama Xamaas ay si qoto dheer uga dhex jirto Gaza.
H.A. Hellyer, oo ah xubin sare oo ka tirsan Machadka Royal United Services Institute ee Britain, ayaa sheegay in Israa’iil ay awood u leedahay in ay burburiso Xamaas weerarkeeda la filayo in ay ku qaado deegaanka ay dadku ku badan yihiin ee Gaza.
"Su'aashu maaha inay suurtogal tahay iyo in kale, su'aashu waxay tahay saameynta soo gareyso dadka intiisa kale, sababtoo ah Xamaas kuma noola jasiirad ku taal badda ama godka saxaraha ah."
Ilo-wareedyada ay wakaaladda wararka ee Reuters la hadashay ayaa sheegay in iyadoo Iran ay tababarto, hubayso oo ay maalgeliso kooxda, ma jirto wax cadeyn ah oo muujinaya in Tehran ay hagaysay ama oggolaatay weerarkii 7-dii Oct.
Iran ayaa qiratay in ay Xamaas ka caawiso dhaqaalaha iyo tababarida balse waxa ay beenisay in ay door ku leedahay weerarka,inkastoo ay amaantay.
Ka dib dagaalkii ugu dambeeyay ee Gaza ka dhacay 2021, Xamaas iyo kooxda xiriirka la leh ee Falastiin Islamic Jihad, waxay ku guuleysteen inay sii haystaan 40% agabkooda gantaalada, kuwaas oo bartilmaameedkooda koowaad uu yahay ciidamada Israel. Waxaa lagu qiyaasaa in Xamaas ay hadda haysato ku dhawaad 11,750 gantaal.
Sababta keentay in Kooxdan la aasaaso
Micnaha Xamaas oo ah eray carabi ah – oo loola jeedo xamaasadda ayaa waxa uu bilowday December 10, 1987, markii qaar ka mid ah xubnaha ururka Ikhwaanul Muslimiin ay shireen maalin uun ka dib markii baabuur ay wateen ciidanka Israa’iil uu ku dhacay baabuur ay la socdeen afar qof oo Falastiiniyiin ah, halkaasna ay ku dhinteen dhammaan. Kadib waxaa daba socday mudaaharaadyo dhagax-tuur ah, gadood iyo xayiradihii lagu soo roogay Qaza.
Kulan ay ku yeesheen guriga Sheekh Axmed Yaasiin ayaa waxay ku go’aamiyeen in 14-kii December, ay soo saaraan warqad ay ku dalbanayaan in la iska caabiyo Israel, markaas oo uu bilaabmay Intifada ama kacdoonkii ugu horreeyay ee ka dhan ah Israa’iil. Waxay ahayd falkii ugu horeeyay ee kooxdu ay samayso
Xamaas, oo la asaasay 1988-kii, ayaa waxaa urur argagixiso u aqoonsaday waddamo kala duwan oo ay ku jiraan Israa’iil, Maraykanka, iyo Midowga Yurub.
Xamas waxay door muhiim ah ka ciyaareen hamiga Iran ee ah in Israa’iil ku hareereyso ciidamo ka amar qaata.Iiran ayaa la sheegaa inay isbaheysi la leedahay kooxaha kale ee Falastiiniyiinta iyo Xisbullah ee Lubnaan, Xamaas waxay gacan ka gaysatay saamaynta gobolka ee Iran.Hogaamiyayaasha Xamaas ayaa ku kala firdhisan Bariga Dhexe, Sida wadamada Lubnaan iyo Qatar, haddana saldhiggoodu wuxuu weli yahay Gaza.
Xamaas ayaa ku boorisay dadka Qaza in aysan dheg jalaq u siinin baaqa Israel ee ah in ay baxaan ka hor duulaanka dhulka ee la filayo. Weerarkii ugu dambeeyay ee kooxdan oo dhacay 7-dii Oktoobar, kaas oo jabiyay difaaca Israa’iil oo uu ka dhashay khasaare aad u badan, ayaa Xamas waxay soo tuurtay in ka badan 2,500 gantaal iyagoo sidoo kale gudaha u galay Isarel xilli ay adeegsanayeen baarashooyin, mootooyin, iyo baabuurta afarta taayir leh.
Lacagta ay dibadda ka helaan
Hogaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyeh, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Aljazeera sanadkii hore ku sheegay in kooxdiisu ay ka heshay Iran 70 milyan oo dollar oo kaalmo militari ah. “Waxaan haysanaa gantaallo gudaha lagu farsameeyo, balse gantaallada riddada dheer waxay ka yimaadeen dibadda, Iiraan, Suuriya iyo kuwo kale oo Masar la soo maray,” ayuu raaciyay.
Sida lagu sheegay warbixin 2020 ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Iran waxay siisaa ku dhawaad 100 milyan oo doolar sanadkii kooxaha falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan Xamaas iyo Falastiin Islamic Jihad.
Ilaha Israel ayaa sheeganaya in Iran ay si weyn u kordhisay dhaqaalaha ay siiso garabka militari ee Xamaas, iyagoo hadda ka dhigay ku dhawaad $350.
Shabakadaha Iran xiriir la leh, oo ay ku jiraan Hezbollah, ayaa u oggolaatay Tehran inay ku fidiso saameynteeda dalal kala duwan oo gobolka ah, oo ay ku jiraan Lubnaan, Suuriya, Ciraaq, Yemen, iyo Gaza.
Marka ay bilaabatay wada shaqeynta Iiran iyo Xamas
Wadashaqeynta Iran iyo Xamaas ayaa bilaabatay 1992 markii Israel ay Lubnaan u tarxiishay boqolaal ka mid ah hogaamiyayaasha Xamaas. Intii ay ku sugnaayeen Lubnaan, Iran iyo Hezbollah waxa ay taageero siiyeen xubnaha Xamaas, iyaga oo wadaagaya tignoolajiyada milatariga iyo tababarro sida loo sameeyo bambaanooyinka iyo samaynta weerarada ismiidaaminta ah.
Baraka ayaa ugu dambeyn sheegay in weerarkii dhawaan lagu qaaday Israa’iil looga dan lahaa in lagu sii daayo maxaabiista reer Falastiin, lana soo afjaro duullaanka ay Israa’iil ku heyso Masjidka Al Aqsa, iyo in la qaado go’doominta 16-sano jirsatay ee Gaza. Waxa uu ka digay in haddii Israa’iil ay ku sii socoto duulaan dhulka ah oo ay taageerayaan Maraykanka iyo Britain, laga yaabo in colaaddu ay ka sii gudubto Gaza oo noqdo dagaal goboleed oo cusub.
" Israel kali kuma ahan dagaalka ay ku qaadayso Gaza, ee waxaa jira dagaal dhammaan Atlantic ah oo Gaza ka socda oo ay la socdaan dhammaan quwadaha," ayuu yiri. "Waxaa dhici doonta in dagaalka uu noqdo mid furimo cusub ka yimaada." ayuu yiri Baraka