Putin oo ka faa'iideysanaya dagaalka Xamaas iyo Israa'iil

Waa arrin soo jiidasho leh in loo arko Vladimir Putin sida james Bond oo kale nin shar ah oo oo fadhiya madal laga arrimiyo oo balaaran, buuro lagu dhuunto iyo aduun jahwareer ku hareeraysan yhay.

Hal batan ayuu riixayaa, Balkans ka oo dhan ayaa meel nasiino ah laga waynayaa.

Mid kale ayuu riixayaa oo Bariga Dhexe ayaaba isla qarxaya.

Waa wax soo jiidasho leh… laakiin sidaas sax dhab uma aha. Waxaa buunbuuniyay hugaamiyaasha galaalanka iyo saameynta ee Kremlin-ka.

Haa, Ruushku wuxuu xiriir la leeyahay Xamaas, wuxuuna noqday xulafo dhow oo Iran ah.

Sida laga soo xigtay Maraykanku, Moscow iyo Tehraan waxay hadda leeyihiin iskaashi difaac oo dhammaystiran. Laakiin taasi macnaheedu maaha in Moscow ay si toos ah ugu lug lahayd, ama sii ogayd weerarkii Xamaas ee Israa'iil.

“Ma aaminsanin in Ruushka uu ku lug lahaa sinaba,” ayuu yiri safiirka Israa’iil u jooga Moscow, Alexander Ben Zvi, oo u warramayay wargeyska Kommersant toddobaadkan, isaga oo intaa ku daray in ay tahay “wax macno darro ah” in la soo jeediyo in uu jiro xidhiidh Ruushku la leeyahay gabood-fallada ay geysteen Xamaas ee Israa'iil.

“Ma arag wax caddaynaya kaalmo toos ah oo hub ah oo Ruushka siinayo Xamaas, ama ciidamo uu Ruushka u tababaray Xamaas," ayay tiri Hanna Notte, oo ah khaiir ku taqaqustay arimaha Ruushka iyo bariga dhexe oo fadhigeedu yahay Baarliin.

"Waa run in Ruushka uu xiriir dheer la leeyahay Xamaas, Ruushka waligiis uguma yeerin Xamaas urur Argagixiso, wufuud Xamaas ah ayaa ku sugnaa Moscow sanadkii hore iyo sanadkan"

"Laakin anigu kama qiyaasi karo taas in ay jirto taageero militari oo ballaaran. In kasta oo aan ognahay in nidaamyada Ruushku sameeyay ay sii mareen marinka Gaza, markii ay usocdeen Sinai [Masar] si ay u taageeraan Iran,

Ruushka oo dhexdhexaadiye ah

Ruushku wuxuu isku dayayaa inuu balaariyo awoodiisa bariga dhexe isaga oo isku diyaarinaya inuu soo dabaale ka noqdo bariga dhexe.

Doorka ayuu ciyaarayay ka hor inta uusan ku biirin dadaalada lagu dhamaynayo colaadda gobolka.

"Ruushka qayb ayuu ka qaadan doonaa xalinta[isku dhaca]," ayuu yiri afhayeenka madaxweyne Putin Dmitry Peksov. "Waxaan sii wadeynaa xiriirka aan la leenahay dhinacyada is haya."

Booqasho uu ku tagay Moscow todobaadkan, ra'iisul wasaaraha Ciraaq ayaa ugu baaqay madaxweyne Putin "inuu ku dhawaaqo hindise xabbad-joojin dhab ah" oo ka dhaqan gala gobolka.

Ruushka oo nabad soo dabaale ah? Waa adag tahay inay gadanto.

Ruushku wuxu duulaan baaxad leh ku qaaday dalka deriskisa la ah ee Ukraine kaas oo socda muddo ku dhow 20 bilood. Dagalkaas ayaa sababay dhimasho iyo burbur baaxad leh oo ka yaabiyey caalamka.

Moscow waxay muddo dheer danaynaysay Bariga Dhexe, iyadoo Midowgii Soofiyeeti uu qaatay mawqif taageersan Carabta maadaama Israa’iil ay xidhiidh dhow la samaysay Maraykanka.

Burburkii Soofiyeeti ka dib xiriirka Ruushka iyo Israa'iil waa uu fiicnaaday, waxaana qayb ahaan sabab u ah qulqulka in ka badan hal milyan oo Yuhuud ah oo ku qulqulaya Israa'iil oo ka yimid jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka.

Laakin dhawaanahan ayaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu aad ugu soo dhawaaday cadawga Israa’iil, gaar ahaan Iran – taasoo gelisay xiriirka Ruushka iyo Israa’iil shaki weyn.

Cambaareynta Maraykanka

Tan iyo weerarkii Xamaas ee Israa'iil,Madaxweyne Putin wxuu jeedinayey Fariimo uu ku sheegayey in colaada Bariga dhexe ay tahay fashilka siyaasada Maraykanka ee Gobolka.

Marka laga soot ago faa’iidooyinka uu Ruushku ku qabo qalalaasaha socda ee bariga dhexe waxaa jira qataro.

“Xasiloonidarrada sida taxadarka leh looga shaqeeyay waa waxa saacidaya Ruushka ee ugu fiican”, sidaas waxaa aaminsan Hanna Notte.

“Hadii dhibaatadaan ay dadka ka jeediso arrinta Ukraine – iyadoo halistaasi ayba hadda jirto, marka loo eego muhiimadda ay siyaasadda gudaha ee Maraykanku siisay dagaalka Israel – Haa Ruushku wuu ka faa’iidaysanyaa.”

But Russia would not benefit from a war that draws in the broader region, including Iran which provides weapons and finance to Hamas, Ms Notte says.

Laakiin Ruushka kama faa'iidayo dagaal xuduudaha u kala xaaraya gobolka, oo ay ku jirto Iran oo hub iyo taakulo maalyadeed siisa Xamaas.