Caalamku miyuu hilmaamay qaxootiga Muslimiinta ah ee Rohingya?

Yaasmiin waxay ka mid tahay kumanaanka qaxootiga ah ee ka soo jeeda qoomiyadda Rohingya

Muddo afar sano ah, Yaasmiin waxay ku nooleyd nolol hubanti-la’aan ah, mana oga halka ay ka soo jeeddo.

Waxay ku dhalatay xero qaxooti oo ku taalla dalka Bangladesh, mana awoodin in ay ku noqoto dhulkii awooweyaasheed ee Myanmar.

Hadda waxay ku nooshahay qol aan muuqaal wanaagsaneyn oo ku yaalla caasimadda Hindiya ee Delhi, halkaa oo hoy u ah.

Si la mid ah boqollaalka kun ee qaxootiga Rohingya ee laga tirada badan yahay – ayaa Yaasmiin, waalidiinteedu ka carareen dalkooda sanadkii 2017, kaddib markii uu milatarigu billaabay xasuuq lagu beegsanayay bulshadaan.

Qaar badan ayaa u qaxay dalalka ay deriska yihiin sida Bangladesh iyo Hindiya, halkaas oo ay ugu nool yihiin qaab qaxooti ahaan ah.

Shan sano oo qaxootiga Muslimiinta ah ee Rohingya ay yihiin dadka ugu badan ee dowlad-la’aanta ah sida ay sheegtay Qaramada Midoobay ayaa wali waxay ku jiraan nolol mugdi ah.

Yaasmiin, aabbaheed Rehman wuxuu ahaa ganacsade markii uu joogay Myanmar. Markii ay ciidamadu si arxan-darro ah u weerareen dadka, waxa uu ka mid noqday 700,000 oo Rohinga ah oo qaxay.

Kaddib markii ay maalmo socdeen, Rehman iyo xaaskiisa Mahmuda waxay gaareen xeryaha qaxootiga ee Cox's Bazar, oo ah aagga koonfur-bari ee Bangladesh oo ku dhow xudduudda Myanmar.

Halkaas lammaanuhu waxay ku noolaayeen xaalado ciriiri ah. Cunto-yaraanta halkaas ka jirtay ayaa ahayd mid caadi ah, waxayna ku noolaayeen raashinka ay bixiyaan hay’adaha samafalka.

Rehman
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanad kaddib markii ay gaareen Bangladesh, Yaasmiin ayaa dhalatay.

Dowladda Bangaladesh ayaa dadaal ugu jirtay in Muslimiinta Rohingya ay dib ugu laabtaan Myanmar. Kumannaan qaxooti ah ayaa loo raray jasiirad fog oo lagu magacaabo Bhasan Char, taas oo qaxootigu ay ku tilmaameen "xabsi ".

Rahman waxa uu dareemay in ka tagista Bangladesh ay ka caawinayso ilmihiisa mustaqbal wanaagsan.

Sidaas darteed 2021, markii Yaasmiin ay jirtay dhowr sano, qoysku waxay u gudbeen Hindiya oo deris la ah Bangladesh.

Qiyaasuhu way kala duwan yihiin, laakiin hay'adaha qaxootigu waxay rumaysan yihiin in Hindiya ay ku nool yihiin inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 40,000 oo qaxooti Rohingya ah. Qaar badan ayaa dalka ku sugnaa tan iyo 2012-kii.

Muddo sanado ah, dadka Rohingya halkan waxay ku noolaayeen nolol dhexdhexaad ah. Laakiin, kaddib markii wasiir federaali ah uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay bishaan in qaxootiga la siin doono guryo, adeegyo iyo ilaalin boolis maaddaama ay Delhi joogaan, ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyay.

Hindiya waxaa ku nool inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 40,000 oo ah qaxoonti Rohingya ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saacado kaddib xukuumadda Hindiya ee xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa beenisay in ay gacan siinayso Muslimiinta Rohingya, taas beddelkeeda waxay ku tilmaantay " ajaanib sharci-darro ah" oo ay tahay in la tarxiilo ama loo diro xarumaha lagu hayo.

Hadalkaas ayaa quus galiyay qoysaska qaxootiga ah sida Rehman.

"Mustaqbalka ilmahaygu wuxuu u muuqdaa mid mugdi ah," ayuu yiri, isagoo ku fadhiya sariir alwaax ah oo raf ah oo aan lahayn furaash.

"Dowladda Hindiya nama rabto...laakin waxaan ka jeclaan lahaa inay na dilaan intii ay noo tarxiili lahaayeen Myanmar."

Ma jiro dal diyaar u ah inuu qaato boqollaal kun oo Rohingyas ah. Toddobaadkii hore raysul wasaaraha Bangladesh, Sheikh Hasina ayaa u sheegtay madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka, Michele Bachelet, in qaxootiga ku sugan dalkeeda ay ku laabtaan Myanmar.

Balse, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in sababo ammaan dartood aanay tallaabadaas qaadi karin maaddaama Myanmar ay dhibaatooyin ka jiraan. Bishii Febaraayo 2021, taliska Myanmar - oo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah Rohingya - ayaa talada dalka kula wareegay afgambi militari.

Boqollaal ka tirsan qowmiyadda Rohingya ayaa safarro halis ah ku galay dhanka badda iyagoo ku tagay dalal ay ka mid yihiin Malaysiya iyo Filibiin si ay uga badbaadaan xadgudubyada ay geysanayaan ciidamada milateriga.

Tirada qaxootiga ku jira xeryaha Bangladesh ayaa gaartay ku dhawaad ​​hal milyan. Kala bar waa carruur. Sida Rehman, ayaa Kotiza Begum waxay ka carartay Myanmar bishii Agoosto 2017-kii, iyagoo socday saddex maalmood oo aanay waxba cunin.

Iyada iyo saddexdeeda carruurta ah waxay ku nool yihiin hal qol oo ku yaalla xero ku taalla Cox's Bazar. Waxay ku jiraan guri cooshad ah oo ka sameysan baco.

Kotiza iyo saddexdeeda carruurta ah

Argagixii ay kaga soo tagtay dhulkeedii ayaa weli maskaxdeeda ka guuxaya

“Ciidamada ayaa guriga noogu soo galay oo jirdil nagu sameeyay. Markii ay rasaasta nagu fureen waan ku cararnay. Carruur ayaa lagu tuuray webiga, qof kasta oo waddada marayay uun bay dileen.”

Si la mid ah kuwa kale ee ku jira xeryaha, Kotiza waxay ku tiirsan tahay raashinka NGO-yada iyo hay’adaha samafalka, kuwaas oo inta badan ku kooban waxyaabaha aasaasiga ah sida bariiska.

"Ma quudin karo oo uma heli karo cuntada ay rabaan. Ma siin karo dhar fiican. Ma heli karo oo goobo caafimaad oo sax ah uma awoodo," ayay tiri Kotiza.

Kotiza ayaa sheegtay in ay mararka qaar iibiso raashinkeeda si ay ugu soo iibiso qalimaan carruurteeda ay wax ku qoraan.

Marka loo eego qiimeyn ay dhowaan Qaramada Midoobay samaysay, dhimista maalgelinta caalamiga ah ayaa ku kordhisay caqabadaha weli haysta dadka "si buuxda ugu tiirsan gargaarka bini'aadantinimo”.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaxootiga ay sii wadaan halganka ay ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen cunto nafaqo leh, hoy iyo fayadhowr ku filan, iyo fursado ay ku shaqeystaan.

Waxaa jira welwel laga qabo jiilka lumay, kuwaas oo aan helin waxbarasho hufan.

Qaxootiga Rohingya

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Carruurtu waxay aadaan dugsiga maalin kasta, laakiin ma jiraan wax horumar ah oo iyaga u gaar ah. Uma maleynayo inay helayaan waxbarasho wanaagsan," Kotiza ayaa tiri.

Carruurta ku nool kaamamka Cox's Bazar waxaa la baraa manhajka Myanmar - manhajka waddankooda - ee ma aha midka lagu dhigo dugsiyada Bangladesh.

Iyadoo taageereyaasha barnaamijkan ay sheegeen inay tahay in ardayda loo diyaariyo inay dalkooda ku laabtaan maalin uun, ayaa qaar kalena waxay ka cabsi qabaan inay tahay hab looga hortagayo dadka qaxootiga ah ee Rohingya inay la xuquuq noqdaan dadka dalka Bangladesh.