"Hadduusan ninkaygu iga gaarin, aabahey wuu isii kufsan lahaa"

Gacmo

Xigashada Sawirka, Getty Images

“Guurka ka dib, markii qoyskeedu u yimaaden si ay xaaskeyga gurigooda u geeyaan, xaaskeygu way murugsanayd, waxay diidday in ay raacdo wayna la dagaashay markii tuulada lagu celin lahaa.”

”Maalmo yar ka hore markii soddoggay guriga yimid galabnimadii, waxaa dhex maray muran sababtoo ah waxay diiday in ay xafadda u raacdo. Waxaan isku dayey u aan la hadlo in badan, balse waxay ii sheegtay in aabeheed uu kufsan jiray. Intaas ka dib waxaan booliska u gudbiyey dacwad.”

Hadalladan waxaa yiri nin kasoo jeeda magaalada Gomtipur ee gobolka Ahmedabad kaas oo xaaskiisa garab istaagay.

Waxay magaalada Juhapura ee isla gobolkan Ahmedabad isku qabeen laba sano, guurkooduna si caadi ayuu u dhacay, weliba intaas ka dibna nolol fiican ayey ku noolaayeen.

Hase yeeshee xaaskiisu waxay aabeheed ku eedaysay in uu si joogta ah u kufsan jiray. Waxay sheegtay in arrintan naxdinta leh ay dhecaysay guurka ka hore iyo ka dibba.

Dulmanaha oo uu ninkeedu la jiro ayaa dacwad u gudbisey booliska magaalada Vejalpur, waxayna uruuriyeen cadeymihii loo baahnaa, intaas ka dibna waxaa la xiray aabaha eedaysnaa.

Gabadha dhibanaha ah oo dacwad kufsi ah ka gudbisay aabaheed ayaa BBC-da u sheegtay, “Waxaan wax ku baranayay luqadda English-ka, waxaan rabay in aan fasalka 11-aad ka qaato cilmiga sayniska oo aan noqdo injineer kombuyuutar, laakiin aabahay ayaa guriga iga soo saaray isagoo leh. xaaladda dhaqaale ma fiicneyn."

"xilli waqtiyada ka mid ah ayey hooyaday iyo walaashay waxay walaashay iga weyndalxiis u geeyeen Rajasthan, kaligey ayaana guriga la joogay aabahay, habeenkaas wuu i kufsaday."

"Wuxuu iigu hanjabay inuu guriga iga eryi doono haddii aan cid u sheego, xitaa wuxuu iigu hanjabay inuu kufsan doono walaashay iga yar."

Dhibbanaha ayaa tiri, "Waan cabsaday, taasina waxay keentay in falkani sii daba dheraado, mar waloiba oo hooyadey aaddo shaqada walaasheyna dugsiga aaddo."

"Mar waxaa jirtay uu la xiriiray dhaqtar uu garanayey kaas oo daawo igu qasbay habeen, markii an seexdayna wuu i kufsaday."

Sawir diidmo

" Dhanka kale, waan guursaday, laakiin aabbahay wuu ii ogolaan waayay inaan tago. Badanaa soddogay ayaa ii iman jiray oo i geyn jiray gurigiisa. Ninkeyga oo ah nin wanaagsan ayaa xaafaddayadii igu celin jiray, mar waliba oo aan tagana sidii ayuu sameyn jiray."

"Waxaan ka baqay in haddii ninkeyga uu ogaado in guurkaygu uu burburo. Laakiin maalin maalmaha ka mid ah, aabahay ayaa ka gudbay dhammaan xuduudaha."

"Mar ayuu iigu yimid aabahay gurigeyga cidina markaas ma jogin guriga, wuxuuna damcay in uu sidii sameeyo, markii aan diidayna wuu i garaacay."

"Albaabka guriga wuxuu ka xirnaa gudaha, balse markii ay maqleen qayladayda, deriska ayaa u wacay dumaashiday, gurigayga ayey timid kadibna si qarsoodi ah uga baxay."

Si kastaba ha ahaatee, dhibbanaha ayaa sheegtay in ninkeeda uu hadda illoobay wixii hore oo uu bilaabay nolol cusub.

Gabar
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ninka qaba gabadha dulmanaha ah ayaa BBC u sheega, ”Markii aan is guursannay ka dib, aabeheed ayaa mar walba gurigiisa ku casuumi jiray si ay ula joogto weyna diidi jirtay.”

”Waxay mar waliba ii sheegi jirtay in aysan gurigooda aadeyn haddii aanan anigu raacin, waxaan u haystay in uu aabeheed jecelyahay gabadhiisa oo uu sidaas u doonayo in ay mar walba guriga kuso laabato, saas darteed ma aanan waxba ka qabin, isku magaalana waan wada degganeny.

Balse marka ay xaaskeygu baxdaba, habeenkii ayey isoo wici jirtay iyada oo oyeysa. Waxayna iga codsan jirtay inaan u imaaddo aan aan wado.”

”Walaashey ayaa la hadashay waxayna u sheegtay in uu aabeheed kufsado, intaas ka dib anigu waxaan diiday in qoyskeedu gurigeyga yimaadaan.

Markii ay walaashey iyu xaaskuba ii sharxeen xaaladda, waan fahmay, balse muran ayaa na dhex maray isaga oo igu eedeeyay in aan qoyskiisa fadeexadeynayo. Ugu dambeyntii xaaskeyga ayaa dacwad gudibisay.” Ayuu sii raaciyey.

Intaas ka dib booliska ayaa gacanta ku dhigan aabahan sidaasn ku xiray, waxaana lagu soo oogay dacwad ah, xadgudub jireed ama kufsi.