You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Imisa talaabo ayuu u jirsaday Trump ninkii hubaysnaa xageese ugu dhuuntay?
Nin hubaysan ayaa waxa uu muddo 12 saacadood ah isku qarinayay kaynta ka hor inta uusan Donald Trump bilaabin ciyaar golf ahayd oo aan jadwalaysnayn oo ku lahaa aagga xeebta saaran ee uu leeyahay Florida – waxaana dadka gudaha layaab ku noqotay wax ay masuuliyiinta ku sheegeen in ay u muuqato isku day dil oo labaad oo ka dhan ah madaxweynahaan hore.
Waxay ahayd galab Axadda ah oo ay jirtay cimilo diiran balse daruuro muuqdeen markii Trump iyo saaxiibkiisa qaaliga ah ee ka shaqeeya dhismaha guryaha Steve Witkoff ay soo gaareen barxadda Caalamiga ah ee ciyaarta Golf ka ee Trump ee ku taalla Xeebta West Palm.
Madaxweynaha hore ayaa ku sugnaa marinka shanaad ee barxadda wayn taas oo ku dhaggan waddoyin mashquul badan oo u dhow dhinaca Gigidda Caalmiga ah ee diyaaradaha ee Palm Beach, markii qaar ka mid ah ilaalidiisu ay garteen in qori ka soo jeedo bartanka caleemaha dhirta u dhow barxaddda meel la siman godka lixaad barxadda.
Trump oo meesha laga waday isaga oo aan dhib gaarin ayaa mar dambe sheegay “in uu qiyaastii maqlay afar ama shan” baalooto oo meel cabaar u jirtay ka sharqamay.
Xubin sirdoon oo aad u maskax furnaa ayaa rasaas ku riday dhinaca qofka la tuhunsan yahay oo qiyaastii 300-500 oo talaabo ka fogaa goobta, shiishna kuma uusna haynTrump, sidaas waxaa yiri baariyaan dawladda Maraykanka ka tirsan.
“Sirdoonka markiiba waa ay ogaadeen in ay rasaas ahayd, waana ay ila carareen,” sidaas waxaa sheegay Trump oo ka hadlayay munaasabad toos loogu baahniyay barta X, ee horay loo oran jiray Twitter, isaga oo ku sugnaa hoteelkiisa Mar-a-Lago.
“Waxaanu fuulnay gaadiidka yaryar ee barxadda golf ka si wanaagsan ayaanan meesha uga tagnay. Waxaa la socday xubin sirdoon, shaqo fiican ayuuna qabtay.”
Ninka hubaysanaa oo ay baarayaashu sheegeen in uusan ridin wax rasaas ah ayaa waxaa qariyay geedaha beerta ee aadka loo simay iyo geedaha qumbaha ee dhaadheer eek u teedsan afarta koone ee barxadda ka kooban 27 ka god.
Wuxuu ku ganbanayay dhinaca banaanka xiga ee daaradda beerta tan iyo 01:59 xilliga Maraykanka ee subaxii Axada, sida ay muujinayaan walxo taleefan lagu duubay, sida ay sheegeen masuuliyiin Maraykan ah.
Qofka tuhmanaha ah ayaa waxa uu qatay laba kaamiro oo digital ah, bacmadoow raashin ah, qori boobi xigeen ah oo ah nuuca loo yaqaano SKS – kaas oo ah hub tiiradiisu gaarto 440 talaabo, lehna kunjiyad.
Musharraxa madaxweyne ee Jamhuuriga Maraykanka ayaa ololihiisii ugu dambeeyay ee si rasmi ah loo baahiyay waxa uu ka qayb galay munaasabad fiidkii sabtidii ka dhacday dhinaca kale ee dalka, gaar ahaan gobolka Utah.
Dadka deegaanka ayaa waxays sheegeen in Trump uu waqtigiisa uga badan ee Axadaha ku qaato Barxadda golf ka ee Plam Beach ku taalla marka uusan lahayn munaasabo olole.
Balse madaxa sirdoonka, Ronald Rowe, ayaa sheegay “in qorshuhuba uusan ahayn in Trump aado halkaas”, sidaas daraadeedna ay hay’adu awooday in xilli dambe ay ilaalo isugu duwdo Trump.
Dhagarta fashilantay ayaa dadka xaafadda Palm Beach ee Trump dariska la ah ku reebtay su’aalo is waydiin xooggan.
Tuhmanuhu miyuu ogaa in madaxweynaha hore uu imaan doono si uu golf u ciyaaro, mise wuu qiyaasay?
Siduu muddo dheer isugu qarinayay kaynta iyada oo aan la ogaan isaga oo qori wata?
Ninka qoriga watay ayaa ku baxsaday gaari madoow oo Nissan ah, isaga oo iska tuuray boorsadii uu ku watay raashinka iyo hubka.
Haweeneey shacab ah ayay u suura gashay in ay sawir ka qaado taargadiisa iyada oo u dirtay baarayaasha, sidaas habeenkii Isniinta yiri Trump.
Ninka hubaysnaa ayaawaxa uu meesha isaga baxsaday afartan daqiiqo ka hor inta aan ciidanku gaarigisa ku hakin wadada Interstate 95 aysanna ka dalban in soo dago.
Muuqaal ay duubtay kaamirada askartu xirato ayaa waxa uu muujinayaa in uu aad u daganaa markii ay askartu ku qaylyeysay una sheegaysay in uu dhinac u baxo ka hor intii aysan katiinadeyn.
Maalinkii Isniinta, tuhmanaha oo lagu magacaabo Ryan Routh oo ah 56 jir ayaa waxa uu ka soo muuqday maxkamad ku taalla Palm Beach, isaga oo xiran dharka midabka buluga ah leh ee maxaabiista, sidoo kalana dhoolacadeynaya xilli u ula hadlayay dacwad oogihiisa,
Waxa lagu soo oogay hal dacwad oo ah in uu haystay hub uu lahaan jiray nin danbiile la xukumay ah iyo dambi kale oo ah in uu haysto hub lambarkiisa tixraaca la tirtiray. Eedaymo badan ayaa sii raaci kara kwan.
Routh, oo degan gobolka Hawaii oo leh taariikh dambiyeed, ayaa soo galay raadaarka FBI-da sanadkii 2019 kii isaga oo la ogaaday in uu yahay dambiile haysta hub. Xafiisku ayaa xilligaas wargaliyay ciidamada ammaanka ee Honolulu.
In kasta oo aan la shaacin sababta uu sida la sheegay u qorsheeyay in uu bartilmaameedsado Trump, haddana tuhmanuhu waxa uu hore baraha bulshada ugu baahiyay in uu sanadkii 2016 kii u codeeyay xisbiga Jamhuuriga.
Dhacdadan ayaa argagax ku beertay dadka dagan aagga West Palm Beach iyo kuwa dagan magaalooyinka u dhow.
Shelby Stevens, oo ah 52 jir taageera Trump kana soo jeeda West Palm Beach, ayaa BBC u sheegtay: "Si kasta oo aad u haysato ciidamo ku waardiyeeya, haddii qof uu doonayo in uu naftiisa bixiyo si uu qof kale tiisa u salfado, wali waa wax suuragal in ay dhacdo."
Cosme Blanco isna waxa uu ku noolaa meel aan sidaas uga fogayn barxadda Trump ee golf ka inta badan noloshiisa, isaga oo sheegay in Trump uu yimaado laba jeer todobaadkii baraxadda marka uusan ololaynayn.
61 jirkaan taageera Trump ayaa sheegay in muuqaalka ilaalida ee agagaarka baraxadda Golf-ka uusan sidaas u badnayn sida caadiga. Laakiin ay walba is badaleen Axaddii, isaga bannaanka ku cararay shan daqiiqo ka dib markii uu maqlay dhawaqa rasaas la riday si uu u arko helikobtarro ku wareegaysa dusha saree e xaafadda.
“Waan walaacsanahay. Waxaan noqon rabaa doonaa 62 sano jir, weligayna ma arag Ameerika oo sidan isku bedelaysa,” ayuu yiri ninkaan asal ahaan ka soo galay Cuba.
Blanco waxa uu sheegay in tuhmanaha aysan ku adkaan lahayn in uu Trump ku beegsado goobtiisa Golf-ka.
Patricia Pelham, oo u dhalatay Boqortooyada Ingiriiska, kuna noolayd Florida 30 sano, ayaa is waydiineysa sida tuhmanuhu u awooday inuu baabuurkiisa dhigto meel sidaas ugu dhow goobta si uu dhaqso ugu baxsado.
"Sidee ku dhacday in banaanka aan ilaalo joogin?" ayuu is waydiisay iyada oo intaas ku dartay in aanay taageersanayn Trump.
Pelham waxay sheegtay in ammaanka la adkeeyay agagaarka Mar-a-Lago tan iyo markii nin hubaysan oo 20 jir ahaa uu isku dayay inuu ku dilo isu soo bax ka dhacay Butler, oo ku taalla Pennsylvania, bishii Luulyo.
Isniintii, baabuurta booliisku waxay safnaayeen waddooyinka jasiiradda ku dhawaad 600 oo talaababab waa ay ku sugnaayeen, iyadoo laga joojiyaya dalxiisayaasha in ay tagaan hotel ka.
Maamulka ayaa sheegay in dhammaan koorsada Golf-ka la hareereyn lahaa haddii ay ahaan lahayd madaxweynaha Mareykanka oo fadhiya cagaarka.
Ka dib markii uu ku eedeeyay Aqalka Cad isku daygii ugu dambeeyay ee la sheegay in lagu dili rabay, Trump wuxuu habeenkii isniinta sheegay in uu "wadahadal aad u wanaagsan taleefanka kula yeeeshay" madaxweyne Joe Biden iyaga oo ka wadahadlay kor u qaadista ilaalada sirdoonka.
Madaxweyne Biden, oo isagu ka tirsan dimuqraadiga, ayaa ka codsaday Congress-ka Isniintii in ay lacago u ansixiyaan hay'adda sirdoonka toddobaadyada soo socda, isaga oo sheegay in hay’addu "uu u baahan tahay caawimo dheeraad ah".
Michael Matranga, oo ahaa wakiil hora yuga tirsnaan jiray sirdoonka, una soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, ayaa sheegay in Trump uu ilaalo wanaagsan ka helay hay’adda marka loo eego madaxweynayaal badan oo hore waxa ay heleen, kuwaas oo sida caadiga ah helay ilaalo ka yar tan uu aqalka cad ka helay.
Tusaale ahaan, wuxuu sheegay, in madaxweynayaashii hore aan la siinin shiishyahannada ka hortagga dilalka shiishka ah sida kuwa la siiyo Trump.
Sirdoonka ayaa waxay wajaheen baaritaan xooggan tan iyo isku daygii ugu horreeyay ee Trump lala beegsaday, iyadoo hoggaamiyahii hay'adda, Kimberly Cheatle, ay is casishay wax ka yar laba toddobaad ka dib dhacdadaas.
Horay waxaa loo sheegay in agabku ku yar yahay sirdoonka.
Laakiin xitaa dhaqaale kasta oo dheeri ah oo la siiyo, Matranga wuxuu qabaa in wakiillada hay’addu ay ku qasban yihiin in si dheeli tiran u ilaaliyaan Trump iyaga oo u ogolaanaya inuu la hadlo dadka dagan meelaha uu codadka ka rabo iyo xitaa inay u ogolaadaan in uu "ku raaxaysto barxadiisa golf ka".
"Kuma hayn karaan sanduuq aan xabadu karin", ayuu yiri Matranga.
Sidoo kale Trump uma ekanin doonaya in qafis la galiyo.
Iimeyl dhaqaale lagu aruurinayo oo uu soo diray galabnimadii Isniinta, wuxuu u sheegay taageerayaashiisa: "Go'aankaygu waa uu ku sii xoogaysanayaa weerar kale oo la igu soo qaado!"
Waa nooca dabeecadda "adag" ee uu Stevens ka filayo Trump inuu sii joogteeyo xilli uu la hadlayo codbixiyayaasha toddobaadyada ka horeeya doorashada guud ee November.
“Waxay ila tahay in uu wali hawshiisa sii wadi doono, waliba meel walba ka soo muuqan doono. Ilama aha intaas uu ka xishoon doono.”