You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Madaxweynaha cameroon oo ugu dambeyn la helay kadib muddo la la'aa
Madaxweynaha Cameroon Paul Biya oo 91 jir ah ayaa markii ugu horeysay lagu arkay meel fagaare ah kadib muddo lix todobaad ah oo la hadal hayay xaaladiisa caafimaad oo liidata.
Ka maqnaanshihiisa indhaha bulshada ayaa keentay in ay soo shaac baxaan warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ku saabsan dhimashadiisa.
Laakin galabnimadii isniinta taleefishinka qaranka ayaa soo bandhigay muuqaalka madaxweynaha oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Yaoundé, isagoo ka duulaya Switzerland.
Dawladdu waxay ka mamnuucday warbaahinta inay ka hadlaan caafimaadka Biya - oo xukunka haya tan iyo 1982 - iyada oo sheegay in ay sidaas u samaynayaan arrimo la xiriira amniga qaranka.
Warar xan ah oo ku saabsan geeridiisa ayaa marba soo baxay baxayay labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Sawirada la baahiyey Isniintii ayaa muujinaya madaxweynaha oo ku labisan dharkiisa caadiga ah oo hagaasan, ee ah labiska muxaafidka, isla markaana u muuqday mid xooggan.
Markii ugu dambaysay ee Biya la arko waxay ahayd 8-dii Sebtembar oo uu ka qayb galayay shir-madaxeedka Shiinaha iyo Afrika ee Beijing.
Tan iyo markaas, dowladda waxaa saarnaa cadaadis aad u weyn si ay u caddeyso in hoggaamiyaha muddada dheer maamulayay dalkiisa uu nool yahay iyo inkale.
Hadalhayntii ugu dambeysay ayaa ee Biya ayaa timid kadib maqnaanshaha uu dhawaan ka baaqday shirkii madaxda dalalka looga hadlo afka Faransiiska ee ka dhacay magaalada Paris ayaa si weyn looga hadlay munaasabaddii labada maalmood ahayd, sida ay sheegeen saddex wasiir oo Afrikaan ah oo aan u dhalan Cameroon.
“Waxa ay d’adiisu ka weyntahay 90 sano, muddo dheer ma uusan qaban hawl maalmeedka cadiga ah, laakiin haddii uu dhinto xaaladdu waxay u badan tahay inay faraha ka baxdo,” ayuu yiri mid ka mid ah wasiirrada oo magaciisa qariyay.
"Ma jirto cid u diyaar ah isagaga dibadii xukunkaa, ma garanayno sida Cameroon (ay noqon doonto) la'aantii Paul Biya."
Waddanka Kookaha iyo saliida soo saara ee Cameroon, waxa oo soo maray laba madaxweyne oo keliya tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska iyo Ingiriiska horaantii 1960-meeyadii, waxaan ka ku jira dagaal goos goos ah oo ay ku dhinteen kumanaan qof iyo kacdoonka rabshadaha wata ee Boko Haram.
Ka dib 42 sano oo uu xukunka hayay, Biya waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu muddada dheer Afrika.
Intii uu xukunka hayay, Cameroon waxay ka guurtay inay noqoto waddan xisbi keliya ah una guurtay siyaasad xisbiyo badan, laakiin waxaa sidoo kale lagu suntay musuqmaasuq baahsan.
Biya ayaa muddo dheer lagu dhaleeceeyay iwaqtiga uu ku maqan yahay dalka dibaddiisa - iyo gaar ahaan Switzerland.
Sanadka 2018, Mashruuca Warbixinta Musuqmaasuqa iyo Dembiyada Abaabulan (OCCRP) ayaa sheegay in tan iyo markii uu xukunka qabtay 1982, Biya uu ku qaatay wax u dhigma afar sano iyo bar safarro dibadda ah.
Hoteelka Intercontinental ee magaalada Geneva ayaa la sheegay in uu yahay goobta uu ugu jecelyahay.