You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Paul Biya: Madaxweynaha Cameroon oo markii toddobaad ku guulaystay doorasho
Madaxweynaha Cameroon Paul Biya ayaa markii toddobaad ku guulaystay doorasho ay hareeyeen handdadaad iyo tiro yar oo dad ah oo u soo baxay goobaha codeynta.
Paul Biya oo 85 jir ah ahna madaxweynaha ugu da'da wayn qaaradda Afrika wuxuu helay codad gaarayo boqolkiiba 71.3, sida ay sheegeen saraakiisha doorashada dalkaasi.
Ciidammada ka hortaggo rabshadaha ayaa Axaddii loo daabulay magaalooyinka Youande iyo Douala si ay uga hortagaan wax qalalaase ah.
Labada gobol ee af-Ingiriiska looga hadlo ee Cameroon waxaa ka dhacay muddo sannad ah dibadbaxyo rabshado wata iyo dagaallo ay ku dhinteen boqolaal qof.
Labo maalin ka hor inta aysan doorashada ka dhicin Cameroon, madaxweyanaha dalka Equitorial Guinea Teodoro Obiang Nguema ayaa u hambalyeeyay Paul Biya.
Maurice Kamto oo isagana ku xigay Paul Biya ayaa helay codad gaaraya boqolkiiba 14.2.
Kala bar dadka reer Cameroon ma aysan codeyn, tobbonaan kun oo kamid ah shacabka dalkaasi amni darteed ayay uga qayb qaadan waayeen doorashada.