Sidee bay duufaannada qorraxdu u saamayn karaan qalabka tiknoloojiyada ku shaqeeya

Maalin ay cadceeddu aad u kulalayd bishii agoosto 1972, xilli ay beegnayd dabayaaqada dagaalkii Vietnam, ayaa tobanaan miinooyinka maraakiibta loo dhigo oo yaallay xeebaha Hai Phong ee waqooyiga Vietnam waxay bilaabeen inay qarxaan digniin la’aan.

Marso 1989, danab aad u xoog badan ayaa soo raacay fiilooyinka korantada, wuxuuna dabka ka jaray gabi ahaanba gobolka canada ee Quebec.

1859, sidoo kale danab ayaa soo raacay fiilooyinka qalabkii isgaarsiinta ee xilligaas la adeegsan jiray "Telegraph”, kaasoo dab kiciyey.

Saynisyahannadu waxay aaminsan yihiin in xilliyadaas kala duwan wixii dhacay ay ahaayen wax ka dhashay cimilada hawada sare, taasoo awood u leh inay khalkhal weyn galin karto maxaddadaha korantada iyo tiknoloojiyada, sida telefoonnada iyo internetka.

Saynisyahannada hadda jira waxay haystaan qalab aysan haysan jirin kuwii qarniyaal ka hor noolaa, waana xogta dayax-gacmeedyada ay soo diraan oo aad u horumarsan, taasoo keenaysa in la sii saadaaliyo cimilada hawada sare ayda oo sax ah.

"Haddii saadaasha cimilada hawada sare uu yahay mid aan sax ahayn , duufaannada hawada sare waxay keeni karaan inay khalkhal galiyaan hawsha dayax gacmeedyada, kala go’ku yimaada isgaarsiinta, xogta jihooyinka oo khaldanta marka la isticmaalayo GPS, iyo in dhulka ay ka kacaan danabyo saamayn aad u ba’an ku yeesha goobaha krantada iyo dhuumaha shidaalka” ayuu yiri Prof. Robertus von Fay-Siebenburgen, oo madax ka ah mashruuc la xiriira saadaasha cimilada hawada sare ee jaamacadda Sheffield, UK.

Isagoo la shaqaynayey saynisyahanno kale ayuu isku xirayey hawl ku saabsanayd sidii loo horumarin lahaa ku kalsoonaanshaha barnaamijyada lagu saadaaliyo cimilada hawada sare, ayadoo la qiyaas dabaylaha ay qorraxdu ka soo afuufto meel dhulka aa duga fog, kuwaasoo markii hore aan waxba laga ogaan jirin.

Firfircoonida qorraxda ayaa marna aad u sarraysa marna hoosaysa. 11kii sanaba mar ayey firfircoonidaas meesha ugu sarraysa gaartaa, waana markaas marka ay qorraxdu soo afuufto dabaylaha loo yaqaano (CME). Dabaylahaas waxaa la socda qurubyo Plasma ah oo danabaysan.

Marka ay dhinaca dhulka soo aadaan waxaa saamayntooda la dareemaa ilaa iyo maalin barkeed, inta badanna digniintooda waxay timaadaa saacad ka hor inta aan la dareemin saamayntooda.

"Cawaaqibka ka dhalan kara khatarta cimilada hawada sare waa mid natiijadeedu noqon karto wax kasta, ka soo billow isgaarsiinta oo khalad aan weynayn ku yimaado ilaa iyo in la waayo qaybo ka mid ah kaabayaasheenna dhanka tiknoloojiyada” ayuu yiri Prof. von Fay-Siebenburgen.

"Tan ugu daran ayaa noqon karta in ay ka dhalato dib u dhac dhaqaale oo dal la soo dersa” ayu sii raaciyey.

"Haddii aan si fiican u saadaalinno xaaladda dabaylaha qorraxda halka loo yaqaano L1 (Meel cuf-is jiidadka qorraxda iyo dhulka uu is le’eg yahay) waxaan sare u sii qaadi karnaa qaabka saadaalinta oaan gaarsiin karno hal maalin” ayuu yiri von Fay-Siebenburgen.

Xagaagii sannadkii 2012 ayey ahayd markii duufaan aad u xoog badan ay dhulka xaggiisa u soo tuurtay qurubyo kaahfal wata oo saacaddii jaraya xawaare gaaraya 9 malyan oo KM. Hadday xilligaas todobaad ka horrayn lahayd waxay saynisyahannaadu aaminsan yihiin in ay dhulka soo gaari lahayd, laakin waxaa la ogaaday markii ay ku dhufatay dayax gacmeed ay leedahay hay’adda hawada sare ee Maraykanka ee NASA oo logu tala galay inuu isha ku hayo cimiladaas oo kale.

Saynisyahannadu waxay sheegeen in duufaantaas ay tahay tii ugu xoogga weynayd ee ku xigtay tii dunida ku dhufatay 1859.