Badda Cas: Yuu quseeyaa damaca dekad doonka ee Itoobiya?

Abey Axmed (Bidix) Xasan Sh Maxamuud (Midig)

Xigashada Sawirka, Social Media

Qoraalka sawirka, Abey Axmed (Bidix) Xasan Sh Maxamuud (Midig)
    • Author, Axmed Cadceed
    • Role, Saxafi madax banaan

Raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ayaa dhowaan cusboonaysiiyey rabitaanka dalkiisa ee ah inuu helo dekad uu si madax bannaan wax ugalasoo dego.

Tani waxay abuurtay su’aalo badan oo diblomaasiyadeed iyo hadal hayn dhanka baraha bulshada ah, waana sababta keentay in Eritrea ay ka hadasho arrinkan.

Maamulka Eritrea ayaa sheegay in ”aysan jiidan doonin" hadallada ku saabsan " gelitaanka badda" ka dib hadalkii Abey Axmed ee ahaa rabitaankii dalkiisa ee ah inuu meel ka helo Badda Cas.

Abiy ayaa ku tilmaamay su'aalaha ku saabsan helitaanka baddu inay tahay "mid ka jirta" Itoobiya mar uu la hadlayay sharci-dajiyayaasha dalkiisa, hadalkan oo laga baahiyey telefishanka dawladda.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa sheegay in hadalkiisu uu muujin karo xurguf kala dhexeysa Eritrea, oo ay xulafo ahaayeen intii uu socday dagaalkii adkaa ee ka dhacay gobolka waqooyi ee Itoobiya, Tigray.

Qoraal kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ee Asmara ayaa lagu sheegay in hadallada "ku saabsan gelitaanka badda iyo mowduucyada la xiriira "oo muddooyinkii u dambeeyay ahayeen kuwo xad-dhaaf ah" iyadoo intaas ku dartay " inay tani wareerisay dhammaan dhinacyada ay khusayso".

Itoobiya ayaa noqotay dalka ugu weyn Afrika ee aan bad lahayn ka dib markii ay Eritrea ka go’day sannadkii 1993-kii, taas oo la go’day dhamaan baddii ay Itoobiya lahayd.

Hase yeeshee ma aha oo kaliya Eritrea dalalka saaran badda cas, balse Soomaaliya ayaa ka mid ah, waxayna dadka Soomaalidu baraha bulshada ku hadal hayaan, ka aamuska dawladda Soomaaliya ee hadalka kasoo yeeray Raysal wasaaraha Itoobiya.

Assab

Xigashada Sawirka, Google

Welwel la'aanta Soomaaliya

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay inaan la xiriirno si aan wax uga waydiino mowqifkeeda ku aaddan arrinkan, ayaan noo suurta gelin inaan is haleelno. Dhanka kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, oo warbaahinta dalkaasi waraysi siiyey ayaan isna ka hadal arrinkan, inkastoo aan la wiidiin su’aal ku aadan.

Waxaanse wax ka waydiinay waxa ay noqon karto sababtu, Faysal Rooble oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Geeska Afrika gaar ahaanna Itoobiya isla markaana maqaallo ka qoray arrimaha Itoobiya iyo Eretrea.

Faysal wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal isla markaana aysan diyaar u ahayn inay gasho muran diblomaasiyadeed.

Dhanka kale Faysal Rooble wuxuu leeyahay: ”waxaa dhici karta marka ay dawladda Soomaaliya dhuuxdo hadallada uu raysal wasaaraha Itoobiya ku hadlay ama ay taariikhda raacdo, inay is tiraahdo, muhiimadda hadalkiisu waa badda cas ee Casab ee ma aha qaybaha Badda cas ee Soomaaliya”.

Haddaba maxay tahay taariikhda uu ka dhawaajiyey Faysal ee Soomaaliya ka leexin karta damaca dekad raadiska ee Itoobiya?

Marka hore aan sawir ka bixinno xaaladda siyaasad juquraafiyadeed ee dalka Itoobiya. Dalka Eritrea wuxuu kamid ahaan jiray Itoobiya wixii ka horeeyay sannadkii 1993, xilligaas oo ay Eritrea xornimada ka qaadatay Itoobiya.

Sida aan kor kuso xusnay, markii ay Eretrea ka go’day Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn, dhulkii xeebta oo dhanna waxuu raacay Eretrea. Dhanka kale sida uu ka dhawaajiyey raysal wasaaraha Itoobiya, dalkiisu ma doonayo hadda dekad uu wax kala soo dego oo kaliya isla markaana kiro ay ku isticmaalaan, balse taas baddalkeeda wuxuu doonayaa in uu helo dekad dalkiisa ka mid ah.

Casab

Xigashada Sawirka, Google

Waxayse su’aashu tahay, haddii Itoobiya ay damacdo in ay xoog wax ku qaadato, sow kama dhib yaro in ay Soomaaliya ku daydo maadaama ay Eritrea hadda ka awood badan tahay Soomaaliya?

In Itoobiya ay dagaal la gasho Soomaaliya ama dal kale oo madax bannaan oo weliba uu hor kacayo raysal wasaaraheeda la siiyey billadda nabadda; waxaa uga fudud in ay wax ka raadiso Eritrea oo ay u aqoonsan tahay qayb iyada ka go’day, sida uu qabo Feysal.

”Markii ay Eritrea ka go’aysay Itoobiya 1993-kii waxaa ii caddaa in Itoobiya aysan isku wada raacsanayn inay sii deyso Casab, marka Itoobiya waxay u aragtaa inay uga dhib yartahay inay sheegato dekadda casab marka la eego dhinacyada caalamiga ah, Canfarta iyo Tikreegana ay ku hubayn karto,” sidaasi waxaa yiri Faysal Rooble oo sharxaya sababta Itoobiya aysan ugu socon dekad Soomaaliyeed ee ay damacsan tahay Dekadda Casab ee dalka Eritrea.

”Labada meelood ee ay Itoobiya isleedahay waad ku sheegan kartaa dekadda Casab waxaa weeye, arrintii Baadhame iyo Canfarta oo leh casab sida ay Itoobiyaanku qabaan, labadaa qodobaa laga yaabaa inay Itoobiya ku dhegan tahay oo ay isleedahay dawladdii malis oo afgembi ku timid, si xaq darra ahbay ku bixisay” ayuu sii raaciyey.

Haddaba haddii ay aragtidani dhab tahay, waxaa dhici karta in ay tahay sababta ay Soomaaliya uga welwel la’dahay hadallada kasoo yeeraya raysal wasaaraha Itoobiya ee dekad raadiska.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Cabdullaahi Warfaa oo warbaahinta dalkaasi siiyey waraysi, ayaa sheegay in dalkiisu xiriir fiican la leeyahay Itoobiya, oo weliba ay doonayaan hir gelinta heshiisyadii ay labada dal hore u gaareen.

Arrimahaas oo dhan marka la isku daro, waxay sawirayaan in Itoobiya iyo Soomaaliya ay isku wanaagsan yihiin uusanna jirin kala shaki dhanka siyaasadda juquraafiyadeed ah