Waa tuma Fartuun Cumar, fannaanaddii hore ee Mareykanka ku geeriyootay?

Alle ha u naxariistee waxaa dalka Mareykanka ku geeriyootay fannaanad hore Fartuun Cumar.

Fartuun ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsaneed dalkaas, halkaas oo ay xalay ku geeriyootay, sida ay shaaciyeen ehelkeeda iyo fannaaniinta ku nool Mareykanka oo in dhoweyd la socday xaaladdeeda caafimaad.

Waa tuma Fartuun?

Fartuun oo hore u shaacisay inay fanka ka baxday ayaa mar uu dhowaan wareysi uu ka qaadayay mid ka mid ah telefishannada Soomaalida waxa ay sheegtay iny ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Fartuun Cumar noolasheeda inta badan waxay ku qaadatay dalka Mareykanka oo ay ku kortay.

"Fartuun waxay ku dhalatay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Mudisho noolasheyda inta badan waxaan ku koray dalka Mareykanka," ayay ku sheegtay wareysigaasi horey loogu qaaday.

Heesaha ay horey u qaadday waxaa ka mid ahaa

  • Muqdishaay
  • Mudnaan
  • Wehel
  • Fariin
  • Jaceyl Iyo Jabkiisa
  • Heestii Ciidda

Fartuun kama soo jeeddo qoys faneed sida ay sheegtay, balse tan iyo yaraanteedii waxay jecleyd fanka oo ay aad u daneyn jirtay.

"Fankeyga waxaan soo galay ilaa 2005-tii ilaa 2006-dii, fankeygu qurbaha ayuu ku bilaabmay, qoyskeyga taariikh uma laha fanka oo qof fannaan ah nagama dhalan laakiin aniga ayaa ilaa carruurnimadii fanka aad u jeclaa," ayay intaa ku dartay.

Sida ay sheegtay waxa ay fankeeda ka billowday gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

"Fanka waxaan ku soo galay waxaan soo dagay magaalo Ohio la yiraahdo oo ay Soomaalida ku badan tahay, waxaan ka soo guuray magaalo Soomaalida ku yar tahay halkaasi oo aan fanka ka billaabay" ayay intaa ku dartay.

Heestii ugu horeysay oo ay iyadu leedahay ee ay qaaddo ayaa waxay ahayd heesta Samir oo ay wda qaadaan fanaanka Guuleed taasi oo soo baxday 2008-dii, waana mid ka mid ah heesaha ay caanka ku ahayd.

"Heestii iigu horreysay waxay ahayd heesta Samir oo ahayd hees muuqaalkeeda ay ilaa hadda dadka aad u wada jecel yihiin aniga iyo Guuleed, waxaana noo dhiibay abwaan Axmed Heykal," ayay tiri Fartuun.

Fartuun ayaa wareysi ay horey u bixisay waxa ay sidoo kale ku sheegtay in qoyskeeda markii ay fanka ku soo biireysay aysan ku faraxsaneyn, balse aysan caqabad ku noqon fankeeda.

"Allxamdulilah wax dhib ah kalama kulmin qoyska oo sida qoysaska qaar ma dhihin waan ku deyrinnay iyo ha nugu soo noqonin laakiin ilaa hadda raali kama aha," ayay hpre u tiri Fartuun.

Ka bixitaankeedii fanka

Alle haa u naxariistee Fartuun Cumar ayaa sanadkii 2016-kii shaacisay inay ka baxday fanka isla markana wixii xilligaa ka dambeeyay waxay ka fariisatay fanka.

Waxay xilligaasi ay fanka ka baxaysay ka mid ahayd fanaaniinta aadka loo jecel yahay heesaheeda, balse waxay sheegtay inay go'aansatay inay fanka ka "towbad keentay".

"Waxaan rabaa inaan maanta idinla wadaago go'aan aan qaatay oo ah inaan fanka gabi ahaantiiba isaga haray alxamdulillah, aniga oo Alle u towbad keenay iyo anigii oo qoys noqday." Ayay ku tiri muuqaal kooban oo ay baraha bulshada soo galisay.

Wixii intaa ka dambeeyay, fanaannada ayaan inta badan lagu arkin fagaaraha, iyadoo sanadihii ugu dambeeyay la sheegay inay xanuunsaneyd.