Maxaa keenay in Trump uu digniin u diro dalal waaweyn

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in haddii dal uu isku dayo inuu wiiqo Doollarka uu dalkaas wajihi doono tariifo 100% ah.

Bartilmaameedka Trump ayaa ah dalalka ku wada jira ururka BRICS ee ay hormuudka u yihiin Ruushka iyo Shiinaha, waxaa kaloo ururkaas xubno ka ah Brazil, Koofur Afrika, Masar, Itoobiya, Iimaaraadka iyo Iiraan.

Waxaa kale oo BRICS xubinnimo ka dalbaday dalal ay ka mid yihiin Malaysia iyo Turkiga.

Trump wuxu sheegay in haddii dalalka BRICS ay iska taageeraan dhinaca lacagta ay ka shallaayi doonaan.

Trump wuxuu bartiisa X ku qoray “Wakhtigii aan aamusnaan lahayn oo aan daawadayaal ka noqon lahayn dadaalka ay dalalka BRICS kaga fogaanayaan doollarka hadda wuu dhamaaday. Waxaa dalalkaas ka rabnaa ballanqad ah in aysan marnaba abuuri doonin lacag BRICS leedahay, ama aysan taageeri doonin lacag lagu beddelo doollarka xoogga badan. Haddii kale waxay wajihi doonaan tariifo 100% ah, waxayna is macsalaameyn doonaan dhaqaalaha cajiibka ah ee Maraykanka”.

Robindra Sachdev waa khabiir aad u yaqaanna arrimaha dibadda, wuxuuna rumaysan yahay “si sahlan haddii loo dhigo farriinta Trump waa in doollarku uu sii ahaado mid dunida hogaamiya”.

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Doollarka Maraykanka ayaa ah mid dunida laga aqoonsan yahay. Doollarka iyo Yuuro ayaana ugu caansan lacagaha lagu baayac mushtareeyo ee dunida.

65% lacagaha qalaad ee baananka dunidu hayaan ayaa ah Doollar, awoodda doollarka ayaana ah awoodda dhaqaale ee Maraykanka.

Dr Fazzur Rahman waa xubin sare oo ka tirsan golaha Hindia ee arrimaha dibadda, wuxuuna rumaysan yahay Trump in uusan wax cusub sheegin “waayo waxa uu yiri waxay u eg yihiin wixii u sheegi jiray xilligii ololihiisa”.

Dalalka BRICS ma waxay raadinayaan lacag doollarka u beddesha

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xiriirka uu Maraykanku la leeyahay Shiinaha iy Ruushka ayaa ah mid aad u kacsan. Sida ay khubaradu sheegayaan Shiinaha iyo Ruushka aad ayey isugu soo dhawaanayeen, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu Ruushku weerarka ku qaaday Ukraine.

Labada dalba waxay hadal hayaan in lagu gacan sayro nidaamka ah in Maraykanku uu hormuud ka noqdo dunida.

Sabab ayaa jirta ay labada dal isugu dayayaan in ay loollan ku furaan sarraynta doollarka Ameerikaankaee muddo dheer uu hogaanka u hayey dunida.

Sannad ka hor, madaxweynaah shiinaha Xi Jinping wuxuu sheegay inuu doonayo inuu kula baayac mushtareeyodalalka Asia, Afrika iyo koofurta Ameerika lacagta shiinaha ee Yuan, halkii doollar laga isticmaali lahaa.

Shiinuhu wuxuu horeba Ruushka kula ganacsanayey lacagtiisa Yuan. Ruushka ayaa isna sidaasoo kale samaynaya, waayo Ameerika iyo dalalka Galbeedka ayaa ayiraad dhaqaale oo adag ku soo rogay.

Maraykanka, midowga Yurub, Britain iyo dalal kale oo ay saxiibo yihiin ayaa ka saaray Ruushka hanaanka lacagaha ay baananku isugu diraan lacagaha ee dunida ee loo yaqaanno SWIFT.

BRICS

Xigashada Sawirka, Getty Images

Robindra Sachdev wuxuu yiri “Dalalka BRICS ayaa midan isku dayaya. Xataa haddii aysan samayn karin lacag kale oo beddesha, waxay ugu yaraan isku dayayaan inay abuuraan hanaan maaliyadeed oo isku xiran”.

“Hanaanka SWIFT waxaa hogaamiya Maraykanka, Yurub iyo dalalka galbeedka. Marka xayiraad lagu soo rogo dal, waxaa laga saarayaa hanaankaas”

Wuxuu intaa ku daray “marka la eego xayiraadda ruushka lagu soo rogay, dalalka BRICS waxay welwel ka qabaanin baanankooda la xayiro mustaqbalka. Waa middaas sababta ay dalalkaas isugu dayayaan inay sameeyaan shabakad dhaqaale”.

Laakinse xaqiiqadii ma waxaa jira baadigoob loogu jiro wax lagu beddelo doollarka?

Su’aashan ayuu Robindra Sachdev kaga jawaabay “dalalka BRICS waxay isku dayayaan arrintaas laakinse ma dhici doonto xilli dhow. Hase yeeshee talaabooyinka qaar waaba la bilaabay. Shiinaha wuxuu Brazil kula ganacsadaa Yuan. Shiinuhu wuxuu Sacuudiga la galay heshiis xagga lacagta ah. Hindiyana waxay heshiiskaasoo kale la gashay Ruushka. Talaabooyinkaas way billowdeen”.

Dalalka BRICS ayaa 41% ka ah dadka dunida ku nool. Sida laga soo xigtay golaha dhaqaalaha dunida, BRICS waxay dhaqaalaha ka yimaada wax soo saarka ka yihiin 37%.

Iimaaraadka iyo Iiraan oo lagu soo daray BRICS ayaa iyagana ka mid ah dalalka saliidda cayriin soo saara.

Sannadihii u dambeeyey dalalka BRICS waxay billaabeen inay iska taageeraan dhinacyada arrimo ay ka mid yihiin amniga qaranka, horumarinta dhaqaalaha iyo qaar kale.

2015 waxay si wadajir ah u aasaaseen banki horumarineed oo xaruntiisu tahay Shanghai.

Bankiga ayaa maalgelin ka sameeyey mashaariic waaweyn min Shiinaha ilaa Koofur Afrika, wuxuuna lacagaha ku bixinayey kuwa maxalliga halkii doollar la isticmaali lahaa, khubaraduna waxay aaminsan yihiin in taasi ay caqabad ku noqonayso doollarka.