Saamaynta koronto la'aanta ka taagan gobolka waqooyi bari Kenya: "Dadweynaha oo adeegyadii korantada u doonanaya Soomaaliya"

Mandheera

Xigashada Sawirka, Dawladda hoose ee Mandheera

Koronto la'aanta ismaamulada Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa weli taagan, iyada oo todobaadkan banaabaxyo looga careysan yahay arrintan ay ka dhaceen magaalooyin ay kamid tahay Mandheera oo xuduud la leh magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Shacabka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaanka laga soo doorto ayaa si isku mid ah uga hadlay dhibaatada koronto la'aanta, iyaga oo si gaar ah eedda ugu jeediyay shirkada korontada ee Kenya.

Xildhibaanka laga soo doorto bariga Mandheera Xuseen Waytaan oo la hadlay BBC ayaa sheegay in uu socdo xalka wax looga qabanayo koronto la'aanta ka jirta deegaanka, ayna u soo socdaan mashiinno wax ka sii qabta ciladda jirta, inta xal rasmi ah la helayo.

''Sabti iyo Axad wixii loo gaaro dhibta hadda taagan ee korontada waa laga kaaftoomi doonaa'' ayuu yiri xildhibaan weytaan.

Gobolka Waqooyi bari ayuu sheegay laynka korontada ee dowlada in uu gaaro Garissa oo kali ah, Wajeer iyo Mandheerana uuna weli gaarin.

''Wajeer hadda dhibta Mandheera haysata ayaa haysata oo habeen dhoweyd waad aragtay ayaan u malaynayaa oo habeenimo ayaa taayir la gubayay magaala-madaxda Wajeer, waxaan isticmaalayno waa matoorro, laynkii weynaa ee dowladda nama soo gaarin'' ayuu yiri xildhibaan Weytaan.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayuu sheegay markii ay la fariisteen dhowaan inuu u balan qaaday in dhinaca Doolow ee Itoobiya laga soo jiidi doono koronto, ayna inta lasoo jiidayo laynkaasi weli taagnaan doonto matoorada hagaajintooda.

Mid kamid ah shacabkii dhowaan ku banaan baxayay Mandheera ayaa siyaasad ku eedeeyay koronto la'aanta ku soo laa-laabatay Mandheera .

''Taas aniga ma dhahayo sababteeda, dadka warar fara badan ayay sheegayaan, laakiin anigu nin madax ah ayaan ahay, hadda waxaan ogsoonahay in ay mashiinnadan halaabeen, marka hadda qof kuma eedeynayo, hebelaa ka dambeeyay iyo heblaa ka dambeysay ma dhahayo".

Xildhibaan Xuseen Weytaan

Xigashada Sawirka, Facebook

Xildhibaanada kale ee ka hadlay Koronto la'aanta

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xildhibaanka Waqooyiga Mandheera laga soo doorto Major Bashiir oo ka hor hadlayay golaha baarlamanka Kenya ayaa sheegay tan iyo intii ay bilaabatay bisha Ramadan in ay shacabka Mandheera ahaayeen koronto la'aan iyaga oo dabaysiga Taleefonkooda gacanta, biyaha, barafka iyo cabitaanka qabow u raadsanayay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, iyaga oo ka talaabaya xadka Kenya iyo Soomaaliya.

''Sidee ayaan uga helaynaa koronto Soomaaliya, inaga oo ugu yeerayna wadan fashilmay, ma aha wadan fashilmay marka la eego korontada, howlahooda si wanaagsan ayay u wataan'' ayuu yiri xildhibaan Bashiir.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in shacabka Mandheera ay ku soomayaan kulayl, aysana awoodin inay helaan biyo qabow, waxaana uu eedda saarayaa shirkadda korontada Kenya inay ku guul daraysatay inay shacabka u hesho koronto.

Gubernatoorihii hore ee Mandheera, haddeerna ah senator-ka ismaamulkaasi Cali Roba ayaa ka hor sheegay aqalka senate-ka ee Kenya in cillada koronto la'aanta ay jirtay ilaa wakhtigii uu maamulayay ismaamulkaasi, mana aha ayuu yiri shaqo ay maamul daadijinta leedahay. "Waxa ay u muuqataa mid si ula kac ah ay u sameynayso shirkada korontada Kenya" ayuu yiri, waxa kale oo uu sheegay korontadana in aysan ahayn mid ganacsi laga dhigay oo ay tahay mid hal gacan ku jirta.

Wajeer iyo koronto la'aanta

Meelaha kale ee koronto la'aanta gobolka aadka looga dareemay waxaa ka mid ah magaalada Wajeer.

Nabadoon Muumin Xaamud oo ka mid ah waxgaradka Wajeer ayaa dhankiisa ka hadlay in ay weli cillada koronto la'aanta haysato, ayna la mid yihiin Mandheera iyo meelaha kale ee Gobolka Waqooyi bari ee ay ka jirto koronto la'aanta.

''in ka badan 60 sano ayuu waddankan xorriyad haystaa, inta Kenya xornimada ka jirtay, magaalada Wajeer koronto la'aanta iyo dhibaatada waa ay ka jirtay, wax shalay, doraad iyo maanta bilowday ma aha ee waligeedba waa ka jirtay dhibaatada korontada'' ayuu yiri Nabadoon Muumin.

Muumin ayaa xusay cabashada ugu badan inay bilaabatay 2017 wixii ka dambeeyay oo magaaladu ay fidday, maadaama markii hore dadku xoolo dhaqato ay isaga badneen oo aan la danayn jirin, haddase dadku magaaladii oo baaxadeeda weynaatay ay aad u soo degeen, taasna ay keentay in baahida korantada ay badato.

''hadda oo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan, ganacsatadu dhib badan ayay ku qabaan korontada, hadda oo aan kula hadlayo korontada in ka badan 7 jeer ayay tageysaa oo ay soo haddana laabanaysaa, waxaa dhibaato badan ay ka soo gaaraysaa ganacsatada'' ayuu yiri Nabadoon Muumin.