Ma run baa in haweenku ay ka been sheegaan qanaacada gogosha?

Gabar magaceeda lagu sheegay Maariya, laakiin aan ahayn midkeeda rasmiga ah, oo da'deedu ay tahay 30 jir, ayaa sheegtay inay jirto arrin inta badan haweenka sir u ah, laakiin ay tahay lagama maarmaan in laga wada hadlo.
Sirtaasi waxey haweeneydani ku tilmaantay qanaacadda gogosha.
"Waxa ku dhacaya hooyada, ayaa ah xanuun nafsi ah oo ku yimaada sababo heerka qanaacadda gogosha,“ ayey tiri Maariya.
"Dumarka qaarkood aad bay u dheereeyaan."
Mariya ayaa waxay ka sheekaynaysaa sida arrimaha gogosha ay dareen gaar ah ugu leeyihiin nolosheeda, ee ay la wadaagayso afar sano saygeeda.
Labaatan haween ah oo ay BBC-da laanta Mundo la hadashay, ayaa xusuusta xilli ay iska dhigeen inay ku qanceen gogosha.
Waxayna khubarradu isku raacsan yihiin inay tahay dhacdo aad loo wada yaqaan, wax cilmi baariseed oo arrintan lagu sameeyayna gabagabadii ay sidaasi soo saartay.
Marka loo eego daraasaddii ugu dambeysay, ee la daabacay bishii Novembar ee sanadkii 2019-kii, 58.8 boqolkiiba haween lala hadlay oo gaarayey 1,008 dumar Mareykan ah, oo da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 94, ayaa sheegay inay jili jireen qanaacno been ah, markay ay raggooda kula macaamiloonayaan gogosha.
Kuwaas, saddex boqolkiiba waxay sheegeen inay sidaas sameeyeen mar uun, in kasta ayan ahayn arrin sii socon karto mar waliba. 55% ayaana ku tilmaamay qanaaco la’aanta gogosha wax caadi ah.
Laakiin waa maxay sababta ay caadi u tahay in sidaas la sameeyo? Muxuuse werwerka ka dhasha keenaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qiimeynta aan rasmiga ahayn
Haweeneyda la yiraahdo Blanca, ayaa waxey tilmaantay in iska yeelyeelka dhaqanka ah uu socon karo muddo cayiman: sanadka ku xiga dhalmada ilmaheeda koowaad.
"Kadib markii aan umulay rabitaanka cuntada, ayaa hoos u dhacay, waxaan isoo wajahday kalsooni darro sida aan isu arkay, sababtoo ah jirkaygu ma ahayn sidii hore.
Isaguna (saygeeda) wuxuu ahaan jiray nin gogosha ku liita, haatan markuu shaqada ku soo noqdo, wuuba kasii daray sidii hore.
Aad ayaan u karaashsaday marka aan isugu imaanno gogosha ninkeyga, maaddaama mar waliba la iiga baahan yahay inaan muujiyo dadaal iyo qanaaco aan waxba ka jirin.
Haatan wixii ka danbeeya waxey noqotey inaan ka fikirka gogosha iska joojiyo, maaddaama aanay waxba is baddaleyn, oo waxa aan ka fakarayo aanan ku guul gaareynin, hadii aan guriga joogo, iyo haddii xafiiska joogaba.
Maalin maalmaha ka mid ah, waxaan go'aansaday inaan naftayda dareensiiyo inaan gaarey heer qanaaco oo gogosha ah tii ugu wanaag saneyd, waxaan si lama filaan ah u samaynayay khalad. Waxaan rabay inaan seexdo. Taasina waxay noqotay caado”.
Marna ma aysan sheegin, midda ay ka andacoonaysa oo ah inay xiriir wanaagsan leeyihin, si aanu xumaan ugu dareemin. Inkastoo ay qirtay inaysan awoodin inay arrintani ka hadasho.
Sidoo kale ka hadal la’aanta dhibaatooyinka, ayaa waxaa qeyb ka ah cabsida laga qabo kala tagga lammaanaha.
Tani waxay ahayd kiiskii Eli, oo 52 jir ah, taasoo daawooyinka niyad-jabka ay hoos u dhigeen hamigeeda, oo ay ka baqday ninkeeda inuu baadi goobo xaas kale, "oo ka yar, ka qurux badan, kaasoo farxad weyn galin doontaa".
Laura Morán, waa haweeney ku takhasustay cilmi-nafsiga, sidoo kalana waa qoraa, waxay kusoo koobaysaa qanaaco la’aanta gogosha waxa sababa laba qaybood.
“Waxaan samaynaa ku dayasho, sababtoo ah waxaan leennahay dareen xiriir jaceyl ah oo lagu go'aamiyo gogosha iyo gaar ahaan filimada jaceylka, kuwaasoo na tusaya heerka ugu sarreeya ee la gaaro.", ayey tiri cilmi-nafsi yaqaan, iyo daweynta qoyska iyo lamaanayaasha.
Laura ayaa aqal la gashay saygeeda, si u u abaal mariyo oo uu qanaaco u siiyo.
Dhab ahaantii saygii, ayaa si weyn u dadaalay, si uu ooridiisa u qanciyo, laakiin Laura waxey tilmaantay inaanay qancin.
Iska yeelyeelista beenta ah ee ah in haweeneyda ay ku qanacday gogosha, waa arrin ku soo noqnoqota haweenka ay wareysatay BBC-da laanteeda Mundo
Maxaa sabab u ah arrintan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweeney ka shaqeysa arrimaha bulshada, una ololeysa arrimaha qoyska, oo codsatay inaan magaceeda la sheegin, oo u warrantay Laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegtay in tan koowaad ee la xiriirta haweenka iyo qanaaca la’aanta gogosha ay tahay iyagoon garaneyn xuquuqdooda.
“Haweenka inaanay soo barin waalidiintooda arrimaha guud ee guurka, gaar ahaan dhanka gogosha, oo haddii ay heli waayaan qanaaco, ay tahay iney ka dalban karaan seygooda inuu qanciyo, taasna ay tahay wax banaan oo ay iyaduu dalban karo“ ayey hadalkeeda kudartay.
Iyadoo hadalkeeda sii wata ayaa sheegtay khabiiradda in wacyiga dumarka oo hooseeya ay sidoo kale keento ka gaabinta baadi goobta qanaaco darrida heysa
“Si guud haddii dumarka loola sheekeysto, marka ay noqdaan reer iyo kahorba, waxey yaren kartaa korna u qaadi kartaa wacyigooda, oo ah inaanay ka gaabin kaalinteeda, oo iyada lafteeda ay wixii ka dhiman dareenkeeda, iyo dhanka seygeeda iney u qaado tallaabo, ayey sii raacisay khabiiradda lafa guriddeeda“
arrimahan hoos ku xusan ayaa khabiiradda u sababeysay:
Gudniinka Fircooniga
Khabiiradda, ayaa carabka ku dhufatay iney jirto dhibaato iyana dhanka dumarka ka timaadda, taasoo ay ku sheegtay iney tahay Gudniinka Fircooniga.
Tani ayey ku nuux nuux satey iney tahay qodob dhaawaca dareenka dumarka, taasoo caqabad ku ah qanaacada gogosha Ragga iyo Dumarkaba labadoodaba.
“Ciladaha qanaaco la’aanta haweenka sidoo kale waxaa kamid ah guursashada ruux rag ah oo ka da weyn, taasoo ay ugu wacan tahay ragga marka ay dadooda weynaato, oo aanan qancin karin haweeney ka da yar“ ayey sidoo kale ku sheegtay khabiiradda dhibaatooyinka qanaaco la‘aanta.
Khabiiradda ayaa waxey ku tala bixineysaa in waalidiinta ay si toos ah ubadkooda ugala hadlaan waxa taabanaayo masiirkooda, iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah guurka iyo reer dhisashadooda.
Ragga waa la khiyaameeyaa
Marka, iska dhigista gaarista heerka u sarreeya ee dareenka, maaha wax jiil gaar ah ay leeyihiin.
Si gaar ah uguma dhacdo dumarka, ama xiriirka ay la leeyihiin jinsiga cagsigooda ah, ayay qireen culimada ku takhasustay caafimaadka ee la wareystay.
Xagga ragga, cilmi-baarisyo dhowr ah ayaa muujinaya, in kasta oo xaddigu uu yar yahay, inay sidoo kale been ka sheegaan gaarista heerka ugu sarreeya ee qanaacada gogosha.
"Waxaa dhici karta inay been abuuraan raggu, haddii uu hammigoodu hoos u dhaco, ha ahaato inay taasi keentay welwel, ama sababo ah inay qaataan dawooyinka niyad-jabka ah (daawooyinkani waxay hoos u dhigaan heerka sarreeya ee dareemaha)," ayey tiri khabiiradda.
Qanaaco la’aanta dumarka ee gogosha oo halis ku ah guurka
Dr. Cabdulqaadir Xuseen Warsame, oo ka hawl gala xarunta Tawakal Medical Clinic ee magaalada Nairobi, ayaa sheegay in qanaaco la’aanta Dumarka ee dhanka gogosha ay keento waxyaabo fahamsanaan la’aanta dhanka kala duwanaanta dhanka aqoonta gogosha.
“Ruuxa ragga ah, ayaa ka duwan ruuxa dumarka ah, marka ay timaado xiliga gaarista dareenka kama danbeysta ah, taasoo markaa waxey keeneysaa qanaaco la’aanta dumarka” ayuu yiri Dr Cabdulqaadir.
Sidoo kale khabiirkan caafimaad, ayaa tilmaamay in arrinta qanaaco la’aanta dumarka ee gogosha, ay halis galisay oo ay ku burbureen qoysas badan oo dhisan, maaddaama aanay jirin aqoon la xiriirta hannaanka macaamilaadka gogosha ee lammaanaha is qaba.
“Waxaanu sidoo kale badbaadinnay qoysas ay lasoo daristay qanaaco la’aanta dumarka ee dhanka gogosha, taasoo ku sigtay iney dumaan, balse nasiib wanaag, wacyi galin aanu u fidinnay ay ka badbaadisay halistii soo food saartey”, ayuu hadalkiisa raaciyey Dr Cabdulqaadir.
Dr Cabdulqaadir, ayaa carrabka ku dhuftay in waxyaabaha ay ku keento qanaaco la’aanta dumarka ee dhanka gogosha ay kamid tahay madax xanuun, buuq iyo in haweeneydu ay go’aan ku gaarto iney furriin dalbato.
Dhanka kale, sidoo kale waxaan la xiriirnay mid ka mid ah dhalinyarada, wax ka weeydiinnay caqabadaha keena qanaaco la’aanta dumarka ee gogosha.
Ninkan oo aan qarinnay magaciisa, ayaa sheegay sid ay isaga la tahay ama ay la eg tahay waaya aragnimadiisa in raggu ay qancin karaan dumarka, balse qanaaco la’aanta gogosha ee dumarka ay keento fikrado khaldan oo laga aaminsan yahay gogosha.
“Aniga waxey ila tahay haddii aanay jirin cudur, ama dhibaato kale in raggu dumarka qancin karaan” ayuu yiri ninkan.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu sheegay in mararka qaarkood ragga ay isticmaalaan dawooyin keeni karaya inay awooddooda marka danbe ay hoos u dhacdo.
“Haweenka ma gudbin karaan waxa dhabta ah ee ay ragga ka doonayaan, tani ayaa waa qeyb ka noqon karta caqabado iyo mad madow soo kala dhex gala lamaanahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyey ruuxani.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Raynraynta joogtada ah
Marka la waydiiyo jilitaanka gaarista qanaacada inay faa'iido yeelan karto mar walba, khubarada ayaa shaki geliyay arrintaasi.
"Waxa laga yaabaa inay ku shaqayn karto qaabka xamaasadda iyo reermista, taasoo noqon karta isticmaalista tab ama qalab dheeri ah, laakiin had iyo jeer waxay caddeeyeen khuburadu waxa aanu samayno iyo sababta," ayay tiri Moran.
"Dhibaatada ugu weyn ee tani waa in haddii aad u damacdo gaarista qanaaco gogosha ah, markaana aad ku dhammeysato been abuur, waxaad wajahaysaa niyad jab iyo hammiga oo yaraada," ayuu yiri khabiir kale oo caafimaad oo layiraahdo Jaimes.
Labada khabiirba ee aan kusoo xusnay, ayaa waxay ka digayaan dhibaatada ah in diiradda la saaro kaliya qanaacadda heerka ugu sarreeya.
"Waa mid ka mid ah cabsida dhowaan laga qabo dadka lamaanayaasha ah, gaar ahaan ragga doonaya iney qoyskooda ilaaliyaan," ayay tiri Morán.
"Tani waxay la mid tahay marka la qorsheynayo safarka, waa inaad ku raaxaysataa marxaladda qorsheynta, inkasta oo ay adag tahay, marka waa inaad muujisaa inaad guulaysanayso, oo ay jiraan yididiilooyin cusub, oo kor u qaadaya kaana dhigaya inaad gaari doonto heerka ugu sarreeya laba daqiiqo gudahood”,.
Khabiir Jaimes, ayaa waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in qofku aanu ka walaacin natiijada ama xilliga gabagabada.













