Maxkamad xukuntay in gogosha qasabka ah ee guurka kadib aysan kufsi ahayn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Hindiya, bulsho ku abtirsata hab dhaqankii awoowayaashood, ayaa guurku waxa uu u yahay lama taabtaan mana aha dambi in ninku kufsado xaaskiisa.
Laakiin toddobaadyadii la soo dhaafay, maxkamaduhu waxay bixiyeen xukunno is -khilaafsan oo ku saabsan kufsiga guurka, taasoo horseedday baaqyo soo cusboonaaday oo ka yimid dadka u ololeeya inay dambi ka dhigaan kufsiga dhaca guurka dhexdiisa.
Khamiistii, garsoore NK Chandravanshi oo ka tirsan maxkamadda sare ee Chhattisgarh ayaa xukuntay in "galmo ama fal kasta oo galmo ah oo uu ninku la sameeyo xaaskiisa aan lagu tilmaami karin kufsi xitaa haddii ay tahay mid xoog ama ka soo horjeedda rabitaankeeda".
Haweeney ayaa ninkeeda ku eedeysay "galmo aan caadi ahayn" oo ku kufsaday.
Garsooraha ayaa sheegtay in ninkan lagu maxkamadeyn karo galmo aan dabiici ahayn, laakiin waxay meesha ka saartay dembiga ka sii daran ee ah kufsiga maadaama sharciga Hindiya uusan aqoonsanayn kufsiga ka dhex dhaca lammaanaha is qaba.
Xukunkan ayaa la kulmay cadho baraha bulshada ah, oo ay ku jirto dadka ka cadhooday cilmi -baadhaha arrimaha jinsiga Kota Neelima oo weydiiyey "goorma ayay maxkamaduhu tixgelin doonaan oo dhegaysan doonaan aragtida dhanka haweenka?"
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Dad badan ayaa ka jawaabay barteeda Twitter -ka iyagoo leh xeerka kufsiga qadiimiga ah waa in wax laga beddelaa - laakiin waxaa jiray codad badan oo liddi ku ah.
Mid baa la yaabay oo soo qoray "waa maxay nooca xaas ee ka cabanaysa kufsiga guurka?"; mid kale ayaa soo jeediyay "waa in ay wax ka khaldan yihiin dabeecaddeeda"; halka mid saddexaad uu yidhi "kaliya xaas aan fahmin waajibaadkeeda ayaa sheegan doonta noocaas ah".
Kaliya maahan baraha bulshada, mowduuca muranka dhaliyay ee kufsiga guurka ayaa sidoo kale u muuqda inuu ku kala qaybsamay garsoorku laftirkiisu.
Dhowr usbuuc uun ka dib, maxkamadda sare ee gobolka Kerala ee koonfurta ayaa xukuntay in kufsiga guurka uu yahay mid horseedi kara in dhiibanayaashu ay ku raadsadaan furriin oo ay tahay shari carro.
"Dabeecadda xun ee ninku leeyahay ee iska indho -tiraysa madaxbannaanida xaasku waa kufsiga guurka, in kasta oo anshaxa noocaas ah aan la ciqaabi karin, wuxuu ku dhacaa qaab arxan -darro jidheed iyo mid maskaxeed," Garsooreyaasha A Muhamed Mustaque iyo Kauser Edappagath ayaa ku yidhi amarkooda 6 -da Ogosto.
Waxay ku macneeyeen in kufsiga guurku dhacay markii ninku rumaystay inuu isagu leeyahay jidhka xaaskiisa waxayna intaas ku dareen "fikirka noocan ahi meel kuma laha fiqiga bulshada ee casriga ah".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sharciga uu garsoore Chandravanshi soo saaray waa Qeybta 375 ee Xeerka Ciqaabta ee Hindiya.
Sharciga xilligii gumeysiga Ingiriiska, oo ka jiray Hindiya ilaa 1860, wuxuu xusayaa dhowr "ka -dhaafitaan" - xaalado aysan galmadu ahayn kufsi.
Fikraddu waxay ku qotontaa aaminsanaanta in oggolaanshaha galmadu uu yahay "mid loola jeedo" guurka iyo in naagtu aysan dib uga noqon karin.
Laakiin si isa soo taraysa ayaa looga soo horjeeday adduunka oo dhan iyo sanadihii la soo dhaafay, in ka badan 100 waddan ayaa mamnuucay kufsiga guurka.
Sida laga soo xigtay sahan dawladeed, 31% dumarka la guursaday - ku dhawaad saddexdiiba hal - ayaa raggooda kala kulmay tacaddi jidheed, galmo iyo shucuureed.
"Fikradayda," ayuu yidhi Professor Upendra Baxi, oo ah borofisar ku xeel dheer sharciga Jaamacadda Warwick iyo Delhi, "sharcigan waa in la beddelaa."
Muddo sanado ah, ayuu yidhi, Hindiya waxay xoogaa horumar ah ka sameysay wax ka qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyadoo soo saartay sharciyo ka dhan ah rabshadaha qoyska iyo kadeedka galmada, laakiin waxba kamay qaban kufsiga guurka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hindia waxa ay ka mid dalal gaadha 36 oo kufsiga ka dhex dhaca lammaanuhu aanu ka ahayn sharcidarro.










