Xildhibaanno barlamaanka dhexdiisa isku weeraray gaaska dadka ka ilmeysiiya

Xigashada Sawirka, Reuters
Xildhibaannada mucaaradka ee dalka Serbia ayaa ku tuuray gudaha xarunta baarlamaanka dalkaasi bambooyinka sunta dadka ilmaysiisa, waxayna adeegsadeen sidoo kale buufin ka sameysan basbaas Talaadadii shalay, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan mudaharaad dowladda looga soo horjeedo oo ay dhigayaan arday, iyadoo mid ka mid ah xubnaha sharci-dejinta uu ku dhacay xanuunka faaligga.
Mudaaharaad socda muddo afar bilood ah oo ay arday hoggaaminayeen, ayaa ka dhashay dhimashada 15 qof, markii uu ku dumay saqafka saldhig tareen, ayaa soo jiidatay macallimiinta, beeralayda iyo dad kale ayaa noqday khatartii ugu waynayd ee ilaa hadda soo wajahda madaxweyne Aleksandar Vucic tobanka sano ee xukunka hayay, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay dhaleeceeyeen musuqmaasuqa baahsan iyo wax-qabad la'aanta dawladda.
Fadhiga baarlamaanka ayaa markii xildhibaannada isbahaysiga talada haya ee uu hogaamiyo xisbiga SNS ay ansixiyeen ajande looga doodayay shirka, ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah waxey ka soo kaceen kuraastoodii, iyagoo dhanka guddoomiyaha baarlamaanka u dhaqaaqay markaas oo ay isku dhaceen ilaalo halkaa ku sugneed.
Qaar kale waxay tuureen bambooyinka sunta dadka ka ilmaysiiya waxayna isticmaaleen buufinta basbaaska. Muuqaal si toos ah looga sii deynayay Telefishin ayaa muujiyay qiiq madow oo ka dhex baxaya gudaha xaruunta baarlamaanka, waxaan aarrintaani ay dhacaysaa kadib 1990-kii markii la hirgeliyay dimuqraadiyadda xisbiyada badan.
Vucic ayaa markii dambe sheegay in lala xisaabtami doono mas'uuliyiinta ku lugta leh musuqmaasuqa, ".
Sida uu qabo sharciga Serbia, ku xigeennada baarlamaanka waxay leeyihiin xasaanadda laakiin way lumin karaan haddii ay galaan dambiyo waaweyn.
Afhayeenka baarlamaanka Ana Brnabic ayaa sheegtay in saddex xildhibaan ay ku dhaawacmeen rabshadda dhacday hal qof oo kale oo lagu magacaabo Jasmina Obradovic kana tirsan xisbiga SNS uu ka soo booday xanuunka faaligga oo la dhigay isbitaal.
Zlatibor Loncar, Wasiirka Caafimaadka ayaa markii dambe sheegay in Obradovic uu ku jiro xaalad halis ah.
Intii uu kalfadhigu socday, siyaasiyiinta isbahaysiga talada haya ayaa dood yeeshay halka xildhibaanada mucaaradka ahna ay foori iyo buuq kale ku mashquulsanaayeen.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xubnaha mucaaradka ayaa sidoo kale watey boorar ay ku qoran yihiin " shaqo joojin guud" iyo "cadaalad kuwii la dilay", iyaga oo tixraacaya kuwii dhintay markii saqafka sare ee saldhigga uu ku soo dumay magaalada Novi Sad bishii November ee la soo dhaafay.
Bannaanka baarlamaanka boqollaal mudaharaadayaal ah oo isugu soo baxay ayaa muujiyay aamusanaan si ay u sharfaan dadkii la dilay. Hoggaamiyayaasha mudaaharaadyada ayaa ku baaqay isu soo bax weyn oo ka dhici doona caasimadda Belgrade 15-ka bishan Maarso.
Isbahaysiga talada haya ayaa sheegay in hay'adaha sirdoonka reer galbeedka ay isku dayayaan inay khalkhal galiyaan Serbia ayna xukunka ka tuuraan dowladda iyagoo taageeraya dibadbaxyada.
"Waxaan haynaa soo jeedin... in la helo dowlad ku meel gaar ah," Radomir Lazovic oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Green-Left Front ayaa u sheegay taageerayaashiisa oo ku sugnaa baarlamaanka hortiisa.
Mucaaradka ayaa sheegay in loo baahanyahay dowlad ku meel gaar ah oo xaqiijisa shuruudo doorasho oo xor iyo xalaal ah, laakiin Vucic iyo xulafadiisa ayaa ilaa hadda diiday dalabkaas.
"Tani waxay ahayd isku day fashilmay oo ay sameeyeen isbahaysiga talada haya " sidaasi waxaa yiri Radivoje Grujic, oo ah lataliye fadhigiisu yahay Warsaw.
Baarlamaanka ayaa lagu waday inuu meel mariyo sharci kordhinaya dhaqaalaha jaamacadaha - mid ka mid ah dalabaadka ugu weyn ee ardayda gadoodsan.
Laakin qodobbo kale oo ka mid ah ajandayaasha ay soo saareen isbaheysiga talada haya oo uu ku jiro mid ku saabsan in la xuso iscasilaadii Ra'iisul Wasaare Milos Vucevic ayaa ka careysiisay mucaaradka.













