Reer Iiraan oo is weydiinaya maqnaanshaha hoggaamiyahooda Khamenei

    • Author, Monitoring section
    • Role, BBC

Iyada oo dowladda Iiraan ay gashay mid kamid ah kuwa ugu daran uguna khatarsan iska hor imaadyada milatari ee ay la gashay Israa'iil, Ayatollah Cali Khamenei, hoggaamiyaha Jamhuuriyada Islaamiga aah, kama uusan soo hor muuqan dadweynaha muddo ka badan toddobaad, isaga oo ka qarsoomay dadweynaha iyo xataa maamulayaasha. Maqnaanshahan, waxaa uu kordhiyay xanta gudaha iyo dibadda Iiraan ee la xiriirta booskiisa ah qofka ugu sarreeya dalka ahna taliyaha ugu sarreeya ciidamada hubaysan.

Sii daynta fariinta muuqaalkiisii ugu horreeyay ee ka dib xabbad joojinta ay la galeen Israa'iil, maalmo uun ka dib oo aamusnaan dhamaystiran ah ayaa ahayd in shakigan lagaga gudbo, laakiin kuma guul daraysan oo kali ah inay dhammaan ka jawaabto su'aalaha, laakii waxaa ay dhalisay soo bixitaanka kuwa cusub.

Amusnaanta xilli ay jirtay dagaallo rogaal celin ah iyo xabbad joojinno

Calaamadihii ugu horreeyay ee xaaladda aan caadiga ahayn ee Ayatollah Khamenei ayaa bilaabatay Juun 18, maalintii uu soo saaray digniinaha adag ee uu ugu diray Maraykanka farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray goob qarsoon uuna ku diiday baaqa Donald Trump ee isdhiibitaanka aan shuruud ku xirnayn ee Iiraan.

Waxaa farriinta la socday hal sawir oo ka duwan qaabkii hore ee lagu yiqiin xafiiska hogaamiyaha sare, oo sii daaya sawiradiisa oo kala duwan. Dhinaca kale farriinta codka waxa uu leeyahay soo noqnoqosho, taasi oo dhalinaysa kutirikuteenta ah in lagu duubay goob aan horay looga baran, sida xero.

Ka dib farriintan, horumarrada adag ee aadka u sareeya, sida duqaynta Maraykanka ee xarumaha Nukliyeerka Iiraan iyo jawaabta gantaalada Iiraan ee weeraritaanka xarunta ciidamada Maraykanka ee Al-Udeid ee Qadar iyo ku dhawaaqitaanka xabbad joojinta ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ma jirin falcelin ama boos uu taagan yahay oo laga soo daabacay hogaamiyaha jamhuuriyada Islaamiga.

Xataa bayaanka rasmiga ah ee golaha ammaanka qaranka ee hoggaamiyaha ugu sarreeya ee la xiriirta xabbad joojinta ma jirin xusitaanka door ama aragti uu leeyahay hogaamiyaha. Tanina waa sababta xaqiiqda qodobka 110 aad ee dastuurka jamhuuriyada Islaamiga ah uu dhigayo, go'aanada la xiriira dagaalka iyo taliska guud ee awaamirta ciidamada ay ugu jiraan gacanta hogaamiyaha jamhuuriyada Islaamiga.

Bishii Juun 26, asbuuc aamusnaan dhamaystiran ah, Ayatollah Khamenei ayaa mar kale ka soo muuqday farriin muuqaal ah. Markan, sawirkiisa waxa uu ka muuqanayaa hal dhinac. Mawduuca farriinta ayaa ahaa ''guul laga gaaray Israa'iil'' halka uu ka fogaaday adeegsiga ereyada sida ''xabbad joojin'' ama ''heshiis'' uuna taa baddelkeeda adeegsaday sheekada guusha.

Xaaladaha warbaahin, ammaan iyo siyaasadeed

Maqnaasha war cad oo rasmi ah, falanqeyn, tabinta warbaahinta iyo adeegsadayaasha warbaahinta bulshada ayaa xaaladdo kala duwan kasii muujinaya sababaha maqnaanshaha Ayatollah Khamenei. Mid kamid ah kutirikuteenta ugu caansan ayaa lagu daabacay New York Times, taasi oo lagu xusay illo aan la magaacibin oo Iiraaniyiin ah in Khamenei uu isku qariyay xero uuna jaray dhammaan xiriiradii elektorooniga ahaa si uu uga fogaado in lasoo dabagalo. Ilaha ayaa sidoo kale sheegay inuu la xiriirayay kuwa isaga ku hareereysan kali ah isaga oo u maraya qof u dhaxeeya oo uu ku kalsoon yahay.

Juun 24, Mehdi Fazaeli, xabin sare oo xafiiska hogaamiyaha ruuxiga ayaa si dadban u xaqiijiyay warbixinadan oo uu ka sheegay Wareysi Taleefishin, isaga oo sheegay Ayatollah Khamenei uu ku sugan yahay ''goob ammaan ah'' isaga oo aan bixin faahfaahino dheeri ah. Inkasta oo ay jiraan bayaanadan, saraakiil badan oo dowlada ah ayaa sii wada diidmada inay bixiyaan wax warbixin oo la xiriirta caafimaadka hogaamiyaha, halka uu joogo iyo sida go'aanada loogala xiriiro kuwa kale.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa u arkay aamusnaantan ay tahay sida farsamo siyaasadeed. Waxa ay aaminsan yihiin in Khamenei uu si kas ah ugu maqnaa maalmihii colaaada si uusan si toos ah ugu lug yeelan go'aan qaadashooyinka sida xabbad joojin, iyada oo heshiis ay u arki karaan dib-u-gurasho qaar ka mid ah xisbiyada gudaha, gaar ahaan kuwa meesha ugu adag ka taagan.

Sida laga soo xigtay falanqeeyayaashaasi, hogaamiyaha jamhuuriyada Islaamiga ayaa leh taariikh aamusnaan ah xilliga adag, waxaana wakhtigii hore uu danayn jiray inuu matalo dowrkiisa hay'addaha dowlada, sida golaha ammaanka qaranka ugu sareeya, si uu labadaba uga fogaado aqbalitaanka masuuliyada dhacdada guul darada uguna taagnaado siyaasadiisa rogromitaanka.

Falcelinta adeegsadayaasha warbaahinta bulshada ee maqnaanshaha hogaamiyaha jamhuuriyada Islaamiga ayaa waxaa ka mid ah falanqeyno siyaasadeed iyo maadaysi kala duwan. Qaar ayaa ku eedeeyay inuu ''is-qaraniyo'' xilliga colaada, halka qaar kalana ay keeneen suurtagalnimada geeridiisa ama ay dhinac u riixeen golaha ammaanka qaranka Iiraan ee IRGC.

Dhanka kale, waxaa jira aragtiyo la xiriira tixgalinta aamusnaantiisa iyo wajiga soo laabashadiisa ay qayb ka tahay xaalad loo qorsheeyay guul.

Warbaahinta Israa'iil iyo muuqaalka dhammaadka waqti

Isla waqtiga la sii daayay farriinta Ayatollah Khamenei ee Juun 26, warbaahinta gudaha Israa'iil ayaa diirada saaraysay maqnaanshihiisa. Mareegta Vala ayaa tabisay maqnaanshaha ''ay la yaab ku noqotay oo ay welwelisay qof walba ee siyaasad ahaan ku hareereysan ilaa iyo dadweynaha guud.''

Warbaahintaasi ayaa intaasi ku dartay is-qarinta Khamenei iyo inuu ka fogaanayo inuu la xiriiro kuwa kale ay keentay su'aalo badan oo ku saabsan doorkiisa dhabta ah ee go'aan qaashooyinkii u dambeeyay iyo xataa caafimaadkiisa iyo sii joogitaankiisa awoodda.

Warbaahin kale oo Israa'iil laga leeyahay oo ay ku jirto Ynet iyo kanaalka 12 ayaa tabiyay iyaga oo soo xiganaya faalada Newyork Times, in Xamza Safayi, wiilka Yahya Raxiim Safayi, oo ah taliyihii hore ee ilaalada kacaanka iyo la taliye sare oo dhanka milatariga Cali Khamenei, uu sheegay saraakiisha ammaanka Iiraan ay rumaysan yihiin Israa'iil ay weli iskudayayso dilka Ayatollah Khamenei. Warbaahinta ayaa xustay kulamo u dhaxeeya hogaamiyayaasha mucaaradka ee dibad-jooga ah intii uu dagaalka socday, kuwaasi oo lagu sheegay inay uga tashanayaan mustaqbalka Iiraan, ka dib xukunka Ayatollah.

Kanaalka14 ee garabka midig ee Israa'iil oo lagu yaqaan taageerada ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, ayaa cinwaan mareegteeda ay ku daabacday su'aal uga dhigtay ''Hogaamiyaha miyuu baxsaday?'' war tabiyaha shabakada, Tal Meir, ayaa su'aal ka keenay haddii Khamenei uu qorshaynayo inuu u baxsado ruushka.

Falanqeeye kale oo isla shabakada ayaa sheegay ''Kuwa ku hareeraysan [Khamenei] ay doonayaan soo jeedinta in xaaladiisa maskaxeed ay aad u daran tahay ayna ka saareen nidaamka go'aan qaadashada… Diirada ayaa hadda ay saaran tahay qofka ay suurtagal tahay inuu beddelo, maxaa yeelay waa dhalinyaro iyo kuwo aad xagjir u ah, waxa ayna qaadayaan wado ka duwan.

Maqnaanshaha Khamenei ee xilligii colaada meesha ugu sareysay maraysay; waa fariin muujin karta shaki la xiriira xaalada hogaamiyaha jamhuuriyada Islaamiga.