Sheekada dameerka iyo maroodiga dalkan weyn xukumayey sanooyinka badan

Xuddunta siyaasadda Maraykanka ayaa lagu arkaa inay ku hardamaan maroodiga xisbiga Jamhuuriga iyo dameerka xisbiga dimoqaraadiga, kuwaasoo astaamahooda ay xisbiyada ay u taagan yihiin la arko.

Astaamuhu ma aha hal haysyo, balse waxay sidaan taariikh fog iyo sheekooyin wajiyo iyo micneyaal badan. Tan iy markii xisbiga dimoqaraadigu qaatay astaanta dameerka qarnigii 19aad, jamhuurigana qaatay calaamadda maroodiga dabayaaqadii isla qarnigaas, xayawaannadaas waxay noqdeen muraayad laga dheehan karo qiyamka, siyaasadaha iyo hadafyada xisbi kasta uu doonayo inuu gaaro.

In la garto astaamahaas ayaa muhiim u ah in si qoto dheer loo fahmo siyaasadaha Ameerika.

Labada astaan (Dameerka iyo maroodiga) ma aha astaamo u taagan xisbiyada oo kaliya, waxayse ka hadlayaan falsafado siyaasadeed oo gaar ah iyo mowqifyo aydiyolojiyadeed.

Waxay u taagan yihiin hadafyada murashaxiinta xisbiyadaas ka tirsan tan iyo 1853.

Warbixintan waxay dib u raadraacaysaa xididdada astaamahaas, waxayna iftiiminaysaa sidii ay ku billowdeen ayna tartiib ugu xuubsiibteen, ayadoo muujinaysa sida labada xisbi ay ugu isticmaalaan ololeyaasha doorashooyinka ay sannadahan galaan, si ay ugula xiriiraan cod bixiyeyaasha, ayna saamayn ugu yeeshaan ra’yul caamka.

Wareeg kasta oo doorasho dameerka iyo maroodiga waxay ka soo muuqdaan sawir-gacmeedyada, agabka ololaha iyo internetka.

Taariikhda labada astaan

Dameer – xisbiga Dimoqaraadiga

Dameerka waxaa la bilaabay in loo adeegsado astaanta xisbiga dimoqaraadiga horraantii qarnigii 19aad, gaar ahaan xilligii ololaha madaxweynenimada ee Andrew Jackson 1828.

Xilligaas qolyihii ka horjeeday Jackson waxay ugu yeereen magac aflagaaddo ah ayagoo ku xumaynaya.

Halkii uu iska indho tiri lahaa weerarkaas, Jackson wuxuu astaan ahaan u qaatay muuqaalka dameerka, ayadoo uu uga gol lahaa shaqo adayg. Dameerka wuxuu markii dambe noqday astaan u taagan sawir-gacmeedyada siyaasadeed ee dimoqaraadiga.

Maroodi – xisbiga Jamhuuriga

Xilligii la bilaabay in maroodiga loo isticmaalo astaanta xisbiga jamhuuriga ayaa ahayd dabayaaqadii qarnigii 19aad. Sawir-gacmeed lagu daabacay wargays la oran jiray Harper’s weekly 874 ayaa Thomas Nast wuxuu u isticmaalay maroodiga astaanta xisbiga jamhuuriga, taasoo muujinaysa awood iyo ad-adayg.

Mraoodiga waxaa loo arkaa astaan awood iyo deganaanshaba xambaarsan, waxayna la jaanqaadaysaa qiyamka xisbiga jamhuuriga uu dhiirrigaliyo. Wixii markaa ka dambeeyey xubnaha xisbigu waxay qaateen astaantaas.

Sidaa ayey dameerka iyo maroodigu qayb muhiim ah uga noqdeen haybta siyaasadeed ee labada xisbi.

Saamaynta astaamaha

Saamaynta dameerka – xisbiga dimoqaraadiga

Siyaasadda xilligan casriga ah, astaanta dameerka waxay kaalin muhiim ah ka cayaaraysaa sidii loo adkayn lahaa haybta xisbiga. Dameerku wuxuu astaan u yahay qiyamka xisbiga sida hawl adag, xuquuqda ijtimaaciga, iyo ka go’naanshaha cadaaladda dhaqaalaha ku salaysan.

Xisbiga dimoqaraadiga wuxuu si joogto ah ugu isticmaalaa calaamaddaas ololayaashiisa, calaamadaha boorarka, iyo xayeysiinnada dhijitaalka.

Isticmaalkaas wuxuu xoojinayaa aqoonsiga xagga astaanta ee isku haysa xisbiga iyo dadka codkooda siiya.

Dameerku wuxuu sidoo kale xoojinayaa aqoonsiga xisbiga, ayadoo si joogto ah loogu isticmaalo kulammada siyaasadeed iyo bulsho.

Saamaynta Maroodiga – xisbiga jamhuuriga

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga, maroodigu wuxuu uga dhigan yahay astaan xambaarsan awood, deganaansho iyo hogaamin.

Astaanta Maroodigu waxay sii xoojisaa sumcadda xisbiga oo loo arko inuu yahay muxaafid diiradda saara qiyamka xagga dhaqanka iyo adkaysiga dhaqaalaha.

Xisbiga jamhuuriga wuxuu si muuqata ugu isticmaalaa astaanta maroodiga ololayaashiisa, waxayna astaantu ka soo muuqataa baraha bulshada iyo agabka ololaha.

Wuxuu kaloo ka tujumaa maroodigu aragtida xisbiga ee awoodda iyo adkaysiga, kuwaasoo soo jiita cod bixiyeyaasha aadka u qiimeeya deganaanshaha iyo hogaaminta. Waxay sii xoojinaysaa sida ay cod bixiyeyaashu ugu xiran yihiin xisbiga ayagoo u arka inay ku kalsoonaan karaan marka laga hadlayo dhaqaalaha iyo gaashaandhigga.