Maxaad ka taqaan waqtiga ugu fiican ee qofku hawlgab ka noqon karo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa laga yaabaa in hab-dhaqanka dadka waayeelka ah, gaar ahaan bulshooyinka Carabta iyo Afrika, ay yihiin dad la ildaran daciifnimo oo ay ka fariistaan shaqada ka dib markii ay gaadheen marxaladda da'da.
Laakiin horumarka sayniska, daryeelka caafimaadka oo la hagaajiyo, iyo korodhka celceliska nolosha adduunka oo dhan waxay ka dhigan tahay in dad badan ay hadda shaqeeyaan sannado dheeraad ah.
Qaarkood waxay ku qasban yihiin inay shaqada sii wataan da'da hawlgabka ka dib, maadama ay u baahan yihiin lacag, halka qaar kalena ay dareemayaan in ay wali leeyihiin awooda ay kusii wadaan shaqada, xataa hadii madaxa uu ka ciiroobay.
Hadabba Miyay haboontahay in aan sii shaqeeyno kadib sanadka hawlgabka kadib? tani ma waxay noqotay lama huraan dhaqaale ahan shakhsiyaadka iyo dalalka? waa maxay caqabadaha hortaagan in dadka waayeelka ah ay shaqeeyn? ma jiraan faa'iidooyin caafimaad oo ay leedahay in qof da'da ah?
Marka loo eego warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay saamiga dadka wayeelka ah ee da'doodu ka weyn tahay 65 sano ayaa korortay, marka la barbar dhigo tirada dadka da'da yar.
Dadka da'da ah ee ka weyn 65 sano ee ku nool dunida ayaa lagu qiyaasa in ay yihiin 10 boqolkiiba wadarta guud bulshada dunida, waxaana la filayaa in boqolkiiba 16 ay gaaraan 2050, taas oo macnaheedu yahay in tirada shakhsiyaadka da'doodu tahay 65 sano ama ka weyn ay noqon doonaan laba jeer tirada carruurta ka yar da'da shanta sano.
Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, marka la gaaro 2030, mid ka mid ah lixdii qof ee adduunka ku nool wuxuu noqon doonaa da'da 60 sano jira ama ka weyn.
Ururka Shaqaalaha Adduunka ayaa rajaynaya in tirada dadka da'da ah ee dalalka soo koraya ay kor u kacdo boqolkiiba 350 dhammaadka qarniga, halka ay filayso in boqolkiiba 70 ay gaaraan waddamada horumaray kuwaas oo hore u lahaa tiro badan oo dad da' ah, marka loo eego wadamada soo koraya.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mar kasta oo dad badan ay hawlgab noqdaan waxaa hoose u dhac Kobaca wax soo saarka gudaha.
Mid ka mid ah tillaabooyinka looga gudbi karo tan ayaa ah "in dadku ay shaqeeyaan waqti dheer, iyo in dad badan oo da'da ah loo oggolaado inay ku sii jiraan ama dib u soo galaan suuqa shaqada," ayay tiri Dorothea Schmidt-Claue, Agaasimaha Waaxda Shaqada" Waa arrin aad muhiim u ah, ma aha oo kaliya sababtoo ah waxay yaraynaysaa saamiga dadka da'da ah ee aan shaqayn, laakiin waxay sidoo kale ka dhigan tahay in shaqaalaha da'da ah ay si firfircoon uga qayb qaadan doonaan dhimista heerka saboolnimada ee soo food saartay dadka waayeelka ah, taas oo keenta walaac sii kordhaya ee bulshooyinka la ildaran gabowga."
Celcelis ahaan, dadka da'doodu tahay 65 ama ka weyn waxay la kulmaan xaalado nololeed oo ka xun marka ay shaqada ka faritsaan sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
In kasta oo dadka gaar howlgabka ay qaarkood go’aaansadaan in shaqada ka fariistaan waxaa jira kuwa lagu qasbay in ay sii shaqeeyaan, gaar ahaan kuwa saboolka ah iyo kuwa ku nool dalalka soo koraya, sababtoo ah ma helaan wax hawlgab ah gabi ahaanba, ama lacagta hawlgabku kuma filna nolol ahaan.
Waa maxay Caqabadaha iyo eexda lagu hayo in dadka wayeelka ah ay shaqeeyn?

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Siyaasiyiinta ayaa inta badan ka sheekeeya muhiimada ay leedahay in dhalinyaro badan ay ku soo biiraan shaqada, balse waxa ay aad u yar in ay ka hadlaan sidii dadka da’da ah ay dib ugu soo laaban lahaayeen oo ay uga faa’ideysan lahaayeen suuqa shaqada .
Khubarada takhasuska leh ayaa aaminsan in sababta ugu weyn ee tani ay tahay in jirto fikrada ah in dadka da’da ah aysan lahayn wax soo saar badan oo dhanka shaqada ah, oo la mid ah tan dhalinyarada, waxay qaataan fasaxyo badan oo jirro ah, waxayna noqdaan kuwo aan awoodin wax ka qabashada teknoolajiyada cusub” ayay tiri Dorothea Schmidt balse cilmi baaris kala duwan oo la sameeyay ayaa caddeeyey inay tani khalad tahay.
Dadka qaar ayaa in dadka waayeelka ah ay ka fariistaan shaqada si ay fursado shaqo u helaan dhalinyarada.
"Muddo sanado ah, dadka qaar oo raga u badan waxay lahyeen in haweenka la keeno suuqa shaqada waxay la macno tahay ragga inay waayaan shaqooyinkooda, hadda waxaa jira si la mid ah taas in dadka qaar ay qabaan in hadii uu wayeelo shaqeeyo ay tahay in dhalinayarado ay shaqo waayi doonan ayay tir Schmidt-Claue.
Waxaa jira arrimo badan oo ay tahay in ay jiraan si ay u caawiyaan dadka da'da ah inay sii wataan shaqada ama bilaabaan shaqo cusub.
Arrimahan waxaa ka mid ah in dadka da'da hawlgabka ah loo diyaariyo goobta u sahlaysa si looga ka faa'iidaystaan Waayo-aragnimadooda.
"Qaar badan oo ka mid ah dadkan ma raadinayaan mushahar sare, laakiin xaalado shaqo oo wanaagsan oo daboolaya baahidooda iyo wax ay kusoo kordhiyaan buslshada” ayay hadalkeeda sii raacisay.
Ma jiraan faa'iidooyin caafimaad oo ay leedahay in dadka da'da ah ay shaqeeyaan?

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Maadaama dalal badan ay hirgeliyaan siyaasado ujeedadoodu tahay in lagu kordhiyo sannadaha shaqada ee dadka si ay ula tacaalaan gabowga dadweynaha, sida kor u qaadista da'da hawlgabka dawladda, waxaa sii kordhaya xiisaha iyo doodaha socda ee ku saabsan saamaynta ay ku yeelan karto shaqada sanadaha dambe caafimaadka jidhka iyo maskaxda.
Professor Karen Glazer, oo cilmiga Gerontology ka ah King's College London, ayaa sheegtay in cilmi baaristu ay guud ahaan muujisay in ka shaqeynta da'da weyn ay faa'iido u leedahay, gaar ahaan caafimaadka jirka.
Laakiin Professor Glazer wuxuu tilmaamayaa daraasado diiradda saarayay saamaynta dib-u-habaynta hawlgabka ee Boqortooyada UK, oo ay ku jirto si tartiib tartiib ah kor loogu qaado da'da hawlgabka walaac laga muujiyay .
Waxa uu intaa ku daray: “kordhinta tirada sanadaha shaqada ama ka shaqaynta heerka sare ee nolosha ay saamayn xun ku yeelan karto kooxaha qaar, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya xirfado hoose ama xirfado jidh ahaan ama maskax ahaan culays ku ah. ”
Sidoo kale Schmidt-Klaue, waxa ay carrabka ku adkeynaysaa muhiimada ay leedahay in dawladuhu raacaan siyaasadaha loogu talagalay in lagu taageero shaqaalaha da'da ah - tusaale ahaan iyada oo la waafajinayo xaaladaha shaqada iyo jawiga si loo caawiyo shaqaalaha da'da ah inay ku sii jiraan shaqada ama horumariyaan caafimaadkooda.
Goorma ayaa ugu haboon in qofku howlgab noqdo?

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Professor Glazer wuxuu aaminsan yahay inay adagtahay in laga jawaabo su'aashan sababtoo ah waxay ku xirantahay arrimo badan. “haddii uu qofku caafimaad qabo, waxa uu sii shaqayn karaa sannadaha dambe, inkasta oo ay jiraan doodo taagan oo ku saabsan in da’da weyn ee qofku ku shaqeeyo in uu faa’iido u leeyahay, haddana uma badna in dalalka ay ka mid yihiin Ingiriiska, tusaale ahaan. , waxay ka noqon doonaan go'aanadooda waxayna hoos u dhigi doonaan da'da hawlgabka."
In qofku muddo cimri dheer helo waxay la timaadaa fursado badan, maahan shakhsiyaadka oo keliya, laakiin sidoo kale waxay la yimaadaan bulshooyinkooda oo ka faa'iidaysta wax-qabadkooda.
Professor Glazer wuxuu leeyahay, "Waxaa jira caddaymo badan oo muujinaya in ka qaybqaadashada hawlaha bulshada, dhaqanka, iyo ruuxiga ah ay faa'iido u leedahay caafimaadka, maaha in la bixiyo shaqo mushahar ah, waxay noqon kartaa shaqo tabaruc ah si loogu adeego bulshada, ama caawinta daryeelka. Qaar ka mid ah xubnaha qoyska -













