Israa'iil oo duqeyn xooggan ku wadda Xisbullah iyadoo ay jiraan baaqyo xabbad-joojin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay militariga dalkaas inay sii wadaan "awoodda buuxda" oo ay kula dagaallamayaan kooxda hubeysan ee Xisbullah, inkastoo Mareykanka iyo xulafada kale ay ku baaqeen xabbad joojin.
Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 92 qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israa’iil maalintii Khamiista, iyadoo boqollaal kalena lagu dilay tan iyo markii duqaymaha ay sii kordhiyeen Isniintii.
Ururka Xisbullah ayaa xaqiijiyay geerida madaxii qeybta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones, kaas oo lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka fulisay koonfurta magaalada Beyruut, ninka la dilay ayaa lagu magacaabaa Mohammad Surur.
Tan iyo isniintii oo ay kordhayeen duqeymaha Israa’iil, waxaa soo badanaya cabsida laga qabo in dagaal dhulka ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah uu qarxo.
Kor u kacca colaadda ayaa keentay in dalal ay ku jiraan Ingiriiska, Mareykanka iyo midowga Yurub ay arbacadii soo jeediyaan xabbad joojin saddex toddobaad ah oo u dhaxaysa Israa'iil iyo Xisbullah.
Waxaa jirta rajo laga qabo in ay tani dhaqan gasho iyadoona Danny Danon, oo ah safiirka Israa’iil ee qaramada midoobay uu sheegay in dalkiisu ay "u furan tahay fikrado".
Balse shalay oo Khamiis ahayd ayay si buuxda u diideen siyaasiyiinta Israa'iil.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo gaaray magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in Israa’iil “aysan ka joogsan doonin” Lubnaan inta ay ka gaareyso hadafkeeda oo dhan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in hindisaha xabbad joojinta ay “isku dubbarideen” Israa’iil, inkasta oo raysal wasaare Netanyahu uu sheegay in dalkiisu ay sii wadi doonaan dagaalka.
Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Sir Keir Starmer, oo ka hadlayay shirka qaramada midoobay ee New York, ayaa ku baaqay "xabad joojin degdeg ah si loo helo fursado diblomaasiyadeed" si loo xalliyo khilaafka Lubnaan.
Ku dhawaad 70,000 oo Israa'iiliyiin ah ayaa ka barakacay waqooyiga dalkaas tan iyo markii ay colaadaha u dhexeeya Israa'iil iyo Xisbullah, ee ka dhashay dagaalka Gaza, uu billowday ku dhawaad sannad ka hor.
Dalka Lubnaan, ku dhawaad 90,000 oo qof ayaa ku barokacay tan iyo Isniintii, taas oo ku daraysa 110,000 oo hore uga cararay guryahoodii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Ilaa Khamiistii, milatariga Israel ayaa sheegay in ay duqeeyeen bartilmaameedyada Xisbullah ee koonfurta Lubnaan iyo dooxda Bekaa ee bariga dalka.
Waxa ay sidoo kale duqeysay kaabeyaasha dhaqaalaha ee xuduudda Lubnaan iyo Suuriya, taas oo ay ku sheegtay in ay ahayd in la gooyo saadka hubka ee kooxda.
Dhanka kale, Xisbullah ayaa sheegtay inay 50 gantaal ku garaacday deegaanka Kiryat Ata, halka 80 gantaal ay ku ridday dhinaca magaalada Safed, oo labaduba ku yaalla waqooyiga Israa'iil.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay ka hortageen gantaal laga soo ganay Yemen kadib markii la maqlay dhawaq iyo qaraxyo.
Taliyaha millatariga Israel Lt Gen Herzi Halevi ayaa Arbacadii sheegay in duqaymaha cirka ee Israa'iil ee Lubnaan ay u gogol xaarayaan in ciidamada militariga Israa’iil ay "galaan dhulka cadowga ".
Taliyaha Ciidanka Cirka Israel (IAF) Maj Gen Tomer Bar ayaa u sheegay ciidamada shalay oo Khamiist ahayd inay "diyaargaroobaan" si ay u taageeraan "howlgallada dhulka" ee Lubnaan.
Dhanka kale, Qatar ayaa ku biirtay baaqyada ku aaddan in xiisadda la dejiyo, iyadoo afhayeenka dowladda Majed al-Ansari uu sheegay inay soo gaareen "warbixin murugo leh taas oo ka timid Lubnaan oo ku saabsan in la bartilmaameedsado qoysas dhan, si la mid ah xasuuqii Gaza".
Ka dib kulan uu London kula yeeshay dhiggiisa Britain iyo Australia, Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in Israa'iil iyo Xisbullah ay wajahayaan khatarta "dagaal dhan walba ah" balse "la heli karo xal diblomaasiyadeed".
"Israa'iil waxay sheegtay in hadafkeedu yahay in muwaadiniinteeda ay dib ugu celiso guryahooda waqooyiga, waxaan aaminsanahay sida ugu dhaqsaha badan ee lagu xalin karo in ay tahay dublamaasiyadda," ayuu yiri Austin.
Fiidnimadii Khamiistii, wasaaradda difaaca Israa'iil (IMoD) ayaa sheegtay inay heshay $8.7bn (£6.5bn) oo xirmo gargaar ah taas oo uga timid Mareykanka, waana mid lagu taageerayay ololaha milatariga Istraa’iil ee hadda.
Bayaan ay soo saartay, IMoD waxay ku sheegtay in xirmada gaareysa $3.5bn ay tahay mid loogu talagalay “inay ugu diyaar garoobaan dagaalka”, halka $5.2bn ay tahay in lagu hormariyo nidaamyada difaaca hawada sida Iron Dome, David's Sling iyo nidaamka laser.













