You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wax ka ogow magaalada Maxamed Bin Salmaan uu ka dhisayo saxaraha Sacuudiga
Dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa shaaca ka qaaday mashruuca weyn ee Niyoom oo laga dhisayo saxaraha Sacuudi Carabiya.
Magaaladan oo qayb weyn ka qaadaneyso kobaca dhaqaalaha dalka Sacuudiga ee intiisa badan ku tiirsan waxsoo saarka Saliidda.
Dadka ugu horreeya oo magaaladaasi degi dono diiwaangelintooda waxay billaabmeysaa 2024-ka.
Mashruucan weyn ee dhismaha magaalada cusub oo ay ku kaceyso lacag ka badan $5 trilion oo doolar 2045-ka marka la gaaro waxay hoy u noqon doontaa dad ka badan 9 malyan oo qof.
Wariyeyaasha BBC-da Merlin Thomas iyo Gibek Finma ayaa warbixin ay mashruucaasi iyo waxa uu ka kooban yahay ugu kuur galayaan ka diyariyey.
Dhismaha magaaladan oo la billaabay 2017-kii ayaa ka mid ah mashaariicda waaweyn oo ay boqortooyada Sacuudiga hirgelineyso ilaa iyo 2030-ka.
Magaalada iyo waxa ay ka kooban tahay
Magaalada Niyoom waxaa laga dhisayaa 100 mile oo gudaha saxaraha Sacuudiga waxay yeeleaneysaa dhismayaal fara badan oo ganacsi iyo deegaanba isugu jira, iyada oo dhir aad u badanna lagu beerayo.
Gaadiid tareen oo casri ah ayey yeelaneysaa iyada oo magaaladaasi gaadiidka caadiga ah ay ka shaqeyneyn marka laga reebo gaadiidka daruuriga ah si ay magaaladu u noqoto mid nadiif ka ah wasaqowga hawada oo ay sababaan qiiqa ka baxa warshadaha iyo baabuurta..
Mashruuca magaaladan lagu dhisayo oo qayb ka ah himilooyinka boqortooyada ee 2030-ka, kaasoo Riyadh ay ku dooneyso dhaqaalaha ku tiirsan saliidda oo keli ah iney u hesho ilo kale oo dhaqaalaha dalka laf-dhabar u noqda.
Magaalada Niyoom oo ku fadhineyso dhul badkiisu ka badan yahay 26,500 oo km oo laba jibbaaran.
Magaalada gudaheedana waxay noqoneysaa mid socodka gaadiidka ka caaggan oo ay dadku lug iyo bushkuleeti ku dhex socon karaan.
Dhismayaasha magaalada oo qayb qayb iisu raacsan dhisma kasta wuxuu leeyahay goobo laga dukaameysto iyo dugsiyo waxbarasho.
Mashruucan Boqortooyada Sacuudiga ay waddo marka la dhammeystiro wuxuu noqon doonaa mashruuci ugu horreyey oo noociisa ah oo dunida laga hirgeliyo.
Mashruucan wajigiisa koobaad oo la dhammeystirayo 2025-ka waxay dadku u arkeen mid khiyaali ah xilligii la shaacinayey.
"Dhismaha magaalada inta uu socdo waa in fiiro gaar ah loo yeeshaa tamarta la isticmaalayo, cunnada 9 malyan oo qof oo magaaladaasi ku noolaan doonto ay isticmaalayaan halka laga keenayo, ma gudaha magaalada ayaa laga soo saarayaa mise dibadda ayaa laga keenayaa? arrimhaasi oo dhan jawaab ayey u baahan yihiin," ayuu yiri Dr Manal El-Shehabo oo ah khabir dhinaca tamarta oo ka tirsan jaamacadda Oxford.
Hase yeeshee, naqshadda magaaladan cusub ee la dhisayo waxaa lagu sheegay iney magaaladu noqon doonto magaaladii ugu horreeyey oo xagga cunnada isaga filnaato.
Waxayna yeelan doontaa goobo cagaaran oo looga talagalay waxsoo saarka beeraha ee ay magaaladaasi u baahan tahay.
Dhinacyada dhaliila mashruucan waxay sheegeen inuu barakicinayo bulshooyin badan oo degganaa halka mashruuca laga fulinayo oo ay ka mid yihiin qabaa'ilka Al-Xuweytaat.
Inkasta oo Riyadh ay sheegtay in qabaa'illada halkaasi deggan aan la dayacayn oo shaqa abuur loo sameynayo.
Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan oo ka qayb galay kulanka COP26 oo cimilada looga arrinsanayey wuxuu sheegay inuu dalkiisu qaadayo tallaabbooyin uu wax kaga qabanayo isbeddelka cimilada yahay mashruuca dhismaha magaalada NEOM.
Sacuudiga ayaa sida oo kale qorsheynaya 2030-ka marka la gaaro 50% tamarta uu u baahan yahay inuu ka soo saaro tamarta la cusbooneysiiyo sida Cadceedda iyo Dabeysha.