Shirkadda Meta oo ay dhici karto in Kenya maxkamad lagu saaro, dagaalka Itoobiya awgiis

taangi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Meta oo ah shirkadda iska leh Facebook, ayaa lagu eedeeyay inay kaalin ku lahayd khilaafkii ka bilowday Tigray oo ku faafay gobollada Amhara iyo Afar, waxaana laga dacweyn karaa maxkamadaha Kenya.

Mandy Mudawarikwa, oo ah madaxa dacwadaha istiraatiijiga ah ee hay'adda Amnesty Internationl ayaa sheegtay in Maxkamadda Sare ee Kenya ay awood sharci u leedahay qaaditaanka dacwad ka dhan ah Meta oo la xidhiiidha faafinta waxyaabaha dhiirigeliya isirtirka iyo dilka intii uu socday dagaalkii dhiigga badani ku daatay.

"Xukunka maanta waa tallaabo wanaagsan oo loo qaadayo in lala xisaabtamo shirkadaha waaweyn ee tignoolajiyada ee xadgudubyada xuquuqul insaanka. Waxay u gogol xaadhaysaa cadaaladda waxayna muujineysaa in la gaaray waqtigii aaladaha teknolojiyadda waaweyn lala xisaabtami lahaa," ayay tidhi Linda, oo ah agaasimaha fulinta ee Amnesty, qoraal ay soo saartay.

Facebook ayaa bishii December laba sano ka hor lagu dacweeyay lacag dhan 2 bilyan oo dollar, ka dib markii lagu eedeeyay inay boggeeda ku faafisay fariimo naceyb iyo colaad hurin ah, xilligii uu socday dagaalkii Tigray.

Kooxda qareenada ee Meta ayaa horey ugu dooday in shirkada aysan ka muuqan gudaha Kenya sababtoo ah waxay ka diiwaan gashan tahay Mareykanka.

Waxay sidoo kale kooxda shirkadda metalaysa ku doodeen in xadgudubyada xuquuqul insaanka ee lagu eedeeyay ay ka dhaceen Itoobiya, isla markaana aanay ahayn in lagu dhegeysto gudaha Kenya, balse maxkamadda sare ee Kenya ayaa sheegtay inay awood u leedahay inay dhegaysato oo ay tixgeliso dacwadda.

Dadka dacwadda ka gudbiyay Meta waxaa ka mid ah Abraham, oo kasoo jeeda Tigray, kaasoo aabihiis, Professor Maereg Amare, lagu dilay sabab la xiriirta qoraal uu Facebook soo dhigay.

Professor Maereg, oo ahaa macallin ka tirsanaa Jaamacadda Bahir Dar, waxaa la tooriyeeyay ka dib markii qoraalka uu kiciyay rabshad ka dhan ah isaga.

Inkastoo Abraham uu ku wargeliyay Facebook qoraaladaas in la qaado, haddana barta bulshada ee Facebook ayaa lagu eedeeyay inay diiday inay ka saarto, taasoo ah arrin muhiim ah oo kiiska ku saleysan yahay.

Dadkii weerarka geystay lama qaban, maadaama dadka deegaanka ay taxadar sameeyeen si aysan ugu dhexgelin arrinta loo geysanayay Professor Maereg.

Professor Maereg wuxuu geeriyooday toddobo saacadood kadib markii la weeraray, bishii Oktoobar 2021.

Facebook waxay ku jawaabtay warbixinta uu Abraham gudbiyay saddex toddobaad kadib markii uu gudbiyay, iyo siddeed maalmood kadib geerida aabihiis.

"Haddii Facebook ay joojiso hadallada nacaybka ah oo ay si wanaagsan u maamusho qoraallada lagu daabaco barteeda, aabbahay ma dhiman lahayn," ayu Abraham horey ugu sheegay BBC.

Abraham aabihii ayaa qoraal uu Facebook dhigay loo dilayFoxglove

Xigashada Sawirka, Foxglove

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marqaatiyadiisa uu siiyay maxkamadda, Abraham wuxuu sheegay in aaladda Facebook ay kor u qaaddo farriimo "nacayb hurinaya oo rabshad kicinaya." Wuxuu xusay in waxyaabaha noocaas ah ay kordhiyaan ka-qaybgalka isticmaalayaasha, sidaas awgeedna aan laga saarin.

Dacwad-qaadaha kale ee kiiska waxaa ka mid ah Mudane Fisseha Tekle, oo ah cilmi-baare ka tirsan Amnesty International. Ka-qaybgalka Mudane Fisseha wuxuu iftiiminayaa doorka weerarada internetka inta lagu jiray dagaalkii laba sano ahaa ee Itoobiya, gaar ahaan shaqooyinka xuquuqda aadanaha ee ka socday dalka.

Mudane Fisseha, oo u soo guuray Kenya, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baqay badqabka naftiisa sababo la xidhiidha waxyaabaha laga faafiyay Facebook.

Marka laga reebo labada dacwad-qaade ee Itoobiyaanka, waxaa sidoo kale jira Katiba, oo ah urur Kenyan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha, kaasoo dacwad ka gudbiyay Meta.

Dacwad-qaadayaasha waxay dalbanayaan magdhow dhan $2 bilyan sababo la xidhiidha dhibaatada ay ku muteen hadalada nacaybka ah ee lagu faafiyay Facebook. Waxay sidoo kale codsanayaan in isbeddelo lagu sameeyo nidaamka algorithm-ka ee Facebook si loo xalliyo dhibaatadan.

"Wadamo badan, bulshooyinka iyo shakhsiyaadka ay saameeyeen xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee shirkadahan waxay inta badan ku dhibtoonayaan helitaanka caddaaladda. Tanina waa qayb kamid ah sababtoo ah shirkadaha sida Meta waxay isticmaalaan shuruudaha adeeggooda si ay u xaddidaan gaadhista maxkamadaha, si wax ku ool ah ayayna dhibanayaal badan ugu dhowranaan meel ka baxsan maxkamadda," Mandi Mudarikwa ayaa ku nuuxnuuxsatay.

Mid ka mid ah tallaabooyinka hagaajin ee dacwad-qaadayaasha codsadeen waa $1.6 bilyan oo magdhow ah oo ku saabsan dhibaatada ay sababtay hadallada nacaybka iyo rabshad hurinta, iyo sidoo kale $410 milyan oo magdhow ciqaabeed ah oo ku saabsan dhibaatada ka dhalatay waxyaabaha ay Facebook maalgelisay.

Dacwadu waxay sidoo kale codsaneysaa in Facebook ay joojiso "faafinta qoraallada nacaybka hurinaya iyo kuwa khatarta ah" iyada oo loo marayo nidaamkeeda algorithm-ka, iyo in shaqaale dheeraad ah la shaqaaleeyo si ay ula socdaan oo u maamulaan waxyaabaha ku qoran luuqadaha gudaha ee dalka.

Meta ayaa hore u sheegtay in maxkamadaha Kenya aysan lahayn awood sharci oo ay ku maamulaan dacwada shirkadda, iyada oo lagu andacoonayo in heshiiska adeegga shirkadda uu dhigayo in kiisaska noocan oo kale ah kaliya lagu dhageysan karo maxkamadaha Mareykanka.

Linda waxay tiri, "Go'aankan wuxuu rajo siinayaa bulshooyinka adduunka oo dhan inay cadaalad heli karaan. Waa in diiradda laga saaraa suuqyada faa'iidada ku salaysan ee aan lahayn isla xisaabtanka, gaar ahaan meelaha ka baxsan Mareykanka iyo Yurub."

Waxay ku dartay, "Waa waqtigii barxadaha bulshada ay qaadan lahaayeen masuuliyadooda oo ay mudnaanta siin lahaayeen xuquuqda aadanaha halkii ay ka hormarin lahaayeen faa'iido."

Amnesty International ayaa hoosta ka xarriiqday doorka Meta ee dagaalkii dhiigga badnaa ee Itoobiya ee labada sano socday, iyada oo warbixin ku daabacday cinwaanka "Khaladaadka Meta waxay qayb ka ahaayeen xadgudubyada ka dhan ah bulshada Tigray intii lagu jiray colaadda waqooyiga Itoobiya" bishii Oktoobar 20, 2016.

Warbixinta waxay muujisay in algorithm-ka Facebook uu ka caawiyay faafinta hadallada nacaybka ah ee lagu bartilmaameedsanayo bulshada Tigray, iyo in shirkadda ay ku guuldareysatay inay si hufan u maamusho waxyaabaha noocaas ah ama ay bixiso jawaabo ku habboon.