You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sidee koob shaah-Soomaali ah oo aad cabto maalin kasta uu cimrigaaga u kordhin karaa
Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa daaha ka qaadday in cabbitaanka koob shaaha ah ama kafee ah maalin kasta ay kaa ilaalin karto da’da, sidoo kalena ay ka hortagi karto daciifnimada jirka iyo gabowga.
Sida uu daabacay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska, daraasaddan waxaa sameeyay koox ka socotay Jaamacadda Qaranka ee Singapore, waxaana ka qayb qaatay 12,000 oo qof, oo da’doodu u dhaxayso 45 ilaa 74 jir, kuwaas oo shaah cabayey muddo 20 sano ah.
Ka qaybgalayaasha Daraasadda ee da'doodu ay tahay celcelis ahaan 53, jir ayaa la waydiiyay sida cabitaanka shaaha iyo qaxwaha u caawiyay iyo awoodda ay ka helaan marka ay cabaan .
Sid0o kale dadka da’doodu gaadhay 73 jir ayaa waxa la waydiiyay su’aalo la xariira shaaha iyo kaalinta uu ka qaatay xoojinta jirka iyo awoodda .
Cilmi-barayaashu waxay sheegeen in ay jiraan dhawr arrimood oo muujinaya qofka la ildaran tabar-darrida jireed oo ah mid da’ ay keentay, miisaanka oo yaraada, daal, gaabiska socodka , iyo daciifnimada murqaha kuwaas oo dhaaman shaahu xoojin karo.
Cilmi baaristu waxay muujiyeen in 84 boqolkiiba ka qaybgalayaashu ay sheegeen in ay si joogto ah u cabbaan kafeega, halka 12 boqolkiiba ay sheegeen in ay cabbeen shaaha.
In ka badan saddex-meelood laba oo ah (68.5 boqolkiiba) waxay tilmaameen in ay cabaan maalinkii hal koob kafeega ah , halka 42.2 boqolkiiba ay cabaan laba ilaa saddex koob maalintii, ayada oo 4.9 boqolkiiba ay cabbaan 4 koob ama ka badan maalintii.
Natiijooyinka waxay muujiyeen in cabbitaanka kafeega ama shaaha ee da'da dhexe qofka ku jira ay waxtar u leedahay, waxaana daraasadda lagu sheegay in kafeega uu aad u wanaagsan yahay marka labadooda la is barbardhigo.
Daraasadan la daabacay ayaa xaqiijisay in cabbitaanka laba ilaa saddex koob oo kafee ah maalin kasta ay si weyn u dheerayn karto nolosha qofka .
Dadka ku nool daafaha caalamka ayaa cabayay shaaha iyo kafeega kumanaan qarni ka hor iyagoo u arka inuu wanaagsan yahay.
shaahu caafimaad daro ma leeyhaya
Daraasado badan ayaa muujiyay in shaaha uu kaalin mug leh ka qaato habka difaaca jirka, la dagaalanka caabuqyada sababa bararka, xanuunada kansarka iyo wadna xanuunka.
Khubarada cuntada ee dalka Maraykanka ayaa horay shaaca uga qaaday in Shaaha uu jirka u leeyahay faa’iido caafimaad oo ay ka mid tahay korriinka jirka.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Shaaha bigayska ee sida joogtada ah loo isticmaalaa uu jirka u leeyahay faa’iido aan la soo koobi karin, sababtoo ah waxa ku jira, Maadada loo yaqaan Flavonoids iyo Antioxidants oo ah maadooyin la dagaalama waxyaabaha gabowga jirka ku dhaliya isla markaana firfircooni galiya dhiiga iyo koriinka jirka oo wasakhda ka saara.
Iyadoo uu shaaha iyo kafeegu leeyihiin dhammaan faa’idooyinkaas ayaa haddana waxaa jira khataro caafimaad oo ka dhalan kara haddii uu qofka si xad dhaaf ah u isticmaalo.
Dhibaatooyinkaas ayaa waxaa ka mid ah haddii aad kafeega si xad dhaaf ah aad u cabto, taas ayaa laga yaabaa inay kuu horseeddo neerfahaaga oo aad u kaco iyo degenaansho la'aan, waxaana laga yaabaa inay carqaladeyso hurdadaada.
Ugu danbeeyna xeeldheerayaasha caafimaadka ayaa qaba in shaaha iyo kafeega ay muhiim yiiin, balse waxaa ay ku taliyeen in aan si xad dhaaf ah loo cabin, sokortana laga yareeyo, ama haddii loo bahdo aan lagu darin.