You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gabadhii caleenta shaaha ka taajirtay
Barnaamijka toddobaad laha ah ee BBC-da ee The Boss, ayaa taariikhdooda waxaa lagu soo bandhigaa hoggaamiyeyaal badan oo dhanka ganacsiga ah.
Lesley Wild, waa gabadh ganacsato ah oo madax ka ah sharikadda lagu magacaabo chair of Bettys & Taylors of Harrogate, oo caleenta shaaha soo saarta.
Caleenta shaaha ee lagu magacaabo, Yorkshire Tea, ayaa ka mid ah shaaha loogu jecel yahay dalka Ingiriiska, waxaana sannadkii 2018 la iibsaday in ka badan 5.5 bilyan oo calaantaas ah (teabags).
Haddaba, maxaa lagu jeclaaday shaaha Yorkshire? "sababtu waa dhadhankiisa wanaagsan" ayay tidhi Lesley Wild.
Shaaha Yorkshire ayaa la sheegay in uu yahay wax soo saarka ugu wanaagsan ee shirkaddaas, balse kafeega ayay sidoo kale soo saartaa.
Ganacsiga Shaaha Yorkshire ayaa markii ugu horraysay la bilaabay sannadkii 1970.
Mrs Wild ayaa shaqadan bilowday sannadkii 1960-kii ayadoo hal gelin ka shaqayn jirtay ganacsi uu lahaa qoyska saygeeda, waxayna si buuxda ugu biirtay sannadkii 1979.
Shaqadeedii ugu horraysay ayay ka bilowday maareeyaha dhoofinta shaaha.
"Waxay ahayd shaqo heer sare ah," ayay tidhi, "Waxaan ka dhaxlay xirfado wax ku ool ah."
"Maamaama aan jeclaa cunto karinta, waxaan horumar ka gaaray qaabab loo samayn karo cuntooyin gasacadaysan. Dabadeedna waxaan bilaabay in aan dibadda u dhoofiyo."
Sannadkii 1996 ayaa Jonathan Wild waxa uu noqday madaxa fulinta ee shirkadda Bettys & Taylors of Harrogate, tallaabadii ugu horraysay ee uu qaadayna waxay noqotay in uu hawlaha shaqada soo koobo maadaama waxyaabo badan oo kala duwan uu ganacsigoodu ka koobnaa.
Mr Wild wuxuu maamule ahaa tan iyo sannadkii 2011 markaas oo uu shaqada ka fariistay, shirkaddana waxaa ku yimid isbaddalo kale, markaas oo guddiga sare ee maamulku ay go'aamiyeen in qof gooni ah aanu kaligiis maamulka haynin.