Faa’iidada cajiibka ah ee geedka aysan Soomaalidu ka illaabin shaaha

Dhegayaraha waa dhir muhiim ah wuxuuna ka yimaadaa geedka saynis ahaan loo yaqaanno Syzygium aromaticum.

Waxaa inta badan laga helaa Jasiiradaha Maluku ee dalka Indonesia.

Hase yeeshee, geedka dhegayaraha ayaa haatan laga helaa dalal kale oo badan oo ay ka mid tahay Hindiya iyo qaar kale oo Afrika ku yaalla.

Dhegayaraha waxaa la isticmaali jiray tan iyo 1721 BC sida laga ogaaday weel dhoob ka sameysan oo xilligaas la isticmaali jiray kaasoo laga helay dalka Suuriya.

Waxyaabaha geedkan caanka uu ku yahay loona isticmaalo waxaa ka mid ah afka, iyadoo Shiineesku ay u isticmaalaan dhibaatooyinka afka sida urta neefta oo kale.

Geedka dhegayaraha iyo dalalka uu ka baxo

Geedka dhegayaraha waa geed cagaaran oo kor u baxa 8 ilaa 12 mitir wuxuuna leeyahay calleemo ballaaran.

Ubaxyada dhegayaraha ayaa marka hore ah jaalle biyo biyo ah kaddibna cagaar iyadoo marka lasoo gurayo ay yihiin guduud khafiif ah.

Maanta, dalka Indonesia, oo ah halka asal ahaan uu kasoo geedo geedka dhegayaraha, ayaa weli adduunka ku hoggaaminaya wax soo saarka dhegayaraha. Wuxuu dalkan soo saaraa qiyaastii 109,600 oo tan oo dhegayare ah.

Sidoo kale dhowr kale oo dalal Afrika ku yaalla ayaa soo saara dhegayaraha. Xaaladda cimilo ee dalalkan ayaana u saamaxda wax soo saarka dhegayaraha.

Dalka Madagascar ayaa ah kan labaad ee soo saara dhegayaraha. Waxaa soo raaca dalalka Tanzania, Comoros, iyi Kenya. Dalalka Hindiya, Pakistan, iyo Sri Lanka oo Koofur Aasiya ku yaalla ayaa sidoo kale hoggaanka u haya wax soo saarka dhegayaraha.

Isticmaalka dhegayaraha

Cunnooyinka dalalka Aasiya, Afrika, iyo Bariga Dhexe ayaa lagu daraa geedkan. Sidoo kale dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, inta badan lagama illaawo shaaha.

Sidoo kale marka cunnada laga soo tago, dhegayaraha waxaa loo isticmaalaa siyaabo kale. Tusaale ahaan dalka Indonesia, waxaa laga sameeyaa kretek, oo ah nooc sigaarka ka mid ah.

Sidoo kale kiimikada ku jirta dhegayaraha ayaa loo isticmaalaa in lagula dagaallamo cayayaanka.

Dalalka Shiinaha iyo Indonesia ayaa u isticmaala geedkan daawo ahaan. Waxaa la sheegaa inuu wax ka taro ilko xanuunka iyo calool xanuunka.

Faa’iidooyinka cajiibka ah ee dhegayaraha

1. Wuxuu ka hortagaa caabuqa

Dhegayaraha waxaa ku jira nafaqooyin lagu magacaabo eugenol iyo isoeugenol, baaritaannada qaar ayaana muujinaya inay yihiin kuwo awood badan oo ka hortaga caabuqa faa’iidona u yeelan kara ka hortagga xanuunnada ragaadka ah.

2. Wuxuu ka hortagaa bakteeriyaha

Dhegayaraha waxaa ku jira walxo awood u leh ka hortagga dhowr nooc oo bakteeriyo ah iyo kuwo ka hortaga fangaska.

3. Waa xanuun-baabi’iye dabiici ah

Dhegayaraha waxaa in muddo ah loo isticmaali jiray xanuun-baabi’iye ahaan, ilaa qarnigii 13-aad, waxaan alagu daweyn jiray xaaladaha sida ilko-xanuunka. Sababtu waa maaddada eugenol oo ah kabaabiso dabiici ah. Waxaad soo iibsan kartaa saliidda dhegayaraha amaba dawada ilkaha ee dhegayaraha ka sameysan si aad u hesho faa’iidadiisa kabaabisada.

4. Waxaa laga yaabaa inuu kansarka ka hortago

Waxaa jira dhowr daraasadood oo baaritaan ku sameeyay maaddada eugenol iyo sida ay kansarka uga hortagto kuwaasoo soo jeediyay in laga yaabo inay faa’iido u leeyihiin ka hortagga labada nooc ee kansarka ku dhaca makaanka iyo dhuunta. Digniin: daraasadahan, waxaa loo isticmaalay xaddi aad u badan oo dhegayare ah, waxaana laga yaabaa inay sun noqon karto haddii xaddigaas sare la isticmaalo.

5. Wuxuu difaac u noqon karaa beerka

Xaaladaha sida beer-subagga ayaa laga yaabaa inuu dhegayaraha u roon yahay, sida lagu sheegay daraasad soo jeedineysa in xaaladaha beerka uu waxtar u yeelan karo.

6. Waxaa laga yaabaa inuu dheellitiro sokorta dhiigga

Maaddo kale oo laga helo dhegayaraha, waxaa lagu magacaabaa nigricin, waxaana lagu tijaabiyay xayawaanka iyadoo la ogaaday inay faa’iido u leedahay sokrota dhiigga. Waxaa loo baahan yahay baaritaan dheeraad ah, balse waxaa laga yaabaa in dhegayaraha ay ka faa’iidaan dadka sokorta qaba.

Malaga yaabaa inaad xasaasiyad ku qabto dhegayaraha?

Haa, qofku xasaasiyad wuu ku qabi karaa dhegayaraha, amaba saliiddiisa, inkastoo ay tani dhif iyo naadir tahay.

Haddii aad aragto falcelin ka dhalatay isticmaalkaaga dhegayaraha, sida afka ama carrabka oo ku hura, amaba qufac, u tag dhaqtar amaba talo caafimaad raadso.