Xisbullah oo sheegtay inay beegsatay saldhigyo dhowr ah oo ay leeyihiin Israa’iil

Xigashada Sawirka, Reuters
Xisbullah ayaa ku dhawaaqday in ay bartilmaameedsatay "Saldhigga cirka ee Palmachim" oo ka kooban xarun cilmi baaris militari iyo raadaar loogu talagalay nidaamka Hatez, kaas oo ku yaalla koonfurta Tel Aviv," waxa ayna sheegeen inay ku weerareen "raxan diyaaradaha aan duuliyaha."
War qoraal ah oo oo ay soo saareen ayay ku sheegeen inay bartilmaameedsadeen "saldhigga warshadaha milatariga ee Zovulon ee waqooyiga magaalada Haifa kaas oo leh xarumo muhiim ah oo u gaarka ah gantaalada ,"
Sidoo kale waxa ay sheegeen in subaxnimadii maanta ay bartilmaameedsadeen saldhigga Glilot ee qaybta sirdoonka milatariga ee 8200 duleedka Tel Aviv.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay ka hortageen weerarro lagu soo qaaday deegaannada Israa’iil, sidoo kalena ay weerarro ku qaadeen xarumo Xisbullah.
Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay qabteen saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo dul heehaabayay badda cas, kuwaas oo isku dayay in ay ku soo dhawaadaan Israa’iil.
Koox Iska caabin Islaami ah oo ka dhisan Ciraaq ayaa ku dhawaaqday beegsiga "afar bartilmaameed oo muhiim ah" kuna yaalla Eilat, iyada oo howlgalladaas loo adeegsaday tiro diyaarado ah."
19 qof ayaa ku dhaawacmay Tira

Xigashada Sawirka, Reuters
Waaberigii maanta, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ugu yaraan 19 qof ay ku dhaawacmeen habeenimadii Jimcaha, ee Sabtida soo galeysay, magaalada Tira ee bartamaha Israa’iil, ka dib markii uu gantaal ku soo dhacay dhismo.
Sida lagu sheegay warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil oo lagu daabacay barta “X”, sidoo kalena ay la socdeen sawirrada dhismaha la beegsaday, waxay tidhi, “Tani waa natiijada weerar toos ah oo gantaal ay Xisbullah ku ridday magaalada Al-Tira ee Israa'iil, taas oo keentay in 19 qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen."
Booliska Israa’iil ayaa sheegay in ay jiraan tiro dhaawacyo ah oo ka dhashay bartilmaameedka, kuwaas oo afar ka mid ah ay "dhaawac dhexdhexaad ah ay soo gaareen inta kalena ay dhaawacyo fudud qabaan."
Ciidanka Israa’iil ayaa barta Telegram ku sheegay in ay ogaadeen halka laga soo tuuray gantaalada laga soo tuuray Lubnaan kuna sii jeeday bartamaha Israa’iil, iyaga oo ku macneeyay in ay qabteen tiro ka mid ah.
Khamiistii, gantaal ka yimid Lubnaan ayaa dilay toddobo qof, oo ay ku jiraan afar ku sugnayd Thais kuwaas oo ka shaqeynayay waaxda beeraha ee magaalada Metula, ee waqooyiga Israel, sida ay ku dhawaaqeen maamulka Israel.
Ugu yaraan 52 qof ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday Lubnaan

Xigashada Sawirka, EPA
Dhanka Lubnaan, ugu yaraan 52 qof ayaa lagu dilay Jimcihii, mana jirin wax digniin ah oo laga soo saaray kahor weerarka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.
Wakaalada wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duleedka koonfureed ee Beirut lagu bartilmaameedsaday ugu yaraan toban weerar oo ay Israa'iil qaaday subaxnimadii jimcaha, ka dib digniino ku saabsan in laga guuro dhismayaasha aagga.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Mikati ayaa laga soo xigtay isagoo leh, “Israa’iil ayaa mar kale balaarisay baaxadda gardarada ay ku hayaan gobollada Lubnaan, waxa ay mar kale beegsadeen duleedka koonfureed ee Beirut weeraro burbur ah,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Mikati ee Lubnaan.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay weerarro ku qaadeen bartilmaameedyada Xisbullah ee gobollada Beirut iyo Nabatieh ee koonfurta iyo magaalada xeebta ah ee Tire.










