Elon Musk oo ku dhawaaqay qorshe cusub ka dib khilaafka isaga iyo Turmp

Xigashada Sawirka, EPA
Elon Musk ayaa sheegay inuu bilaabayo xisbi siyaasadeed oo cusub, toddobaadyo kaddib markii ay si xun isugu dhaceen Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Maalqabeenkan ayaa bartiisa bulshada ee X, ee horrey loo oran jiray Twiter, kaga dhawaaqay inuu aasaasay xisbi uugu yeeray (America Party) isagoo tilmaamay inuu caqabada ama tartan adag ku noqonayo nidaamka labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama caddayn in xisbiga si rasmi ah looga diiwaangeliyay hay'adaha doorashada Maraykanka, sidoo kalena Musk ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan cidda hogaamin doonta ama qaabka uu xisbigu yeelan doono.
Wuxuu markiisii kowaad soo jeediyey filashada furitaanka xisbigan intii lagu jiray khilaafkii isaga Trump, taas keentay inuu ka tago doorkiisii maamulka una galay dagaal afka ah oo xun oo uu la galay saaxiibkiisii hore.
Intii uu socday murankaas, Musk wuxuu sameeyay codbixin uu ku daabacay bartiisa X , isagoo dadka weydiiyay haddii ay doonayaan in Maraykanka laga dhiso xisbi siyaasadeed oo cusub.
Markuu mar kale xusay codbixintaas Sabtidii, Musk wuxuuna soo qoray,
"Marka la eego natiijada codbixinta – 2dii qofba hal qof ayaa taageersan xisbiga cusub, sidaas darteed waad heli doontaan!"
"Marka ay timaado in dalkeenna lagu musalafiyo wasakh iyo laaluush, waxaan ku nool nahay nidaam hal xisbi ah, maha dimuqraadiyad"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Maanta, Xisbiga Amerika waa la qaabeeyey si uu dib idinkusoo celiyo xoriyadiina" ayuu intaas raaciyey Musk.
Laga bilaabo Sabtidii, guddiga doorashada heer federaal ma daabicin dukumentiyo muujinaya in xisbiga si rasmi ah loo diiwaan geliyay.
Musk wuxuu ahaa taageere muhiim ah u ahaa ololihii Trump doorashadii 2024, wuxuuna ku bixiyay 250 milyan, si uu Trump dib ugu soo laabto xafiiska.
Doorashada kadib, waxaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo waxa loogu yeero "Waaxda (Doge), taasoo loo xil saaray in ay raadiso goyn weyn oo lagu sameeyo miisaaniyadda dowladda dhexe.
Is-qabqabsigii Musk iyo Trump wuxuu bilaabmay markii uu Musk ka tegay maamulka bishii May, kadibna si dadban u cambaareeyay qorshayaasha Trump ee canshuuraha iyo kharashka dawladda. Xeerkaasi – oo Trump uu ugu yeeray "sharcigayga weyn ee quruxda badan" – waxaa si dirqi ah u ansixiyay Kongareeska waxaana toddobaadkan saxiixay madaxweynaha.
Sharcigaasi ballaaran wuxuu ka kooban yahay ballanqaadyo kharash weyn ah iyo dhimista canshuuraha, waxaana lagu qiyaasayaa inuu kordhin doono kharashyada Maraykanka in ka badan 3 tirilyan tobanka sano ee soo socda.
Musk ayaa hadaladan soo qoray mar sii horreysay isago yiri:"Ceeb baa u sugnaatay kuwii u codeeyay," ayaa Musk uu ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa X isaga oo ka hadlaya nidaamka ajandaha madaxweynaha marka labaad soo laabtay ee Trump.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiisada u dhaxeysa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo bilyaneerka teknolojiyadda ee Elon Musk ayaa gaartay heerkii ugu xumaa, waxaana soo afjarmay is-xulufeysigii u dhaxeeyay hoggaamiyaha ugu awoodda badan caalamka iyo ninka ugu taajirsan dunida.
Trump wuxuu ugu hanjabay Musk in ganacsigiisa baaxadda leh iyo qandaraasyada uu la leeyahay dawladda federaalka, kaas oo ah halbowlaha nolosha barnaamijkiisa hawada sare ee SpaceX.
Aflagaadadii iyo hanjabaadihii hawada la isu mariyay
Mar sii horreysay labada nin ayaa si fagaare ah isku dhaafsaday hadalo kulal iyo kuwa u muuqday afgalaado.
Trump ayaa sheegay, in Musk uu "waalan yahay" islamarkana laga codsaday inuu ka tago maamulka. Waxa uu sidoo kale ku hanjabay inuu jarayo qandaraasyada dowladda ee shirkadaha Musk.
Elon Musk wuxuu si degdeg ah jawaab ugu bixiyay bartiisa bulshada, X, isagoo u sii maraya taageerayaashiisa dhan 220 milyan: "Wax kastoo oo ay haataba". Waxa uu ku adkaystay in Dimuqraadiyiintu aysan ku guulaysan lahaayeen doorashadii sannadkii hore la'aantiis. "mahad-celin la'aanta ayaan la yaabanahay ," ayuu ugu jwaabay Trump.
Maalqabeenka ayaa markaas qaaday weeraro aan kala joogsi laheyn galabnimadii khamiista , waxaana ayna hadaladiisa u muuqdeen kuwa colaad xambaarsan.
Musk ayaa xitaa wuxuu soo jeediyay in Trump xil ka qaadis lagu sameeyo.
Ma cadda halka uu ku soo biya shuban doono khilaafka u dhaxeeya madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump iyo bilyneer Elon Musk.













