You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Halkee dalalka Shiinaha iyo Ruushku ka taagan yihiin colaadda u dhaxaysa Iiran iyo Israa’iil?
Israa'iil ayaa wax ay ku tilmaantay "duqeymo sax ah" ku qaaday bartilmaameedyo militari oo ku yaalla Iran, taasoo jawaab u ahayd ilaa labo boqol oo gantaal oo ay Tehran ku gantay Israa'iil 1-dii Oktoobar ee sanadkan.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in duqeymihii ay bilowgii Bishan ku qaadeen Israa’iil ay jawaab u ahaayeen hogaamiyayaasha Xamaas iyo Xisbullah ee la dilay .Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli labada dhinac Xisbullah iyo Israa’ila y duqaymo is waydaarsanayaan tan iyo 7-dii October sanadkii hore
Khilaafka sii xumaanaya ayaa cadaadis saaraya adduunka oo ay ku jiraan quwadaha waaweyn, iyadoo Mareykanka uu ku dhawaaqay inuu taageerayo Israa’iil – halka arrintaasi ay weli u furan yahay Ruushka iyo Shiinaha, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo sida ay uga jawaabi karaan?
Ruushka: isbahaysiga ayaa diiradda saaraya Ukriane
Ruushka iyo Iran ma ahan xulafo rasmi ah, laakiin xiriirkooda ayaa sii qoto dheeraaday sanadihii la soo dhaafay, waxayna soo gabagabeynayaan heshiis "iskaashi istiraatiiji ah".
Markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu la kulmay madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian, bishan Oktoobar 11-keedi, waxay ka wada hadleen mawqifkooda ku wajahan dhacdooyinka adduunka.
Iran ayaa si hufan ula safatay Ruushka duulankii uu ku qaaday Ukraine, iyadoo Mareykanka iyo UK ay sheegeen in Tehran ay siisay Moscow gantaalaha ballistic-ga ah iyo boqolaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, basle arrintaas Iran aya si rasmi ah u beenisay, inkastoo xubin ka tirsan baarlamaanka Iran uu sheegay in hubkaas lagu beddelayo cuntada loo soo dhoofiyo Iran.
Ciidanka Cirka ee Iran ayaa gabaabsi noqday kadib sanado badan oo cunaqabateyn saarneyd, waxaana Ruushka uu u muuqdaa inuu dhawaan Tehran u diray ugu yaraan hal diyaarad oo kuwa fudud ah, sida uu sheegay Jane’s Defense.
Dhanka Ruushka, iskahorimaadka Bariga Dhexe ayaa sidoo kale gacan ka geysanaya in dareenka reer galbeedka iyo kheyraadka laga weeciyo Ukraine, halkaas oo ciidamada Ruushku ay sii kordhayaan horumarka jiida hore ee bilihii la soo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee, Kremlin-ka ayaa ka walaaci doona saameynta ay ku yeelan karto weerarrada Israa’iil ee kaabayaasha gaadiidka ee Iran, maadaama Ruushka ay saaran tahay cunaqabatayn caalami ah oo culus.
Tehran waxa ay taageertaa dhawr kooxood oo ka jira Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan kooxdaLubnaan ee Xisbullah iyo dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Qasa. Moscow ayaa sidoo kale u muuqata in ay ka shaqeyneyso sidii ay xiriir dhow ula yeelan lahayd Xamaas, iyadoo wafdi ka socda madaxda ugu sareysa kooxda ay booqdeen Moscow horaantii sanadkan
Laakiin inkasta oo Ruushku uu Iran uga baahan yahay in ka badan inta uu uga baahan yahay Israa’iil, haddana waxa uu doonayaa in uu sii wado xiriirka labada dal. Israa'iil ayaa dhankeeda ilaa hadda diiday in ay qalab milatari siiso Ukraine, inkastoo ay dhaleecaysay dagaalka Ruushka ee Ukraine iyo xulafada uu la leeyahay Iran..
Ruushka ayaa laga yaabaa inuu u arko Israa’iil inay u badan tahay inay bilaabaan inay hub u diraan Ukraine haddii ay si dhow ula saftaan Iran - in kasta oo dagaal weyn oo Bariga Dhexe ah uu xaddidi karo awoodda Isra’iil ee arrintaas.
Laakiin danaha Iran iyo Ruushka ayaa isku hardin kara gobolka koonfurta Caucasus, halkaas oo dano weyn ay labada dalba kaga xiran yihiin Azerbaijan, oo ah dal wax soo saarka tamarka muhim u ah.
Dhanka Azerbaijan, ayaa sidoo kale xiriir milateri oo dhow la leh Israa’iil, taasoo muddo dheer siin jirtay ciidamada Asarbayjaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hub kale oo casri ah. Bishii Sebtembar 2023, Azerbaijan waxay soo ceshatay gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh, taasoo soo afjartay soddon sano oo xukunkii Armenia ah.
Iran waxa ay sidoo kale ku eedaysay Asarbayjan wakhti hore in ay u ogolaatay Israa’iil in ay adeegsato xarumaheeda milatari si ay u basaaso Iran – eedaymahaas Asarbayjan ayaa beenisay.
Shiinaha: Taageerida Iran iyada oo aan loo jiidin colaad
Shiinaha iyo Iran ayaa muddo dheer lahaa xiriir dhow - min iskaashi diblomaasiyadeed ilaa xiriir dhaqaale. Hadda oo Israa'iil ay garaacday Iran, mawqifka Shiinaha lama filayo inuu si weyn isu beddelo. Beijing waxay u badan tahay inay sii wadi doonto inay siiso Iran, iyadoo ilaalinaysa fogaan nabdoon si ay uga fogaato in lagu soo jiido khilaaf ballaaran.
Mar la waydiiyay in ay ka hadasho weeraradii gantaalada ee Iran ay ku qaaday Israa’iil 1-dii Oktoobar, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ma uusan carabaabin Iran, balse waxa uu sheegay in Beijing ay ka soo horjeedo “ku xadgudubka madaxbanaanida Lubnaan.”
Mawqifku wuxuu ahaa mid cad fariimaha rasmiga ah ee Beijing, oo ay ku jiraan warbaahinta rasmiga ah. Tan iyo weeraradii Xamaas ay qaadeen 7-dii Oktoobar, kuwaas oo Shiinuhu uusan cambaareyn, Beijing waxay si isdaba joog ah ugu baaqday xabbad joojinta, waxayna taageertay Falastiiniyiinta iyo Lubnaan si diblomaasiyadeed.
Laakiin iska horimaadkan u dhexeeya Israa’iil iyo Iran ma u horseedi doonaa hadallo xooggan oo ka imanaya Shiinaha?
Shiinuhu waxa uu maal-gashiyo la taaban karo ku leeyahay Israa’iil, gaar ahaan kaabayaasha iyo tignoolajiyada, waxana uu sii waday intii uu socday iskahorimaadka, waxana laga yaabaa in uu rabo in uu iska ilaaliyo khatarta ah in ay Israa’iil ku lumiso saaxiib dhaqaale isaga oo si buuxda ula midoobaya Tehran.
Shiinuhu wuxuu aad ugu tiirsan yahay saliida ceyriinka ah iyadoo sagaashan saliida cayriin ee Iran waxay si toos ah u aadaan Shiinaha, sida laga soo xigtay S&P Global, shirkad macluumaadka maaliyadeed. Haddii weerarrada aargoosiga ah ee Israa'iil ay waxyeello u geysato kaabayaasha saliidda si ay u saameyn karto dhoofintaas, Beijing waxay u badan tahay inay si cad u cambaareyn doonto falalka Israa'iil.
Shiinaha ayaa weli ka mid ah dalalka tirada yar ee saliidda ka iibsada Iran inkastoo Mareykanka uu cunaqabateyn saaray, waxaana ay dhexdhexaadiyeen heshiis dib u soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Iran iyo Sacuudi Carabiya sanadkii 2023-kii.
Warbaahinta oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah ayaa tilmaamaya in Washington ay ka codsatay Shiinaha in ay u isticmaasho saameynta ay ku leedahay Tehran, si looga hortago weerrarada kooxda Xuutiyiinta Yemen, ee beergiga maraakiibta gooshaya badda cas.
Shiinuhu waxa laga yaabaa inuu ka faa’iidaysto dalabaadkan oo u noqota fursad kale oo uu ku dhaleeceeyo Maraykanka, isla markaana uu kor ugu qaado saamaynta uu ku leeyahay caalamka isaga oo si cad u taageera qadiyadda falastiiniyiinta oo saamayn ku yeelan karta dalalka ku yaala Koonfurta Caalamka.
Luuqad kasta oo aan ka maqalno Beijing maalmaha soo socda, Shiinuhu uma badna inuu ku lug yeesho khilaafkan.