Sida ay Iran faa’iido uga sameyso iibinta shidaalkeeda iyadoo ay saaran tahay cunaqabateynta Mareykanka

Bartamihii bishii April, Iran waxa ay ridday in ka badan 300 oo gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay la beegsanaysay Israa’iil.

Tan iyo markaas, xayiraad adag oo ku saabsan dhoofinta saliidda Iran ayaa lagu soo rogay. Dhoofinta saliiddu waa halbowlaha dhaqaalaha Iran.

In kasta oo cunaqabetyn la saaray, haddana dhoofinta saliidda Iran waxay ahayd $35.8 bilyan rubuci hore ee 2024, heerkii ugu sarreeyay muddo lix sano ah, sida uu sheegay madaxa kastamka Iran.

Laakin su'aashu waxay tahay, sidee ayay Iran ugu guulaysatay in ay faa'iido hesho in kasta oo ay ka gudubtay cunaqabataynta?

Jawaabtu waxay ku jirtaa habka ganacsiga Shiinaha oo ah dalka ugu wayn ee Iran ka iibsada shidaalka.

Sida laga soo xigtay warbixinta guddiga dhaqaalaha ee Aqalka Maraykanka, 80 boqolkiiba wadarta guud ee dhoofinta Iran waxa loo dhoofiyaa Shiinaha. Shiinaha ayaa Iran ka iibsanaya 1.5 milyan oo foosto oo saliid ah maalin kasta.

Waa maxay sababta Shiinuhu saliid uga soo iibsado Iran?

Jawaabta tani waa mid fudud - sababtoo ah saliidda Iran waa mid raqiis ah oo tayo leh.

Qiimaha saliidda adduunka ayaa sii kordhaya sababo la xiriira colaadaha ka socda adduunka, laakiin Iran ayaa ku iibisa saliidda qiimo jaban si ay suuq ugu hesho saliideeda.

Oktoobar 2023, Reuters waxay xog ka ururisay ganacsatada iyo markabka. Sida ay ka soo xigatay dadkaas, Shiinuhu wuxuu badbaadiyay qiyaastii $ 10 bilyan sagaalkii bilood ee ugu horreeyay 2023 isagoo saliiddii ugu badnayd ka iibsaday Iran, Ruushka iyo Venezuela.

Humayun Falakshahi, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan shirkadda xogta iyo falanqaynta ee Kpler, ayaa ku qiyaasay in Iran ay saliid cayriin ah oo qiimaheedu yahay $5 halkii fuusto.

Khubarada ayaa rumeysan in Shiinaha iyo Iran ay diyaariyeen nidaam wanaagsan oo ganacsi.

Falakshahi ayaa sharaxaya, “Markab kale ayaa ka safray biyaha Malaysia ilaa waqooyi-bari Shiinaha wuxuuna keenay saliid ceyriin ah. Ujeeddadeedu waa inay muujiso in saliidda cayriin aanay ka iman Iran, balse ay ka timid Malaysia.

Sida laga soo xigtay Maamulka Macluumaadka Tamarta ee Mareykanka (EIA), xogta kastamku waxay muujineysaa in Shiinuhu uu 54% saliid ceyriin ah ka keenay Malaysia 2023 marka loo eego 2022.

Dhab ahaantii, xadiga saliidda ah ee ay Maleesiya u dhoofinayso Shiinaha ayaa ka badan awoodda wax-soo-saarka saliidda cayriin ee dalkaas.

Sida laga soo xigtay falanqeeyaha Atlantic Council Nicoladze, "Tani waa sababta la rumeysan yahay in waxa Maleesiya ka warbixinaya ay tahay dhoofinta saliidda Iran."

Bishii Luulyo iyo Oktoobar ee sannadkii hore, waxaa la sheegay in mas'uuliyiinta Malaysia iyo Indonesia ay qabteen maraakiib Iranian ah oo waday " shidaal aan la fasaxin.

Maia Nikoladze waxa uu sharaxay in macaamilka lacagaha ee u dhexeeya Iran iyo Shiinaha laga fuliyo bangiyada yar yar ee Shiinaha, halkii loo marin lahaa nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah ee ay kormeeraan reer galbeedka.

"Shiinuhu wuxuu si fiican uga warqabaa khatarta la xiriirta iibsashada saliidda Iran, waana sababta aysan u dooneynin inay ku lug yeeshaan bangiyada waaweyn ee ganacsigan," ayay tiri.

"Taas bedelkeeda waxay isticmaashaa bangiyada yaryar oo aan si dhab ah ula kulmin khatarta caalamiga ah."

Waxaa la rumeysan yahay in shidaalka Iran lagu bixiyo lacagta Shiinaha si looga fogaado nidaamka maaliyadeed ee dollarka.

Falakshahi ayaa sharaxaya, "Lacagtaas waxaa lagu shubaa akoonada bangiyada Shiinaha ee ku xiran nidaamka Iran. "Lacagtaas ka dib waxaa loo isticmaalaa in lagu soo iibiyo badeecooyinka Shiinaha, dabcan qayb weyn oo ka mid ah lacagtan ayaa dib loogu soo celiyaa Iran."

Waxa kale oo uu sheegay in nidaamkan oo dhan uu yahay mid aan caddayn oo ay adag tahay in la fahmo in dhammaan lacagtaas ay dib ugu soo noqoto Iran iyo in kale.