Indha-sarcaad: Sida ninkaan uu u akhriyay buugaag isagoo indhaha ka xiran iyo tijaabo badan oo la marsiiyay

Kuda Baksh

Xigashada Sawirka, BRITISH PATH

Qoraalka sawirka, Kuda Baksh

La yaab ma leh haddii nin uu baaskiil ku wado bartamaha waddo ciriiri ah. Laakiin haddii uu isla qofkaas isku qabto indhihiisa oo uu sanka kaliya u furnaado si uu uga neefsado, dabcan waa wax lala yaabo.

Mid ka mid ah darawallada noocaan ah waxa uu ahaa Kuda Baksh. Waxa uu ku dhashay sanadkii 1905-tii gobolka Kashmiir, waxa uuna caan ku noqday shaqada waddooyinka England iyo Yurub 1930-meeyadii iyo 40-meeyadii.

Waxa uu ku andacoodey in uu awooday in uu waxyaabo badan sameyn karo isagoo sheegay in in uu wax arki karo isagoo indho xiran.

Waxa uu soo bandhigi jiray barnamijyadiisa indha sarcaadka isagoo wata magaca 'ninka raajada'. Hab dhaqankiisa gaarka ah ayuu dadka kaga yaabin jiray isagoo marrarka qaar akhriya tuducyo buug ka mid ah isaga oo indhaha laga xiray.

Khuda Bakhsh, awooddiisa ayaa waxa ay la yaabaan ku noqotay jiilal badan.

Safarkii indha sacaadka

Kuda Baksh

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kuda Baksh

Waxa uu ka dhashay qoys qani ah. Wareysi uu bixiyay 1952-dii ayuu ku sheegay in uu aad ula dhacay indha sarcaadka nin Hindi ah oo loo yaqaan Professor Moore.

Laba maalmood kadib marka uu arkay waxa uu ninka kale sameynayay, waxa uu ka cararay gurigoodii isagoo saddex iyo toban jir ah.

Dhowr sano kadib, wuxuu u safray Burma (Myanmar), Ceylon (Sri Lanka) iyo Mumbai wuxuuna ka bartay arrimaha la xiriira indha sarcaadka iyo sixirka.

Sidoo kale, wuxuu u bedelay magaciisii Professor KB Duke kadibna waxa uu la baxay Khudah Bukhsh.

Bishii Maajo 1935-kii, waxa uu tagay Ingiriiska, halkaas oo ay ku sugnaayeen indha sarcaadiye yaal badan. Dadku waxay rabeen inay arkaan shaqadiisa.

Zubrzycki ayaa xilligaas BBC-da u sheegay in Hindiya loo arko waddan wada sixir ah.

Indha sarcaadiyeyaal badan oo Hindi ah ayaa ka faa'iideystey safarkooda dibadda, sababtoo ah reer galbeedku waxay jeclaayeen indha sarcaadka. Waxaana ka mid ahaa Kuda Baksh. Inkasta oo uu u labbistay sidii reer galbeedka.

Tijaabadii indha sarcaadka

Kuda Baksh

Xigashada Sawirka, CAITLYN RENEE MILLER

Qoraalka sawirka, Kuda Baksh

Taariikhyahan John Booth, oo wax ku saabsan Bakhsh ku qoray The Linking Ring, ayaa ku tilmaamay, "Nin qariib ah oo ka soo jeeda Hindiya isagoo Paris ku wadi jiray baaskiil xilli ay indhaha u xirnaayeen.

Markii Kuda Baksh uu ku guulaystay inuu akhriyo qayb ka mid ah buug k dib markii Indhaha laga xiray, tijaabo markale lagu sameeyay Baksh waxa uu akhrin karay qoraallada gacanta lagu qoray ee la dhigay miiska gadaashiisa.

Baarayaasha ayaa dhinac walba ka baaray Kuda Bakhsh, xitaa in jirkiisu dabka qaban karo kahor iyo ka dib markii ay tijaabiyeen, waxay baareen cagihiisa iyo calaacashiisa si ay u ogaadaan inuu xiran yahay wax khiyaano ah.

Waxa god la qoday oo laga buuxiyey alwaax, dhuxul, gaas iyo haraaga wargeysyada oo la gubay. Dhawr saacadood ka bacdi godku wuu gubanayay.

Kuda Baksh wuu socday oo ka gudbay godkii dabku ka baxayay, kaliya hal mar maaha ee afar jeer.