Sixirka: Su'aashii iga nixisay ee ahayd: ''Seygaada ma sixiroole ayuu ahaa?

Chirindo Chisubi
Qoraalka sawirka, Chirindo Chisubi

Xilli ay wali Chirindo Chisubi u murugooneyso seygeeda ayaa waxay aad uga naxday su'aal ay waydiiyeen booliiskii baariyay dilkiisa oo ka dhacay deegaanka Kilifi ee gobolka xeebta Kenya.

"Ninkan seygaada ahaa, ma waxaa uu ahaa sixiroole? Waxay su'aashaas weydiiyeen Chirindo oo 63 jir ah iyadoo u murugooneysa gerida ninkeeda, Dzuya Chisubi .

Dzuya Chisubi, ayaa la dilay ka dib markii lagu eedeeyay in uu sixiroole yahay.

Ms Chisubi ayaa ogeyd in seygeeda uusan waligii sixiroole noqon, waxayna rumeysan tahay in dilkiisa ay sabab u tahay muran dhanka dhulka ah.

"Waxaan u sheegay [Booliiska] in tan iyo intii aan is guursanay aa waligey ku arag wax muujinaya in uu sixiroole yahay," ayay tiri.

Dhimashada ninkeeda ayaa dhaawacay inkastoo aysan waxba ka qaban karin.

Waxaa loo sheegay in seygeeda walaalkiis uu qorsheeyay dilka, sida ay u sheegtay BBC.

Chirindo Chisubi ayaa intaa ku dartay in ninkii loo soo kireystay dilkiisa uu booliiska ka hor qirtay arrinta ku saabsan in dilka seygeeda uu ku lug lahaa walaalkiis.

Labadii nine e dilkiisa lagu eedeeyay ayaa la xiray islamarkana maxkamad la soo taagay.

Labada qof lagu tuhmayo dilka Dzuya Chisubi ayaa waxaa ay beeniyeen in eedaha loo soo jeediyay.

Qabuuraha badan ee Tuulada

Xanuunka Ms Chisubi ayaa ah wax ay dareemayaan shacabka u nool tuulada Buni Kisimani ee deegaanka Kilifi, oo xiriirka ka dhaxeeya uu kala irdheeyay rumeysnaanta dadka ee sixirka iyo quraafaadka.

Waxaa jira qabuuro badan oo calaamad u ah dilalka arxan darada ah ee ka dhaca deegaanka Kilifi.

Qabriga nin waayeel ah oo lagu dilay deegaanka Kilifi
Qoraalka sawirka, Qabriga nin waayeel ah oo lagu dilay deegaanka Kilifi

Gobolka waa wax aad ugu badan dhibaatooyiinka sida in qof uu xanuunsado ama uu dhinto taasi oo ay bulshada u aaneeyaan sixirka ama qofka in la sixray.

Waxaa inta badan sixirka lagu eedeeyaa ragga da'da ah ama waayeelada ah.

Ciqaabta dadka sixirka lagu eedeeyo ayaa mararka qaar ah in la dilo, iyada oo qoorta laga jarayo amaba mararka qaar noolasha lagu gubo.

Dadka Sixirka lagu eedeeyo ayaa mararka qaar waxaa dhaca in qaraabadooda la dilo.

guud ahaan aaminaad sixirka ayaa ah mid ay ka siman yihiin dadka haysta diimaha kala duwan.

Sababta ay Canada weli dumar sixroolayaal ah u eedeynaysoDaraasad ay sameeysay xarunta Pew Research Center, sanaddii 2010, ayaa muujinaysa in 11% dadka Kenyanka ah ay rumeysan yihiin sixirka.

Dowladda Kenya ma aysan uruurin xog ku saabsan inta ay dhan tahay baaxadda dadka rumeysan sixirka, oo ah mid sharci daro ah silamarkana qofka lagu helo uu wajihi karo 10 snao oo xarig ah.

Balse warbaahinta maxaliga ah ayaa mar walba soo tebisa wararka ku aadan sixirka ee ka dhaca guud ahaan Kenya.

Wararkaas waxaa ka mid ah dilka loo geysto dadka looga shakiyo sixirka.

Booliiska ayaa BBC u sheegay deegaanka Kilifi oo kali ah, in ka badan 150 nin oo waayeelo ah islamarkana lagu eedeeyay sixirka lagu dilay labadii sano ee u dambeeyay.

Tuhunka lamaanayaasha da'da ah

Caadiyan ragga iyo haweenka waayeelada ah ee ku nool tuulada Buni Kisimani ayaa waxay ku nool yihiin cabsi.

Markii ay BBC booqtay tuuladani dabayaaqadii sanadkii hore waxaa goobta aad ugu badnaa dhallinyarada kaxeysa mootooyiinka islmarkana waxaa adag in qof da'a ah aad tuulada ku aragto.

Odayaasha Kaya ee degaanka Kilifi
Qoraalka sawirka, Odayaasha Kaya ee degaanka Kilifi

Xitaa in aad xusto magaca qof waayeel ah ayaa u muuqata in ay tahay mid ay dadka ka shakinayaan.

In qofka waayeelka ah ee lala xiriiriyo sixirka ayaa bulshada qaar ku abuurta cabsi badan.

Balse dadka waayeelada ah iyo qaraabadooda ayaa mar walba ka baqa in la soo weeraro oo al dilo.

Meel dhowr mitir u jirta qabriga Mr Chisubi ayaa waxaa ku duugan nin kale oo lagu magacaabo Mwakoyo Dzayo oo la dilay sanadkii aanu soo dhaafnay.

Maxaa laga qabtay dhibaatadan?

Dowladda ayaa sheegtay inay xirtay islamarkana ay maxkamad soo taageen 28 qof kuwaasi oo loo haysto dilka ragga waayeelada ah.

Hasa yeeshee feyriska Corona ayaa dib u dhac ku keenay kiisaska qaar oo ka mid yahay kiiska Mr Chisubi oo lagu wado in mar kale ay maxkamadda dhageysato dabayaaqada bishan February.

Khamisi Mwaguzo, oo ah isu duwaha Kenya Muslim Youth Alliance, ayaa sidoo kale ee isku dayaya in uu wax ka ogaado dulucda arrintan, waxaa uuna sheegayaa inay tahay in qof walba uu ka qeyb qaato xalka arrntan.

Dadka deegaanka ayaa isku dayayay xal u helidda arrintan
Qoraalka sawirka, Dadka deegaanka ayaa isku dayayay xal u helidda arrintan

Muranka dhulka

Waxaa laga joogaa muddo sanad ah markii la dilay Ms Chisubi seygeeda islamarkana waxay rajeynaysaa in ay caddaalad hesho.

Ma rumeysna in geerida ninkeeda ay tahay mid la xiriirta eedeynta ah in uu sixiroole ahaa, balse dilkiisa uu la xiriiro muran dhanka dhulka ah oo kala dhaxeeyay walaalkii.

"Waxay leeyihiin beer uu lahaan jiray aabahood taasi oo ahayd in ay qeybsadaan," ayay tiri.

Taliyaha booliiska deegaanka Rabai Fred Abuga ayaa sheegay in muranka dhanka dhulka uu yahay wxayaabaha ugu badan ee sababa dilalka.