Ayeeyada iyada iyo caruurteedu ay ku dhinteen duqaynta Ceel-Garas

Xigashada Sawirka, .
Xalay saqdii dhexe ayaa duqayn ka dhacday deegaanka Ceel-Garas oo u dhaxeeya magaalooyinka Ceel-Buur iyo Dhuusamareeb.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheecisay inay ku dishay saddex ruux oo xubno ka ahaa ururka al-Shabaab. Seddexda qof ee la beegsaday ayaa la sheegay in ay u galeen aqalka qoys reer miyi ah si ay duqaynta uga badbaadaan, hase yeeshee aysan taas u suurtogelin.
Dad goobjoogayaal ah oo BBC ay la xiriirtay waxay sheegeen in dhimashada ay ka badan tahay seddexdaas qof.
Waxay BBC u sheegeen inay arkeen askar halkaa tagtay oo dad dhaawac ah ka soo saaray aqalka, inkastoo aan la xaqiijin tirada dhaawaca inta uu dhan yahay.
Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo BBC ay la xiriirtay ma aysan xaqiijin in dad rayid ah ay ku dhinteen hawlgalkaas, laakisne waxay xaqiijiyeen in lagu dilay Ceel-Garas saddex nin oo ka tirsan Shabaab oo mid ka mid ah uu yahay horjoogaha Shabaab u qaabilsan deegaannada Ceel-Garas iyo bariga Ceelbuur.
Laakiinse warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidanka dawladda ay “hawlgal ku khaarajiyeen” seddex nin oo magacyadooda lagu sheegay Olol Cali Guuleed, oo ahaa madaxii abaabulka al-Shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre.
“Hawlgalka oo ahaa mid si xirfadaysan loo qorsheeyey loona fuliyey wuxuu dhabarka ka jabiyey guud ahaan khawaarijta, gaar ahaan kuwa ku dhuumaaleysanaya Galmudug” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xigashada Sawirka, .
Maxaa intaas oo hawlgalkaan ku saabsan?
Sida ay BBC du ogaatay, saddexda nin ee lala beegsaday duqaynta ayaa ku cararay guri Aqal Soomaali ah oo ay deganaayeen qoys reer miyi ah, taasina ay sababtay in duqayntu ay ku dhacdo hoyga qoyska. Waxaa halkaas ku geeriyooday todoba qof oo shacab ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale goobjoogayaal BBC u warramay waxay sheegeen in ay jiraan dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawacba uu ka soo gaaray hawlgalkaas.
Sida ay ay dadkaas BBC u sheegeen waxaa aqalka qoyska reer miyiga ee raggaas la daba joogay ay u galeen lagu dhuftay “gantaal ay dayaarad soo ridday ka hor intii aysan ciidanka Soomaalida ah imaan”. Ma cadda in ciidankaas ay diyaarad ka soo dageen iyo inay gaadiid dhulka ah wateen.
Waxay intaa ku dareen in dadka dhintay ay ku jireen 5 carruur ah, ayeeyadood, iyo gabar guriga joogtay, taasoo ka dhigaysa todoba qof tirada dadka rayidka ah ee ilaa hadda ay BBC u sheegeen dad goobjoogayaashu inay hawlgalka ku dhinteen.
Wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfafainta ee Soomaaliya oo la hadlay BBC, wuxuu diiday inay dad rayid ah ku dhinteen hawlgalka duqaynta.
"Waxaa jira guri ay dad shacab ah ku noolaayeen oo ay khawaarijtu walxaha qarxa dhex dhigeen oo waxaasi ay ku qarxeen, halkaasna ay dad shacab ah ay ku shahiideen".
Wuxuu cadeeyay inay ciidamadu dhaawaca dad shacab ah goobta ka qaadeen.












