Dhegeyso wuxuu Xamse ka doonay Dooxa iyo kulankii uu la yeeshay Farmaajo iyo Raysal wasaaraha Qadar
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo jooga Magaalada Dooxa ee dalka Qadar ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka mid ah wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa ku tilaamamay kulankaas “Booqasho sharafeed uu ra’iisul wasaaruhu ugu tegey madaxweynihii hore”
Wuxuu kaloo Farxaan ka hadlay arrimihii ay wafdiga iyo madaxda Qadar isla soo qaadeen. Faarax Lamaane ayuu u warramay.










