Saddex arrin oo ku saabsan ururka Jaamacadda Carabta ee uu taageerada ka dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay shir madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta ee ka furmay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya ayaa codsaday in Soomaaliya laga caawiyo dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab. Haddaba maxaad ka taqaan ururka Jaamacadda Carabta iyo taariikhdiisa.
Dalladdan ay ku mideysan yihiin waddamado badan oo carbeed waxay soo jirtay tobannaan sano, inta badan xubnaheedana waa dalalkii lagu billaabay ku dhawaad 80 sano ka hor.
Ujeeddooyinka Jaamacadda Carabta waa:
- In lagu xoojiyo xiriirka dalalka xubnaha ka ah
- In lagu habeeyo siyaasadahooda
- In lagu hago waddada ay ku gaari karaan wanaag wadajir ah
1. Yaa keenay fikirkii lagu aasaasay Jaamacadda Carabta?
Aragtidii ugu horreysay ee ku aaddaneyd in la yagleelo ururka Jaamacadda Carabta waxay ka timid dal aan ka tirsaneyn dunida Carabta.
Sanadkii 1942, Britain ayaa keentay fikradda aasaaska Jaamacadda Carabta, iyadoo markaas dooneysay in waddamada Carabta oo mideysan looga hortago awoodihii loo yaqaannay "Axis" ee ka koobnaa dalalkii billaabay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Hase yeeshee, ma suurtagelin in ururka la aasaaso isla xilligaas. Waxaa Jaamacadda Carabta dhidibbada loo taagay bishii March ee sanadkii 1945, wax yar ka hor inta uusan dhammaan Dagaalkii Labaad ee Adduunka, oo lasoo afjaray bishii September ee isla sanadkaas.
2. Markii la aasaasayay muxuu ahaa qorshaha ugu weyn?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xilligii la aasaasayay Ururka Jaamacadda Carabta ma jirin baahidii ugu horreysay ee keentay fikradda aasaaska dallad ay ku mideysan yihiin Carabta, oo ahayd in ay hal weji ku galaan dagaalkii dunida saameynayay.
Sidaas awgeed, marka la hirgeliyay inuu cagaha isku taago ururku waxaa qorsheyaashiisa hareeyay rabitaankii ku aaddanaa in la xoreeyo dalalka Carabta ee weli ku hoos jiray gumeysiga. Waxaa kale oo la doonayay in laga hortago in bulshada Yahuudda ee ku sugneyd dhulka Falastiiniyiinta ay sameystaan dowlad Yahuuddu leedahay.
3. Yaa xubin ka noqon kara?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jaamacadda Carabta waxaa xubno ka ah 22 dal oo ay ka mid tahay Falastiin, waxa uuna ururku waddankaas u aqoonsan yahay dal madax bannaan.
Waa urur ay dalalku si iskood ah ugu biiraan oo loo oggol yahay waddamada ay shacabkooda ku hadlaan Af Carabiga ama ay luuqadda Carabigu ka tahay mid rasmi ah. Soomaaliya waxa uu Carabigu ka yahay luuqadda labaad ee qaranka, marka laga soo tago Soomaaliga.
Qeybta ugu sarreysa ee ururka waa Golaha isku dhafka ah, oo ka kooban xubno matalaya dalalka ku jira Jaamacadda Carabta. Goluhu wuxuu caadiyan ka kooban yahay Wasiirrada Arrimaha Dibadda, wakiilladooda ama danjireyaal joogto ah.
Dal walba oo xubnaha ka mid ah waxa uu leeyahay hal cod, kumana xirna inuu yahay dal weyn iyo dal yar toona.
Goluhu waxa uu sanadkiiba kulmaa labo jeer oo ku kala began bilaha March iyo September, waxa uuna shir khaas ah isugu yeeri karaa waqtiyo kale, haddii uu codsi ka imaado labo xubin.
Howl-maalmeedka ururka Jaamacadda Carabta waxaa fuliya koox xog-heyn guud ah oo uu guddoomiyo xog hayaha guud.
Kala qeybsanaanta xubnaha ururka oo ahayd dhibaato weyn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saameynta Ururka Jaamacadda Carabta waxa uu hoos u dhac weyn ku yimid ka dib markii ay kala qeyb sameen dalalka xubnaha ka ah.
Tusaale ahaa, xilligii uu socday Dagaalkii Qaboobaa ee Adduunka, qaar ka mid ah waddamada Carabta waxay taageersanaayeen Midowgii Soviet halka kuwo kalena ay la safnaayeen Reer Galbeedka.
Waxaa kale oo jiray loollan ku aaddanaa hoggaanka ururka, kaasoo inta badan u dhaxeeyay Masar iyo Ciraaq.
Intaas ka dib waxaa jirtay cadaawad u dhaxeysay boqortooyooyinka soo jireenka ah – sida Sacuudiga, Urdun iyo Morocco. Sidoo kale waxa ay xurguf ka dhaxeysay Jamhuuriyadaha cusbaa oo ay ka mid ahaayeen Masar oo uu hoggaaminayay Jamaal Cabdinaasir, Suuriya, Ciraaq iyo Liibiya oo uu hoggaaminayay Mucamar Qadaafi.
Ururka Jaamacadda Carabta waxaa si weyn u saameeyay dagaalkii uu Mareykanku horkacayay ee lagu qaaday Saadaam Xuseen-kii Ciraaq, waxaana dalalka qaar ay taageereen dagaalkaas halka kuwo kalena ay u kala qeyb sameen qaar kasoo horjeestay iyo qaar ka gaabsaday.










