Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
- Author, Fatuma Maalim Abukar
- Role, Weriye sare, BBC Somali
Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa shalay shir jaraa'id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho ku sheegtay in ay wejahayso cadaadis dhanka madaxda sare ee Soomaaliya ah oo ku aaddan doonisteedii in ay u tartanto kursiga ugu sarreeya Midawga Afrika.
Yaa jaanis helaya cadaadiskaas darted?
Kulankii 44aad ee Golaha Midowga Afrika ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa.
Fawsiya inkasta oo ay sheegtay in aanay tanaasulayn, haddana way adkaan doontaa helitaanka kursigaas haddii aanay madaxda dawladda Federaalku tartankaas taageeradeeda qayb ka qaadan.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintan.

Xigashada Sawirka, Standard
Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kal hore.
Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa isaguna haysta jaanis fiican oo ku qaban karo xilkaas, maadaama uu yahay musharraxa Jabbuuti booskaas ugu tartami doona.
Hoggaanka haddeer xilka hayana waxaa la doortay 2021 muddo xileedkiisana waxuu ku egyahay 2025 bisha Febraayo, oo markaas xilka uu wareejin doono doorashada ka dib.
Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo ka soo jeeda dalka Chad, kaasoo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028.

Xigashada Sawirka, BBC/ ED HABERSHON
Sidee ayay dowladuhu usoo xulaan musharraxa kursigan, qaabkee ayaana loo doortaa?
Dhammaan musharraxiinta daneynaya inay xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kala wareegaan Faki, ayaa laga doonayaa inay soo gudbiyaan CV-gooda iyo qoraal kooban oo ay ku sharraxayaan sida ay wax uga qaban karaan arrimaha ugu badan ee walaaca ku haya AU.
Musharraxiinta ayaa laga doonayaa inay kasoo baxaan shuruudda waxbarasho ee Midowga Afrika uu go’aamiyay sida in shahaadada sare ay ka heystaan cilmiga sharciga, xiriirka caalamiga ah, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, maamulka, maamulka ganacsiga, sayniska siyaasadda, sayniska bulshada iyo wixii la mid ah.
Fowsiya ayaa BBC u sheegtay in dowladaha laga doonayo inay keenaan qof u qalma oo maamuli kara 55 dowladood oo Afrikaan ah.

Xigashada Sawirka, AU
Marka ay musharraxiinta soo gudbiyaan araajidooda, Midowga Afrika ayaa eegi doona iyadoo guddi loo saaray uu kala xulan doono musharraxiinta ugu mudan ee isugu soo haraya tartanka xilkan.
Musharraxiinta isku soo hara ayaa loo qaadaa cod qarsoodi ah.
Si musharraxu u guuleysto, waa inuu helaa labo meelood saddex codadka xubnaha guddiga ee madasha jooga isla markaana u qalma inay codeeyaan.
Haddii musharraxna uu helo waayo aqlabiyadda loo baahan yahay wareegga hore, wareegyo kale oo codbixin ayaa la qabanayaa.
Madaxa AUD ayaa la doortaa afartii sanoba mar, hal jeer ayaana mar kale la dooran karaa qofkii hore u hayay. Ninka haatan xilka haya ayaa kasoo jeeda dalka Chad oo Bartamaha Afrika ku yaalla, waxaana jirta dood ah in hoggaamiyaha xiga laga soo xusho Bariga Afrika.
Waa tuma Fowsiya?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, waa haweeneydii ugu horeysay ee ra'iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arimaha dibadda ka noqota Soomaaliya.
Waxay aqoon durugsan u leedahay diblomaasiyadda, iyadoo muddo dheer ku nooleyd dalka Britain.
Khibraddeeda baaxadda leh iyo muddada dheer ee ay kusoo jirtay baarlamaanka Soomaaliya, ayay sheegtay in loogu xushay musharraxnimada xilka guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.
Sanadkii 2012, markii ugu horreysay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxtinnimada Soomaaliya, Fowsiya ayaa caalamka qabsatay kadib markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaaliya wasiir arrimo dibadeed ka noqota iyo waliba raysal wasaare ku xigeen.
Magacaabidda Fowsiya ee xilalkan ayaa ahayd tallaabo geesinnimo leh oo ay Soomaaliya qaaddo, maaddaama uu yahay dal ay ka jirto sinnaan la'aan baahsan oo dhanka ragga iyo haweenka ah, marka la eego siyaasadda iyo qeybaha kale ee bulshada.
Sidoo kale, Fowsiya ayaa taariikh dhigtay sanadkii 2022, markaasoo ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka qeyb gasha tartanka madaxtinnimada Soomaaliya.
Fowsiya oo ah gabadha diblomaasi sare, ayaa diblomaasiyadda jecleyd markii ay yareyd. Aabbaheed Yuusuf Xaaji Aadan, wuxuu ahaa diblomaasigii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku matala dunida Carabta.
Iyadoo ku dhalatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, waxay Fowsiya wax kusoo baratay dalal ay ka mid yihiin Suudaan iyo Mareykanka.
Waxay kasoo shaqeysay magaalooyin ay ka mid yihiin Moscow iyo Washington oo ay xilal dhowr ah oo diblomaasiyadeed kasoo qabatay. Kahor inta aysan xil ka qaban Soomaaliya waxay lasoo shaqeysay hay'ado ay kuwa QM ka mid yihiin.













