Gobol Mareykanka ku yaalla oo ku yaboohay dhul baaxad weyn oo lagu hayn doono dadka la musaafurinayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maamulka Texas ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay madaxweynaha la doortay ee Donald Trump siiyaan 1,400 acre oo dhul ah oo ku teedsan xudduudda Mareykanka iyo Mexico si looga dhiso goobo lagu hayo muhaajiriinta aan sharciga haysan.
Warqad, Xafiiska Guud ee Dhulka Texas uu soo saaray ayaa lagu sheegay in qorshahan loo isticmaali karo masaafurinta ugu weyn ee dambiilayaasha rabshadaha wata iyo dadka sida sharc darrada ah ku jooga dalkaas".
Dhulkaan ayaa u baahan in loo diyaariyo ku haynta dadka la doonayo in laga saaro Mareykanka sida uu horeyba u shaaciyay madaxweyne Trump
Trump ayaa marar badan ballan qaaday inuu masaafurin doono malaayiin muhaajiriin ah oo aan sharciyeysneyn uuna abaabuli doono Ilaalada Qaranka si ay gacan uga geystaan fulinta arrintan.
Qorshihiisa, si kastaba ha ahaatee, waxay u badan tahay inuu la kulmo caqabado maaliyadeed iyo sidoo kale caqabado sharci oo degdeg ah oo uga yimaada kooxaha xuquuqda aadanaha.
Warqadda oo lagu baahiyay baraha internedka ooloona diray Trump isaga oo jooga gurigiisa Mar-a-Lago ee Florida, ayaa lagu xusay in mulkiilaha dhulkii dhawaan laga iibsaday uu diiday in darbi xuduud ah laga dhiso halkaas oo "si firfircoon u xannibay sharci fulinta" inay galaan .
Dhulkaan wuxuu isugu jiraa beero, meelo xoolaha lagu xannaaneeyo iyo qaybo kale.
"Waxaa iga go'an inaan isticmaalo dariiq kasta oo aan awoodo si aan u helo amni dhameystiran oo xuduudaheena ah," ayey tiri Dawn Buckingham.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maamulka gobolka Texas, oo bilaabay hawlgalkiisa ilaalinta xuduudaha ka dib markii Trump uu xafiiska ka tagay, ayaa si weyn u taageeray ballanqaadyadii Trump ee ahaa xoojinta xadka Mareykanka iyo Mexico.
Guddoomiyaha dhulka Texas, Dawn Buckingham ayaa sheegtay in "boqolkiiba boqol ay fulinayso ballantii maamulka Trump ee ahayd in dambiilayaashan laga saaro dalkeenna".
Laakiin gudoomiyaasha dimuqraadiga ee sedexda gobol ee xudduudaha koonfureed - California, Arizona, iyo New Mexico - waxay sheegeen inaysan ku taageeri doonin masaafurinta ballaaran ee Trump uu samaynayo.
Afhayeenka u hadashay Trump oo lagu magacaabo Karoline Leavitt ayaa ku tiri hadal ay soo saartay, "Madaxweyne Trump wuxuu samayn doonaa awood kasta si uu u sugo amniga xuduudka, una bilaabo hawlgalkii masaafurintii ugu weynaa ee dembiilayaasha sharci darrada ah ee soo galootiga ah taariikhda."
Xarumaha hadda la isticmaalo waxay isugu jiraan kuwo jilicsan, meelo ay isticmaalaan Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha si ay u dejiyaan muhaajiriinta aan sharciga haysan muddo gaaban, iyo sidoo kale dhismayaal ay isticmaalaan Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamada, ee ICE.
Xabsiyada degmada iyo gobolka ayaa sidoo kale loo isticmaalaa, kuwaas oo maamullada maxalliga ah ay dhaqaale kaga helaan hay'adda socdaalka.
Stephen Miller, oo ah lataliyaha sare ee Trump ee dhanka socdaalka oo loo doortay ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee siyaasadda, ayaa horay u sheegay in maamulka Trump uu dhisi doono xarumo ballaaran oo dib u celinta dadka loo adeegsan doono.
Ninka Trump u xushay musaafurinta dadka sharci darrada ku jooga Mareykanka

Xigashada Sawirka, Reuters
Tom Homan oo ah ruug-caddaa dhanka socdaalka ah ayaa maamuli doona xudduudaha dalkaas kadib marka Trump la caleema-saaro bisha January.
Ninkan oo khibrad tobnaan sano ah u leh xoojinta sharciga iyo xudduudda, ayaa dhammaanba indhuhu waxay ku wajahan yihiin sida uu u qorsheynayo dhimidda socdaalka sharci-darrada ah ee Mareykanka - taasoo ah siyaasadda ugu muhiimsan doorashada Trump.
Homan - oo ah sarkaal hore oo boolis ah, horena u soo noqday agaasimaha Xoojinta Socdaalka iyo Xudduudaha ee Mareykanka (ICE) - ayaa tahriibka ka jira xadka Mareykanka ku tilmaamay inuu yahay "nugeylka ugu weyn ee dhanka amniga ee soo gaaray Mareykanka tan iyo 9/11 waana inaan wax ka qabannaa."
Mar uu ka hadlayay tahriibayaasha sharci-darrada ah ee Mareykanka ayaa wuxuu yiri: “Waxaa kuu wanaagsan inaad hadda boorsadaada sii xirxirato.”
Balse weli ma cadda sida doorkiisa cusub uu noqon doono, iyadoo maareynta socdaalka ay ka mid tahay iskaashi lala sameeyo dhowr hay'adood oo dowladda ah.
Wuxuu si kastaba, la yimid fikrado qaar oo ku aaddan sida uu u wajihi doono xadka.
Homan ayaa sidoo kale tilmaamay in la soo celinayo xirxiritaan ballaaran oo muhaajiriinta ah oo goobaha shaqada laga fulin doono - waxa uu ku tilmaamay howlgallo xoojinta goobaha shaqada ah, taasoo maamulka Biden uu joojiyay sanadkii 2021.
“Intiiba ay dadku ka hor imaanayaan musaafurinta, maxaa kuu furan?,” ayuu yiri mar uu dhawaan u warramayay barnaamijka Fox News ee Fox & Friends.
“Waxaad xaq u leedahay inaad sheegato magangalyo. Xaq ayaad u leedahay inaad aragto garsoore. Taas waan suurto-gelineynaa. Balse ugu dambeyn inta uu socdo hannaankaas haddii garsooraha uu dhaho waa inaad dalkaaga u laabataa, markaas waa inaan dalkooda ku celinnaa.”













