11-ka waddan ee ugu dhaqaalaha badan Afrika sannadkan 2025

Wax-soo-saarka guud ee dakhliga gudaha (GDP) waa tilmaame muhim ah oo loo isticmaalo in lagu cabbiro xajmiga iyo awoodda dhaqaalaha dalalka.
Waxay ka dhigan tahay wadarta qiimaha lacageed ee dhammaan badeecadaha iyo adeegyada laga soo saaro gudaha muddo ciyiman inta badan hal sano.
Maqaalkani waxa uu muujinayaa qiimayn tafatiran oo lagu sameeyay 30-ka waddan ee ugu dhaqaalaha badan Afrika sannadka 2025-ka, iyadoo lagu salaynayo qiyaasihii ugu dambeeyay ee Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF), oo la sii daayay Abriil 2025.
Koonfur Afrika
Sida laga soo xigtay IMF, Koonfur Afrika ayaa la saadaalinayaa in ay sii ahaan doonto waddanka dhaqaale ahaan ugu tunka weyn Afrika sanadka 2025 iyada oo wax soo saarkeedu dhan yahay $ 410.34 bilyan, lana filayo in ay sii ahaato dalka haya hoggaanka qaaradda ilaa ugu yaraan 2027 sida lagu sheegay warbixinta Xaqiiqooyinka ee Africa.
Dhaqaalaha Koonfur Afrika waa dhaqaale isku dhafan iyo suuq cusub, iyo dhaqaale dhexdhexaad ah, oo ka mid ah siddeed waddan oo keliya oo Afrikaan ah.
Dhaqaalaha Koonfur Afrika waa dhaqaale u badan dhanka warshadaha, wuxuu isticmalaa tignoolajiyada ugu horumarsan qaaradda.
Masar
Warbixinta oo soo xiganeysa IMF, ayaa sheegtay in inkastoo Masar ay muddo kooban dhaaftay Koonfur Afrika 2023, hadda waxay ku jirtaa kaalinta labaad iyadoo $ 347.34 bilyan uu dakhligeeda guduhu yahay.
Masar waxa lagu tiriyaa waddan dhaqaale ahaan awood badan ku leh qaaradda Afrika, waxaana ugu wacan wax-soo-saarka baaxadda leh.
Wax-soo-saarka Masar waxa uu ka mid yahay kuwa ugu sarreeya Afrika, oo ay hormuud ka yihiin waaxyaha ay ka midka yihiin beeraha, dalxiiska, isgaarsiinta, batroolka iyo dhoofinta gaaska dabiiciga ah, sida ay sheegtay ISS African Futures.
Kaabayaasheeda sifaynta saliidda sidoo kale waa heer caalami ah, iyada oo soo saarta 38 milyan oo tan sanadkii.
Masar waxa kale oo ay ka faa'iidaysataa goob istaraatiiji ah oo ku teedsan marinka Suweys, kaas oo u sahlaya ganacsiga iyo maalgashiga.
Algeria iyo Nigeria
Algeria iyo Nigeria ayaa liiska afarta waddan ee ugu sarreysa ku soo baxay waxaana dakhligooda gudaha uu kala yahay 268.89 bilyan iyo $188.27 bilyan siday u kala horreeyaan.
IMF waxay filaysaa in Koonfur Afrika, Masar, Aljeeriya iyo Nigeria ay sii wadi doonaan hoggaanka dhaqaalaha Afrika ilaa ugu yaraan 2030.
Iyada oo ay ku jirto kaydka saliidda iyo gaasta ee baaxadda leh, awood xoog leh oo xagga beeraha iyo wax soo saarka, iyo sidoo kale waaxaha adeegga, iyo dadkooda oo si degdeg ah u koraya, Nigeria waxay awood u leedahay inay noqoto awood dhaqaale oo caalami ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kenya iyo Itoobiya
Waxaa la yaab leh in Kenya ay Itoobiya kaga sare marto dalka ugu dhaqaalaha badan Bariga Afrika, waxaana lagu qiyaasaa wax soo saarkeeda gudaha ama GDP $131.67 bilyan, halka Itoobiya ay haysato $117.46 bilyan.
Awoodda dhaqaale ee Kenya ee Afrika waxay ka timaadaa jawigeeda siyaasadeed ee deggan, dhaqaalaheeda kala duwan, goobta ay ku taallo oo istaraatiiji ah, iyo waaxda maaliyadeed ee firfircoon.
Arrimahan ayaa soo jiitay maalgashi la taaban karo, taasoo ka dhigtay xudunta gobolka ee dhaqaalaha, gaadiidka, iyo ganacsiga.
Ghana
Iyadoo wadamada sida Koonfur Afrika iyo Masar ay hogaanka sii hayaan ayaa hadana wadamada sida Kenya, Ghana iyo Tanzania waxa ay sameynayaan horumaro la taaban karo, taasi oo muujineysa in isbedel weyn uu ku yimid kobaca dhaqaalaha qaaradda.
Ghana waxa lagu tiriyaa in ay tahay dal awood dhaqaale ku leh Afrika sababo la xidhiidha arrimo isbiirsaday, oo ay ku jiraan dimuquraadiyaddeeda deggan, kheyraadka dabiiciga ah, iyo dhaqaalaheeda xooggan.
Awoodeeda waxaa ka mid ah kaydka dahabka ah ee weyn, wax soo saarka CaCao, iyo soosaarka saliidda iyo gaaska.
Intaa waxaa dheer, goobta istaraatiijiga ah ee Ghana ku taal iyo jawiga ganacsi ee wanaagsan ayaa soo jiitay maalgashadayaasha shisheeye.
Tanzania
Tansaaniya waxaa lagu tiriyaa in ay tahay dal awood dhaqaale ku leh qaaradda Afrika taas oo ay ugu wacan tahay dhaqaalaheeda kala duwan, goobta istaraatiijiga ah, iyo jawi siyaasadeed oo deggan, taas oo soo jiidata maalgashi shisheeye oo sare u qaada koboc dhaqaale.
Dhaqaalaheeda kala duwan waxaa ka mid ah beeraha, kaabayaasha dhaqaalaha, macdanta, iyo qaybta tignoolajiyada oo sii kordheysa.
Intaa waxaa dheer, mawqifka Tansaaniya ee xeebaha Bariga Afrika iyo dimuqraadiyadeeda deggan waxay gacan ka geystaan soo jiidashada maalgashadayaasha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Liiska dalalka ee wax soo saarka guud ee gudaha ama GPD
1. Koonfur Afrika $410.34b
2. Masar $347.34b
3. Algeria $268.89b
4. Nigeria $188.27b
5. Morocco $165.84b
6. Kenya $131.67b
7. Itoobiya $117.46b
8. Angola $113.34b
9. Ivory Coast $94.48b
10. Ghana $88.33b
11. Tanzania $85.98b













