You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jimmy Carter: Madaxweynihii Maraykanka ee geeriyooday, iyo taariikhdii uu Afrika kaga tegey
Boqol jirkii Jimmy Carter, madaxweynihii 39-aad ee Mareykanka, ayaa ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla Plains, Georgia, gelinkii dambe ee Axaddii.
Carter, oo ahaa xubin ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, wuxuu xukunka hayey hal xilli oo ahaa kaliya intii u dhaxaysay 1977 ilaa 1981, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay heshiiskii nabadeed ee taariikhiga ahaa ee u dhaxeeyay Masar iyo Israa'iil. Ka dib markii uu xafiiska ka tegayna, waxa uu u baydhay dhanka gargaarka bini'aadantinnimada taas oo toos ula xidhiidhay Afrika.
Xilligii muhiimka ahaa
Markii uu madaxweyne noqday, maamulka Carter ayaa si degdeg ah u bilaabay dadaallo diblumaasiyadeed oo bilooyin qaatay oo u dhexeeyay Israa'iil iyo Masar - oo ahaa colaad muddo dheer soo jiitamaysay - si la isugu keeno dhammaan dhinacyada miiska wada-hadallada.
Natiijadu waxay noqotay kulankii 1978 ka dhacay Camp David,oo ka soo bilaabmay xarun lagu nasto oo u gaar ah madaxweynayaasha Mareykanka oo ku taal Maryland, halkaas oo madaxda Mareykanka, Masar, iyo Israa'iil ay ku kulmeen.
Kulankan ayaa lagu dhisay hanaan heshiis nabadeed oo u dhexeeya Masar iyo Israa'iil, taas oo horseeday heshiis rasmi ah sanadkii 1979. Heshiiskan ayaa soo afjaray colaadihii u dhexeeyay labada dal, wuxuu kaloo keenay in Masar si rasmi ah u aqoonsato jiritaanka dawladda Israa'iil (iyagoo noqday waddankii ugu horreeyay ee Carbeed ee sidaas sameeya), halka Israa'iil ay ogolaatay inay ciidamadeeda kala baxdo Buuraleyda Sinai oo ay qabsatay tan iyo Dagaalkii Lixda Maalmood socday ee 1967.
Heshiisyadii Camp David waxay weli yihiin guul taariikhi ah oo dhanka diblumaasiyadda Bariga Dhexe ah, waxayna gogol-xaadh u noqdeen hindisayaasha nabadeed ee dambe ee Carabta iyo Israa'iil.
"Doorkiisii muhiimka ahaa ee heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Masar iyo Israa'iil waxay weligeed ku sii jiri doonaan bogagga taariikhda, shaqadiisii bini'aadanimo-na waxay u taagan tahay heer sare oo jacayl, nabad, iyo walaalnimo muujinaysa," ayuu yidhi Madaxweynaha Masar El-Sisi oo ka tacsiyeeyay Carter.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan wuxuu sidoo kale la kulmay dhaleecayn ay jeediyeen hoggaamiyeyaasha Carabta, kuwaas oo u arkay inuu yahay dhaawac soo gaadhay midnimada Carabta iyo khiyaano. Masar ayaa laga saaray Jaamacadda Carabta ka dib markii ay ku lug yeelatay heshiiskan, waxayna sugaysay ilaa 1989 si dib loogu soo celiyo xubinnimadeeda.
Dhammaadkii xukunkii laga tirada badnaa ee caddaanka ahaa
Madaxweynenimadii Carter waxa ay ku soo beegantay kaddib markii gumeysigii uu ka dhammaaday inta badan qaaradda Afrika, iyadoo isbeddeladii rabshadaha watay ee dalal badan ay keeneen qalalaase, sida koonfurta Afrika.
Dabayaaqadii 1960-meeyadii, dagaal xorayneed ayaa ka bilowday Zimbabwe - oo markaas loo yaqaanay Rhodesia - oo ka dhan ahaa dowlad laga tirada badan yahay oo cadaan ah, oo uu hogaaminayay Ian Smith (oo xukunka hayay tan iyo 1965). Maamulka Carter ayaa taageeray cunaqabateyn caalami ah iyo cadaadis diblomaasiyadeed si loo baddalo siyaasadaha dowladdii Smith. Wuxuu sidoo kale taageeray wadahadallo lagu soo afjarayo xukunka kooxdii tirada yarayd ee caddaanka ahaa.
Taageerada Carter awgeed, heshiiskii Lancaster House ee 1979 ayaa la saxiixay, kaasoo dejiyay hannaan doorashooyin cadaalad ah iyo xukun dadka intooda badan ay leeyihiin oo laga hirgeliyo Zimbabwe. Heshiiskan ayaa dhabbaha u xaadhay madax-bannaanida Zimbabwe sanadkii 1980, iyadoo Robert Mugabe uu noqday raiisel wasaaraha ugu horreeyay ee madow ah ee dalkaas.
Xilligan, madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa Carter marti qaad u fidiyey, taas oo ka dhigtay madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo xil haya oo booqda Afrikada Saxaraha ka hoosaysa. Sanadkii 2021, Obasanjo ayaa sheegay: "Madaxweyne Carter wuxuu ahaa qof dhab ahaan jecel dadka Afrikaanka ah iyo bini'aadamka guud ahaan, waxaana arrintaas lagu arkay dhammaan waxyaalihii uu sameeyay."
"Carter, oo ku soo koray, soona arkay caddaalad darradii isirka ku salaysnayd ee koonfurta Mareykanka ee Jim Crow, Afrika waxay siisay fursad uu naftiisa uga bogsiiyo dhacdooyinkii hore iyo jaanis cusub" ayuu yidhi Ebenezar Obadare, oo ah khabiir sare oo daraasaadka Afrika u jooga Golaha Xidhiidhka Caalamiga ah.
"Carter ma uusan awoodin inuu taariikhda beddelo, laakiin halgankii Patriotic Front ee ka dhanka ahaa taliskii Ian Smith ee Rhodesia wuxuu ahaa fursad uu raad wanaagsan kaga tago. Waa cadaalad in la yiraahdo wuxuu si buuxda uga faa'iideystay fursaddaas."
Angola iyo dagaalki qaboobaa
Si ka duwan Zimbabwe, faragelintii Carter ee Angola dabayaaqadii 1970-meeyadii ayaa si weyn loo dhaleeceeyay iyadoo loo arkay mid kala qeybineed oo sii hurisay khilaafaadka.
Angola waxay xornimadeeda ka qaadatay Portugal sanadkii 1975, laakiin dalka Koonfurta Afrika wuxuu galay dagaal sokeeye oo arxan darro ah. Iyadoo kooxo kala duwan ay u tartamayeen xukunka, awoodaha waaweyn ee caalamiga ah ayaa dhinacyo kala duwan la saftay.
Midowgii Soofiyeeti iyo Cuba waxay taageereen xukuumadda Shuuciga ah ee Ururka Shacabka Xoreynta Angola (MPLA). Halka maamulka Mareykanka ee Carter hoggaaminayay uu taageero siiyay mucaaradka oo ay ku jirtay Ururka Qaranka ee Madax Bannaanida Angola ee Guud (Unita) oo uu hoggaaminayay Jonas Savimbi.
Taageerada Mareykanka ee Savimbi waxaa si xooggan loo dhaleeceeyay, iyadoo kooxda mucaaradka lagu eedeeyay tacaddiyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan qorista carruuro ay askariyeeyeen iyo aargoosiyo naxariis-darro ah oo ka dhan ah shacabka.
Go'aanka Carter ee ku aaddan taageerada Savimbi ayaa qayb ka ahaa istaraatijiyad ballaadhan oo Mareykanku kula dagaallamayay saameynta Shuuciga ee Afrika, laakiin wuxuu ka hor yimid dooddiisa ku aaddan difaaca xuquuqda aadanaha.
In kasta oo Carter markii dambe uu dadaal u galay heshiis diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka, haddana taageerada dowladdiisu siisay mucaaradka waxay saameyn ku yeelatay Angola tobannaan sano ka bacdi.
"Taageerada Carter ee Unita ee Angola waxay noqon kartay qalad, laakiin sidoo kale waxay xusuusinaysaa sida xaaladaha diblomaasiyadeed ee Afrikada Koonfureed xilligii Dagaalkii Qaboobaa ay u adkeyd," ayuu yidhi Ebenezar Obadare.
Waxtarka Xaruntii Carter
Mid ka mid ah dhaxalka waara ee uu Carter ka tagayo waa shaqada ay qabatay hay'addiisa samafal, taas oo hagaajisay xaaladda caafimaad ee malaayiin Afrikaan ah, kadib dadaallo ballaadhan oo lagu wajahayo cudurrada la fududaystay ee Qaaraddu la daala dhacaysay.
Hay'adda The Carter Center, awaxay qayb ka ahayd yarayntaxanuunka Guinea worm oo biyaha wasakhda ah laga qaado kaas, oo ku dhow inuu gabi ahaanba cidihbtirmo — kaas oo kaliya 13 kiis oo bini'aadan ah la soo sheegay sanadkii 2023. Taas oo calaamad u ah dhammaadka cudurka kale oo weyn tan iyo marka cudurka jadeecada laga adkaaday.
Markii xarunta Carter ay bilaabaysay la dagaallanka cudurkaas sanadkii 1986, waxaa jiray qiyaastii 3.5 milyan oo kiis oo sannadle ah oo ka dhici jiray 21 waddan oo ku yaal Afrika iyo Aasiya.
Cudurkan, oo dadka u horseeda xanuun daran iyo naafonimo muddo dheer ah, wuxuu sababaa in qofka aanu naftiisa daryeeli karin.
Isagoo la hadlayay BBC-da sanadkii 2021, madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, ayaa Carter ku tilmaamay ku bogaadiyey in madaxweynihii hore ee Mareykanka uu "ka dhigay tirtiriddii cudurka guinea worm mid taariikh ah."
Dhiirrigeliyeyaasha siyaasadda caafimaadka waxay sheegayaan in shaqada Xarunta Carter ee la xiriirta cudurradaas ay gogol-dhigtay barnaamijyo kale oo Mareykanku hirgeliyay sida PEPFAR, oo ah qorshaha degdegga ah ee George W. Bush ee xakamaynta HIV/AIDS, oo la bilaabay labaatan sano ka hor.
Sida Nelson Mandela, Carter wuxuu waqtigiisa ka danbeeyey xilka madaxtinnimada diiradda saaray arrimaha caafimaadka Afrika. Mandela iyo Carter waxay ahaayeen saaxiibo, waxayna labaduba ka mid noqdeen kooxda Elders ee u dhaqdhaqaaqi jirtey arrimaha Afrika iyo kuwa caalamiga ah.
Xarunta Carter ayaa sidoo kale door weyn ka qaadatay la socodka doorashooyinka iyo dhiirrigelinta dimuqraadiyadda qaaradda. Carter wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel sanadkii 2002 shaqadiisaas darteed.