Geeri la yaab leh: Wasiir meydkiisa la helay in yar ka dib markii shaqada laga eryey

Roman Starovoit wuxuu wasiir ahaa tan iyo Maajo 2024

Xigashada Sawirka, EPA

Guddi baaritaan oo Ruush ah ayaa sheegay in wasiirkii hore ee gaadiidka ee Ruushka Roman Starovoit la helay meydkiisa ka dib ayadoo ay u muuqatay inuu isagu is dilay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa shaqada ka eryay Starovoit horaantii Isniintii.

Lama sheegin sababaha shaqada looga eryay Starovoit, halka ku xigeenkiisa, Andrei Nikitin, lagu dhawaaqay inuu yahay wasiirka gaadiidka wax yar ka dib.

Guddiga baaritaanka ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen arrimaha shilkan.

Starovoit waxaa loo magacaabay wasiirka gaadiidka May 2024.

Intaa ka hor, Starovoit waxa uu ahaa guddoomiyaha gobolka Kursk ku dhawaad lix sano, ilaa uu markii dambe noqday wasiirka gaadiidka.

Gobolka waxaa qayb ka mid ah la wareegay ciidamada Ukraine bishii Agosto ee sannadkii hore, iyagoo weerar lama filaan ah ku qaaday. Moscow ayaa dhawaan ku guuleysatay inay ka saarto ciidamada Ukraine, inkastoo dabayaaqadii bishii June, Kyiv ay sheegtay inay weli ku hayso dhul yar oo ku yaal gudaha Ruushka.

Ku-simaha Starovoit ee guddoomiyaha gobolka, Aleksey Smirnov, kuma sii waarin xafiiska. Waxa la xiray bishii Abril ka dibna waxa lagu soo oogay dacwad ah in uu lunsaday lacag loogu talo galay in lagu dhiso xero ciidan oo laga dhisayo xadka Ukraine.

Andrei Kartapolov

Xigashada Sawirka, X

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shabakadda wararka ee Ruushka Kommersant ayaa sheegtay in Starovoit la filayo in llagu eedeeeyo isla kiiska. Waxaa la rumeysan yahay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay ka dib markii la xiray ku xigeenkiisii hore, Starovoit uu ku noolaa cabsi uu ka qabo aayihiisa.

Kiisaska uu maxbuusku ku markhaati furo ka sarreeya ama sarkaalka xukuma maaha wax cusub, in la yiraahdo ugu yaraan, nidaamka caddaaladda ee Ruushka.

Laakiin ilaa hadda, maamulku waxa ay sugayeen in la xiro, iyaga oo rajo ka qaba in xiriirkooda heerka sare ah uu badbaadiyo, ama ay dalka isaga carareen. Laakiin marka ay timaaddo is-dilitaanka hanjabaadda lagu xirayo Ruushka xilligan casriga ah, kiisaska intooda badan waxaa gacanta ku haya saraakiisha booliska, kiisaskani waa kuwo aad dhif u ah.

Dhimashada Starovoit ayaa guul muhiim ah u ah madaxda Ruushka. Waxay si cad u muujinaysaa cabsida sii kordheysa ee ka jirta maamulka iyo hanjabaadda xarigga, laga yaabee xitaa kuwa aan waligood waxba xadin, laakiin si buuxda uga warqaba sida nidaamka cadaaladda dalkooda u shaqeeyo. Xoriyad xaddidan oo lagu sii daayo iyo xaaladaha xun ee xabsiyada ciqaabta.

Sababta shaqada looga ceyriyay Roman Starovoit ayaan si rasmi ah loo shaacin, waxaana wax yar kadib lagu dhawaaqay inuu bedelay wasiir ku xigeenka gaadiidka Andrei Nikitin. Guddiga baarista ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladihii uu geystay ruuxa is dilay. Sidoo kale ma cadda goorta saxda ah ee Starovoit uu dhintay. Meydkiisa ayaa la helay Isniintii.

Madaxa Guddiga Difaaca Duma ee Gobolka, Andrei Kartapolov, ayaa u sheegay TV-ga Ruushka ee RTVI in dhimashadu ay dhacday "muddo ka hor."

Isniintii qudheeda, ka hor inta aan lagu dhawaaqin dhimashada Starovoit, saxafiyiintu waxay ku cadaadiyeen afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov, iyaga oo waydiinaya in cayrinta ay ka dhigan tahay in Putin uu lumiyay kalsoonida Starovoit dhacdooyinka Kursk.

" Kalsoonida luntay ayaa la sheegay haddii ay jirto kalsoonida. Erayadan laguma isticmaalin wareegtada Kremlinka" Peskov ayaa ku jawaabay.