Soomaaliya iyo dalalka kale ee dowladahu go'aamo ka gaaraan xilliyada hurdada, caweyska iyo nolosha kale ee dadka

Shuruuc

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka, Dalalka caalamka iyo shuruucda bulshada

Dalalka dunida, waxaa jira shuruuc nololeed u yaalla dal walba taas oo uu kaga duwan yahay dalalka kale ee caalamka, waxa laga yaabaa in aad aragto wax dal ka mamnuuc ah balse dal kale ugu jira waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga isticmaalo.

Marka ay noqoto qaaradaha kala duwan ee caalamka iyo marka laga eego dhanka diimaha, dal waliba waxbaa kamid noqon kara caadooyinka maguuraanka ah ee laga isticmaalo, taas oo dalal kale la’iskuba maxkamadeeyo.

Dowladaha ayaa qayb weyn ka qaata habka maamul ee nolosha dadweynaha, haddii ay ahaan lahayd saacadaha shaqada, waxbarashada, labbiska, iyo qaab nololeedka kaleba.

Waxan halkan ku xusi doonnaa shan qoddob oo dalal caalamka kamida ay mamnuuc ka yihiin, isla markaana hadal heyn abuuray.

Go'aaminta xilliga hurdada ee London

London waa magaalo weyn waa caasimadda UK, waxa ay kamid tahay magaalooyinka ugu caansan dunida, cid kasta oo caalamka ku nool waxa ay u badantahay in mar uun ay jeclaan lahaayeen in ay booqdaan.

Waxa ku yaalla goobo dalxiis oo loo qorsheeyay in booqde-yaashu ay ku raaxeystaan, waxaase taa beddelkeeda jirta in dalxiiseyaashu aysan daneyn magaalo habeenkii laga hoydo xiili hore.

London waxaa ka jirta shuruuc adag oo la xiriirta goobaha lagu caweeyo xilliyada habeenkii ah iyo in la xiro isla markaana magaalada la firaaqeeyo xilliyada saqda dhexe ah.

London

Xigashada Sawirka, PYMCA

Qoraalka sawirka, Caweyska London

11:30 ilaa 12:30 saqda dhexe waa xilliga albaabada la isugu dhufto goobaha caweyska amarka dowladda awgiis, balse waxa ay taasi dhaqan gashaa maalmaha toddobaadka.

Sheekada ku saabsan wakhtiga jiifka ee hore ee caasimada UK ayaa ugu horayn noqotay mid hadal heyn badan, waxana dad badan ay is weydiinayan sida caasimad sidan u weyn uu sharcigaas uga dhaqan geli karo.

Goobaha caweyska, aroosyada iyo dhar xirashada Soomaaliya

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa mamnuucay in magaalada Muqdisho aysan cidna ku dhex mari karin koofi iyo Maskiga wejiga lagu xirto. Hadalka guddoomiyaha ayaa lagu micneeyay in looga hortagayo sabbabo amni xumo oo ka dhacda caasimadda. Laakiin si buuxda uma dhaqangelin.

Dhinaca kale guddoomiye Maddaale waxa uu mamnuucay in habeenki xilli dambe aan lagu gaari karin xafladaha aroosyada ee ka dhacaya caasimadda, balse uma muuqato in sharcigas uu hir galay.

Guddoomiyaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho Cali Fahle ayaa isna dhawaan soo saaray amarro ku socda hoteelada iyo maqaayadaha ku yaala degmadaas ee lagu caweeyo habeenkii.

Guddoomiye Cali Fahle ayaa sheegay inuusan marna aqbali doonin in hoteelo iyo maqaayado ku yaala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ay furnaadaan xilliga dambe ee habeenkii.

Muqdisho

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka, Maqaayadaha Degmada Hodan

Degmada Hodan waxa ay caan ku tahay maqaaxiyo habeenkii lagu caweeyo isla markaana lagu gaaro ilaa waabariga halkaa oo lagu sameeyo cuntooyin ay ugu caansanyihiin canjeelo iyo oodkac.

Waxaa xusid mudan in ay soo xaadiraan dhallinyaro badan oo ka kala yimid degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.

Mamnuucidda isticmaalka internet-ka ee kuuriyada waqooyi

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isticmaalka internetka guud ahaan lagama heli karo Kuuriyada Waqooyi. Kaliya qaar ka mid ah saraakiisha sare ayaa loo oggol yahay inay galaan internetka adduunka. Jaamacadaha badankooda, tiro yar oo kombiyuutaro si adag loo ilaaliyo ayaa bixiya. Muwaadiniinta kale waxay heli karaan oo keliya internetka qaranka ee dalka, oo loo yaqaan Kwangmyong.

In kasta oo dadweynaha Waqooyiga Kuuriya aysan helin adeegga qadka ee internetka, tani macnaheedu maahan gebi ahaanba in aan internetka laga helin Waqooyiga Kuuriya.

Waxaa lagu qiyaasaa ilaa lix milyan oo Kuuriyada Waqooyi ah, qiyaastii rubuc ka mid ah dadka, ayaa hadda haysta telefoonnada gacanta. Taleefannada gacanta ee ay heleen ayaa ah kuwa gudaha laga sameeyay ee Kuuriyada Waqooyi waxayna ka shaqayn doonaan oo keliya gudaha. Waxay awoodaan inay ku xiraan internet-ka kaas oo siinaya inay helaan wararka, cimilada, qaamuuska khadka tooska ah, ciyaaraha, Wikipedia maxalli ah iyo apps-ka quruxda.

Kuuriyada Waqooyi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kim iyo shuruucdiisa adag

Habka timo jarashada ee Kuuriyada Waqooyi

Timo jarista Kuuriyada Waqooyi ayaa ah waxa ugu layaabka badane e dalkaasi.

Dabayaaqadii 2014-kii BBC-da iyo wakaaladaha kale ee wararka ayaa qoray maqaal ku saabsan ardayda jaamacadda Kuuriyada Waqooyi ee lagu amray inay timaha u jartaan si isku mid ah.

Dhammaan ragga iyo dumarku waxay samayn karaan oo keliya mid ka mid ah 28-ka qaab ee ay dowladdu oggolaatay ama u jiheysay, 18 qaab dumar ah, 10 qaab rag ah, iyadoo timo jarashada kale ay tahay mamnuuc. Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sharcigan soo saaray sanadkii 2013-kii, kuma uusan darin liiskan qaabka jarashadiisa sababo la xiriira in uu dadka kale ka duwanaado ama ay tiisu noqoto mid gaar ah, mana jirto cid ku dhiiran karta in ay u jarato sidiisa.

Labbiska futashaariga ah ee Ruto

Nairobi

Xigashada Sawirka, Presidency Kenya/X

Qoraalka sawirka, Futashaariga Ruto

Baarlamaanka Kenya ayaa mamnuucay xirashada Futashaariga, kaasoo loogu magac daray Madaxweynihii hore ee Zambia Kenneth Kaunda. Afhayeenka baarlamaanka Moses Wetangula ayaa sheegay in Kaunda suuut, iyo sidoo kale dharka dhaqanka ee Afrika, aan la oggoleyn. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa inta badan xirta dharkan xilliyada muhiimka ah.

Mr Ruto waxa uu xiran jiray dharkan mararka qaar isaga oo leh kuleeti gaaban oo kor loo qaaday. Suutka Kaunda ayaa horay loogu ogolaaday baarlamaanka iyadoo xildhibaanada qaarna ay caan ku ahaayeen in ay xirtaan marar badan.

Mamnuucida ayaa siyaabo kala duwan loogu falanqeeyay baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay is weydiinayaan sababta "dharka Afrika" uu u mamnuucay baarlamaanka Afrika, halka qaar kalena ay taageersan yihiin. Qaar ayaa sidoo kale ku jees jeesay mamnuucida, iyagoo leh suudka Kaunda hadda waxaa loo qoondeeyay madaxweynaha.